unnamed
uha-web-banner-ad Togdheer News Network
logo
logo
head
dahab
<<< Click here to contact us or Send Email to: editor@togdheernews.com>>>
head
head

Guddiga Guurtidu u Saaray Arrimaha Doorashooyinka iyo Muddo-kordhinta oo Talo-bixintooda u Gudbinaya Golaha Isniinta

 

Magacyada 21 xildhibaan oo loo xilsaaray ka soo talo-bixinta muddo-kordhinta iyo farriin Guddoomiye Saleebaan u guntay guddiga uu magacaabay

Hargeysa (Togdhnews)- Guddida Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland u saartay arrimaha doorashooyinka iyo muddo-kordhinta xukuumadda iyo golayaasha qaranka, ayaa talo-bixintooda u gudbinaya aqalkaasi Isniinta berri, haddii Ilaahay yidhaah, iyadoo kadibna Golaha Guurtidu go’aan ka gaadhi doono muddada loo kordhinayo Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka.

Guddi ka kooban 21 xubnood oo Shirguddoonka Guurtidu u magacaabay inay ka soo talo-bixiyaan muddo-kordhintan cusub, ayaa la siiyey inay muddo laba maalmood ah kaga soo talo-bixiyaan waqtiga lagu qaban karo doorashooyinka Madaxtooyada, Golaha Wakiillada iyo golayaasha deegaanka oo iyadana xilli koobani ka dhimanyahay.

Guddoomiyaha aqalka Guurtida Md. Saleebaan Maxamuud Aadan oo hoggaaminayey fadhigii golaha ee shalay oo shaacinayey guddiga uu saaray, waxa uu yidhi, “Maanta iyo berriba (shalay iyo maanta) hadii Ilaahay yidhaaho teennii golaha u khaaska ahayd dib baynu u dhigan oo hawlihii qaranku innaga sugayey ee kale ayeynu dhammaynaynaa, guddi 21 xubnood ah baan u saarnay inay ka soo talo-bixiso oo uu guddoomiye ka yahay Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad ee Goluhu, waxaannu culayskaa u saarnay waxa weeye cid waliba ha iska dhex aragto.

Guddigan waxaannu ka codsanaynaa inay maanta (shalay) iyo berri (maanta) hawsha ku soo dhammeeyaan, golaha intiisa kale waa fasax.”

Haddaba, 21 xubnood ee guddiga ka talo-bixinta oo uu wehelinayo Xoghayaha Guud ee Guurtida waxay magacyadoodu kala yihiin sidan;

1- Siciid Jaamac Cali, waa Guddoomiyaha guddigaasi, ahna Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad ee Golaha Guurtida.

2- Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan

3- Maxamuud Xareed Rooble

4- Cawil Cismaan Maxamuud

5- Axmed Nuur Aw Cali Aadan

6- Cabdiqadir Maxamed Xasan

7- Cabdiraxmaan Qawdhan Maxamed

8- Dayib Xasan Axmed

9- Siciid Cabdilaahi Askar

10- Xirsi Ciise Jaamac

11- Cabdicasiis Maxamed Gaaxnuug

12- Siciid Xaaji Xuseen Hurruuse

13- Muxumed Aw Axmed Xaaji Aadan

14- Muuse Xaaji Cabdi Ducaale

15- Muuse Ibraahin Aw Nuur

16- Xaaji Cabdi Xuseen Yuusuf

17- Nuur Rayaale Khayre

18- Cawil Xuseen Axmed

19- Axmed Daahir Jirde

20- Xaaji Cabdiraxmaan Cismaan Jaamac

21- Yuusuf Cabdillaahi Cawaale

22- Cabdinaasir Aadan Beegsi.

 

Latest News

  • Xukuumadda Somaliland Oo Xabsiga Dhigtay Toddoba Xubnood Oo Ka Tirsan Mas’uulyiinta Xisbiga WADDANI.
  • Gudoomiyaha Degmada Duruqsi Ee Gobolka Togdheer Oo Shaaciyay In Ay 5 Qof U Geeriyooday Haraad Iyo Gaajo
  • Daawo:Murrashax Faysal Cali Waraabe Oo Ku Taliyay Inay Somaliand La Midowdo Imaaraadka Carabta.
  • Gudoomiye kuxigeenada Cusub Ee Gobolka Banaadir Oo Lagu Soo wareejiyay xarunta gobolka +Sawirada
  • Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Wakiilada Oo Shaaciyey Inuu U Tartamayo Kursi Ka Mid Ah Shir Gudoonka Golaha Wakiilada Waa Kursigee ?

Latest Articles

  • Guddiga Qandaraasyada Qaranka, Hanti Dhawraha Guud iyo Guddiga Musuqmaasuqu ha iscasilaan (Q. 2aad)
  • Dr. Moxamd Cisman Fadal iyo xaaskiisa Zeinab Yusuf X. Adan Waxay Tacsi U Dirayaan..
  • Qisso cajiib ah : Beenta aad caruurtada bartaa dib ayay kuugu soo noqotaa adiga..WQ/Khadar Ibrahim Aar
  • Ambassador Gaaruf Muu Abbaarin Xaqiiqada Iyo Waxa Keenay Sarrif Bararka: W/Q Cabdiraxmaan Cadami
  • DULIN ABAAREED…WQ Cabdijibaar Aaden Gaas

head


All Rights Reserved | Copyright © 2005-2016 : Togdheer News Network | Powered by Horn Digital