unnamed
uha-web-banner-ad Togdheer News Network
logo
logo
head
dahab
<<< Click here to contact us or Send Email to: editor@togdheernews.com>>>
head
head

Hargeysa: Taliska Booliska Oo Ka Warbixiyey Nin Weeraray Saldhig Ciidan, Dhaawacayna Taliye iyo Askari

Hargeysa(Togdhnews)- Taliska Booliska Somaliland, ayaa sheegay in Taliyihii Saldhigga Maxamuud Haybe Dhamme Cabdi Kayd iyo mid ka mid ah Ciidanka Booliska Somaliland ku dhaawacmeen israsaasayn habeen hore ka dhacday magaalada Hargeysa.
Taliye Ku-xigeenka Cabdiraxmaan Liibaan Fooxle iyo Afhayeenka Booliska Somaliland Faysal Xiis oo Warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa faahfaahin ka bixiyay qaabkii uu dhacay falkaasi, waxayna sheegeen in dablaydan dhaawac u geystay Taliyaha Saldhigga Maxamuud Haybe uu hoggaaminayey Sarkaal ka tirsan Laanta Socdaalka Somaliland, waxaanay sheegeen in Dablaydaasi baxsadeen, balse Ciidanka Boolisku ku daba-jiro soo qabashadooda.
“Arrin xalay (Habeen hore), ka dhacday Hargeysa oo ahayd fal denbiyeed dhibaato loogu gaystay ciidanka bilayska, taasoo hawlgalkeedii iyo dabagalkeedii ciidanku ku jiraan meel fiicanna noo marayaa.” Sidaa ayuu yidhi Taliye Fooxle.0
Sidoo kale, Afhayeenka Booliska Faysal Xiis, ayaa sheegay in israsaasaynta ay ku dhaawacmeen Taliyihii Saldhigga Maxamuud Haybe iyo Askari kale oo la socday Taliyaha, waxaanu yidhi; “Xalay (Habeen hore), goor ay saacaddu ahayd 1:30-kii ayaa waxa rasaas ka riday kaalinta siddeedaad Nin la yidhaahdo Yuusuf Cali Maxamed oo lagu naanayso (Daanyeero), kana tirsan Ciidanka socdaalka Somaliland oo Ninkaasi halka rasaas buu ka riday, kadibna waxa ku baxay Taliyaha Saldhigga Bilayska ee Maxamuud Haybe iyo Ciidan uu wato, islamarkii-ba Ciidankii rasaas buu ku furay waxayna rasaastii ku dhacday Taliyaha Saldhigga Maxamuud Haybe iyo Askari la socday oo immika yaalla Cusbitaalka guud.”
“Ninka eedaysana ahi gaadhi buu watay oo uu ku baxsaday, ciidanka boolisku si mugle ayay uga dabatageen, waxay gacanta ku soo dhigeen labaddii gaadhi kii uu ku baxsaday iyo mid kale oo ay ciidanka boolisku gacanta ku hayaan, baabuurta mid ka mid ah waxa lagu arkay dhiig buu lahaa, taasi oo muujinaysa in ciddii gaadhiga wadatay uu dhaawac yahay. Falka eedaysannaha waxa ka caawiyay laba wiil oo isagu dhalay oo ciidamada boolisku meelkasta oo u joogo hawlgal adag buu ku jiraa oo waxaannu ilaahay ka baryaynaa in si degdeg ah gacanta loogu soo dhigo.” Sidaa ayuu yidhi Afhayeenka Booliska Faysal Xiis.

Latest News

  • Wasiirka Macdanta Tamarta. Somaliland. Oo Eedaymo. Culus loo jeediyay
  • Daawo: Badhsaabka Togdheer oo Ka Warbixiyay Hawlgalo Ciidanka Aminiga Ka Wado Gudaha Burco
  • Shaqaale Ka tirsan Wasaarada Caafimaadka Oo Mushahar la,aan Ka Cabanaya.
  • Siyaasi Si Weyn u Cambaareeyay Wasiir Ka Tirsan Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo.
  • Dawlada Ingiriiska Oo Ka Hadlay Qaraxii Ka dhacay Xarunta Baarlamaanka Dalkaas.

Latest Articles

  • Dooda xisbiga kulmiye ee leh isbadal shaqsi iyo mid siyaasadeed ayaanu idin wadnaa shacabow.
  • DURUUFAHA HAYSTA XEEBAHA IYO GUBANKA BARIGA BERBERA
  • Isbedelada Sumaysan Ee Dalka Ka Dhacay 7-dii Sano ee Xukuumada Kulmiye
  • Afar kalmadood oo dadka Somalida ah ku adag in ay yidhaahdaan! W/Q.Khadar Aar
  • Muraabaxada Baananka Islaamiga ah ma ribaa ku walaaqan. (Qaybtii 3aad)

head


All Rights Reserved | Copyright © 2005-2016 : Togdheer News Network | Powered by Horn Digital