unnamed
uha-web-banner-ad Togdheer News Network
logo
logo
head
dahab
<<< Click here to contact us or Send Email to: editor@togdheernews.com>>>
head
head

Puntland: Ciidammo Mushahar La’aan ka Gadooday oo la Wareegay Xarumo Dawladeed

Gaalkacayo – Soomaaliya (Togdhnews)-   Ciidammo gadoodsan oo ka tirsan maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntland, ayaa la wareegay xarumo dawladeed uu maamulkaasi ku leeyahay magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacayo.

Ciidan gadoodsan ayaa qabsaday xarunta dalwadda hoose ee woqooyiga magaalada Gaalkacyo shalay.

Sidoo kale, gaadiid fara badan ayaa ku xanniban koontaroolka dhanka koonfureed ee magaalada xarunta u ah maamulka Puntland ee Garoowe, kadib markii ay halkaas qabsadeen ciidan cadhaysan oo ka cabanaya mushahar la’aan muddo dheer haysata saqdii dhexe ee habeennimadii Khamiista.

Ciidammadan ayaa sheegay in tallaabadan ay ku dhaqaaqeen sababo la xidhiidha in aanay wax mushahar ah qaadan muddo dhowr bilood ah.

Ciidanka gadoodsan ee la wareegay dawladda hoose ee Gaalkacayo, ayaa ku amray shaqaalaha inay xafiisyada u xidhaan, isla markaana si degdeg ah xarunta uga baxaan.
Taliye-ku-xigeenka Ciidanka Daraawiishta Puntland Mr. Dayr Xaaji Cabdi oo cutubyo ciidankiisa ah qabsadeen kontoroolka ugu weyn ee laga galo magaalada Garoowe oo saxaafadda la hadlay shalay, ayaa soo bandhigay qoraal muujinaya xaddiga mushaharooyinka ka maqan ciidammada Daraawiishta intii uu maamul-goboleedka hoggaamiyey Cabdi-weli Maxamed Cali Gaas.

Taliyuhu waxa uu warqaddaas ku caddeeyey in aanay ciidankiisu mushahar qaadan 28 bilood oo ka mid ah 39 bilood oo xukuumadda Madaxweyne Gaas ka talinaysay Puntland, sidoo kalena aanay 30 bilood helin adeegyada kala duwan ee ciidanka iyo weliba lacagaha loogu talogalay daryeelka askar uu sheegay inay ku sugan degaanno ka tirsan Gobollada Sool iyo Buuhoodle oo maamulka Puntland hayb ahaan ku sheegto.

Waxa kaloo shir-saxaafadeedkaas ka hadlay saraakiil sare ay ka mid yihiin;  Afhayeenka Ciidanka Daraawiishta Puntland Mr. Maxamuud Axmed Gubadle Afhayeenka Ciidanka Daraawiishta Puntland iyo Taliyaha Ururka Taliska Guud Gaashaan sare Maxamed Ducaale Ayax, kuwaas oo si isku mid ah u caddeeyey in gadoodka ciidankoodu salka ku hayo cabashooyin muddo dheer soo taxnaa oo la xidhiidha mushaharooyinka bilaha badan ka maqan.

Gadoodka ciidammada maamulka Garoowe ku dhaqaaqeen waxa uu ku soo beegmay maalmo kadib markii wasiirka Maaliyadda ee Puntland sheegay in aanay jirin wax musharooyin ah oo lagu leeyahay maamulkooda, ciidammadana si joogto ah u siiyaan mushaharkooda bil kasta.

Latest News

  • Madaxweyne Geele ayaa dhagax dhigay Warshad Loogu Talagalay In Biyaha Badda u Besho Macaan
  • Magaalada Beledweyne Oo Gaadiid Lagu Kala Afduubtay.
  • Waxgarad Ka Hadlay Waaran Loo Soo Jaray Suldaan Maxamed Muuse Oo Ka Mida Madaxdhaqameedka Togdheer
  • Dawlada Federaalka Somaliya Oo Sheegtay Inay Qabteen Dad Looga Shakisan yahay Al Shabaab.
  • Mudaharaad Lagaga Soo Horjeedo Heshiiska Shirka Galmudug Iyo Ahlu suna Oo Ka Dhacay Cadaado

Latest Articles

  • Hadalka Ra’iisal-wasaaraha Ethiopia waa farriin culus oo ku wajahan Xaalad-abuurka Xukuumadda Xamar: Ali Xaruuri
  • Maxaa inoo diidaya inaynu ciyaarno doorkeena siyaasadeed ee Gobolka inagoo bilaa aqoonsi ah! W/Q Mohamed Abdirahman
  • Tacsi Tiiraanyo Oo Leh Oo Ku Socda Marxuun Aadan Siciid (Aadan Dooc) Oo Ku Geeriyadoy Burco.
  • African Borders Are Based On Land, Not On Clans..Ibrahim Hassan Gagale
  • Farmaajo Dab buu ku ciyaarayaa. (Farmajo is playing with fire)…By: Ali Xaruuri

head


All Rights Reserved | Copyright © 2005-2016 : Togdheer News Network | Powered by Horn Digital