unnamed
uha-web-banner-ad Togdheer News Network
logo
logo
head
dahab
<<< Click here to contact us or Send Email to: editor@togdheernews.com>>>
head
head

‘Dunida Lama Arag Xukuumad iibisa Kaabayaasha Dhaqaalaha “

Hargeysa (Togdhnews)- Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, ahna murrashaxa Madaxweynaha ee xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa ka hadlay ballanqaadyo ay hore u samaysay xukuumadda KULMIYE oo aan ilaa hadda waxba laga fulin, isagoo xusay in loo baahan yahay sidii xisbiga KULMIYE looga xorayn lahaa dalka.

Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro oo hadal ka jeediyey xaflad magaalada Boorama loogu sameeyey taageerayaal ku biiray xisbiga WADDANI shalay, waxa uu yidhi; “Xisbiga WADDANI beel gaar ah uma xidhna, beesha aan ka soo jeedo uma xidhna, beesha Murrashaxa Madaxweyne-ku-xigeenka WADDANI-na uma xidhna, balse waxa uu ka dhexeeyaa shacbiga reer Somaliland, laakiin waxa aanu idiinka mahad-naqeynaa in si weyn oo baaxadle aad noo taageertaan, oo aad noo taageerteen aad baan idiin ka mahadnaqeynaa.”

Waxa kaloo uu tilmaamay astaamo uu sheegay inay wadagaan bulshada reer Awdal iyo Xisbiga WADDANI;  “Walaaleyaal, waxa aan idiin sheegayaa dhowr sifo oo ay wadaagaan reer Awdal, Xisbiga WADDANI waa xisbi nabaddeed, reer Awdal-na waa dad nabaddeed, markaa sifadaas waynu wadaagnaa, reer Awdal waa hoygii waxbarashada ee dalka, xisbiga WADDANI waxa ugu horreeya ee uu dhiirigelinayaa waa aqoonta iyo waxbarashada, arrinta saddexaadna waxa weeye in Xisbiga WADDANI doonayo in uu shacbiga reer Somaliland mideeyo, reer Awdal-na waa meeshii tiirarka loogu taagay Somaliland, waana dadkii nabadeynayey ee mideynayey shacbiga reer Somaliland.

Berigii Ingiriiskii (uu ka talinayey dhulka Somaliland) waxa jiray laba xisbi oo la kala odhan jiray SYL iyo USB, maanta-na waanu diin wadnaa USB-dii oo way na la socdaan, waxayna ila tahay in berigaas Ingiriiska laga xoreynayey waddanka, balse, maanta KULMIYE ayeynu ka xoreynaynaa, waxa aan idiin sheegayaa in Doorashadii la muddeeyey, reer Awdal-na in badan baan arkay iyaga oo cabanaya oo Salaadiintu cabaneyso oo gobolku cabanayo, markaa haddii cabashadu idinka dhab ahayd maanta fursad baynu haysanaa, fursaddaasina waxa weeye in ciddii aad ka cabaneyseen la beddelo, waana aynu beddelaynaa, Giimbaarna wuu noqonayaa KULMIYE,” ayuu yidhi Guddoomiye Cirro.

Waxa kaloo uu ka hadlay ballanqaadyo hore uga soo baxay xukuumadda KULMIYE oo aan weli la fulin, waxaannu yidhi; “Dunida lama arag Xukuumad iibisa kaabayaasha dhaqaalaha oo aqalka iibisa oo dhulka iibisa oo garoonka iibisa oo dekadda iibisa lama arag dunida, se waxa la arkay mid intaas ba dhista weliba waxa ay kaga dareen ballanqaadka badan oo waxa ay yidhaahdeen Lughaya waxa aanu ka dhiseynaa dekad, dekaddii Lughaya meeday? Dekaddii Xiis meeday? Dekaddii Maydh meeday? Warshaddii Berberi meeday? Gurigii Badhasaabka Gobolka Boorama mee? Markaa sidaas ku eegan mayno ee waa in aynu xukunka ka tuurnaa.”

 

Latest News

  • Daawo: Maareeyaha Shirkada Daabacada Sagal Jet Iyo Warbixin Xiiso Badan.
  • Qisadii Raahibkii khamriga cabay iyo danbiyadii uu ku dhacday – Qisooyin uu nabi Maxamed (CSW) ka sheekeeyay
  • Safiirka Jabuuti Ee Somaliland OoKa Hadlay Xuska Maalinta Qaranimda Dalkiisa
  • Laba Mujaahid Oo Taallooyin looga Dhisay Tuulooyinka Awbarkhadle Iyo Dhubato
  • Faahfaahin Qaraxii Magaalada Muqdisho

Latest Articles

  • Shakhsiyadda Dhabta Ah Ee Wiilka Loo Cimaamaday Dhaxal-Sugaha Boqortooyada Sucuudiga Iyo Awoodda Uu Ku Leeyahay Talada Dalkaasi WQ: Maxamed M. Yuusuf (Ilkacase)
  • Sakaatul fidriga oo waxa ay qayb wayn ka noqon kartaa ka soo kabashada dhibaatada abaaraha!Dr. Cabdiqani Xuseen (Beder)
  • Markuu Hoggaanku Asqoobo, Bulshaduna Way Wajaqdaa.
  • Isbedelka Bariga dhexe iyo Isbedelka Soomaaliland
  • Daahfurka Akadamiga Fanka iyo Cilmiga: 2014kii mise 2017ka? Qormada Kowaad

head


All Rights Reserved | Copyright © 2005-2016 : Togdheer News Network | Powered by Horn Digital