unnamed
uha-web-banner-ad Togdheer News Network
logo
logo
head
dahab
<<< Click here to contact us or Send Email to: editor@togdheernews.com>>>
head
head

Daawo : Wakiilka Laba Koontiinar Oo Ku Gubtay Dekada Berbera Oo Lacag Ganaaxa La Duldhigay

Shirkada Dp Wolrd ayaa lacag ganaax iyo khasaare isugu jira ku qasirtay Maxamed Xasan Qaalib oo ah wakiilka  laba koontiinar oo ku  gubtay barxada Wajaale ee Dekada Berbera.

Labada koonteenar  ee uu wakiilka u ahaa   ayaa dab kakacay iyagoo yaala dekada berbera gudaheeda kuwaasoo sida shirkada Dp World ay sheegayso khasaare ku keenay dekada Berbera, waxaanay amar culus dul saartay  wakiilkaa  labadaa koontiinar   illaa ay bixiyaan lacag dhan $145,000  oo doolar.

hadaba is maandhaafkan ayaa ka muuqda  qoraal uu warbaahinta ugu talo galay xisaabiyaha guud ee Shirkada Dp World Iimaan Yuusuf Iimaan  oo uu   ku sheegay in aan wax khasaare ahi aanu ka  dhicin  dekada Berbera, koontiinarada gubtay mooyaane.

 

Dhanka kalana qalabkii wax rogi jiray ee loo yaqaanay kaalmarada iyo boosta way fadhiyaan dayac tir la’aan , Shaqaalaha dekada Berberana waxaa ka muuqda moral jab ka dib markii mushaharka ay ku qanci waayeen.xukuumada sare ee Somaliland ayaad moodaa in ay dhegaha ka furaysanayso cabashada ganacsatada iyo waliba shaqaalaha, Dekada Berbera.

 

Koontiinarada.jpg

HALKAN HOOSE KA AKHRI LABADA QORAAL EE IS BURINAYA EE XISABIYAHA SHIRKADA DP WORLD  IMAAM  YUUSUF IIMAAN  KU SAXEEXAN YAHAY.

Date: June 29, 2017Ku:
Dhammaan Saxaafada Somaliland.
UJEEDO: Warbixin Konteynarkii ku gubtay Dekedda

Berbera.Waxaanu halkan idiin ku soo gudbinaynaa Warbixin ku saabsan kontaynar ku gubtay maanta Abaaro 11:00-am Duhurnimo, Taariikhduna ahayd 27, June 2017, kontaynar kaasoo ay ku jireen Walxo Kiimiko ah kuwaasi oon loo soo yeelin wax calaamad ah oo muujinaysa khatarnimada shixnada kontiinarkaasi ku jirta sida uu dhigaayo xeerka calamiga ah ee shixnadaha khatarta ah ee la mariyo marin badeedada (international maritime dangerous good code).

Hadaba ganacsadaha konteynarkan lahaa wuxuu ka been sheegay Manifeska konteynarkan oo uu walxaha ku jiray uu magac kale u bixiyay amaba ku sheegay

Kontaynarkan maanta qarxay wuxuu ahaa hadhaagii kasoo hadhay qaraxii kontanarkii hore ee dekada hore qarax u sababay 18 June, 2017 oo meel cidlo ah la dhigay taasi oo dekeda ka baxsan.Waxa wali socota baadhitaan Shirkada DP World Berbera iyo Ciidanka CID iyo booliska degmada Saaxil ay ku wadaan ganacsadihii alaabta lahaa iyo Xaqiiqda nooca Kiimiko ah ee konteynarka ku jiray.

Shirkada DP World waxay caddaynaysaa inaanu jirin wax dhibaato Maal iyo Naf ah oo soo gaadhay shaqaalaha dekedda iyo dhamaan badeecadihii kale ee dekedda yaalay laguna guulaystay in lasoo afjaro qiiqii iyo qaraxii konteynarkaas, islamarkaasna dhamaan shaqadii dekedu ay u socoto sidii caadiga ahayd.

Imaan Yusuf Imaan
Chief Financial Officer. (CFO)
DP World Berbera”

19621508_1313934218732876_797113208_n

Latest News

  • Daawo:Odayaasha Iyo Waxgaradka Degmada Dila Ayaa Eedaymo Ujeediyay Maamulka Degmada
  • Daawo:Xisbiga Waddani Ayaa Xukuumadda Ku Eedeeyay Inay Qoranayso Shaqaale Been Abuur Ah
  • Daawo:Wasaaradda Arimaha Gudaha Oo Ka Hadashay Wiil Ku Dhintay Soo Dhawyantii Waddani
  • Daawo:Sheekh Berberaawi Ayaa Sharraxaad Ka Bixiyay Halka Uu Ka Yimaadaan Isbedelada Bulsheed
  • Daawo:Warbixin: maxaa ka jira in wasiir cali mareexaan iibiyaya Dhulkii ugu badna

Latest Articles

  • Oromada iyo Soomaalida Qaad wax ka weyn ayaa ka dhexeyaa!
  • Wal walka iyo kalsooni darada ka qabta garsoorka dalka.Cartan Maxamed Jamac
  • Baroortu Orgiga Ka Weyn: Doorashooyinka Somaliland: Axmed Maxamed Diiriye )(Toorno), ahmedmdiriye, Hargeysa
  • Maxakamad Siyaasadi Turuqday,Tallo Ha Way Diinin( Dr Daacad Alle Yaqaan)!
  • Af lagaado & Cay midna eedu kuma sama!

head


All Rights Reserved | Copyright © 2005-2016 : Togdheer News Network | Powered by Horn Digital