unnamed
uha-web-banner-ad Togdheer News Network
logo
logo
head
dahab
<<< Click here to contact us or Send Email to: editor@togdheernews.com>>>
head
head

Magacyada Qaar Ka Mid Ah Dadka Reer Somaliland Ee Ku Geeriyooday, Kuna Dhaawacmay Doonidii Lagu Duqeeyay Biyaha Baabal Mandabka –

Yemen(/W.Wararka)-Waxa isa soo taraya wararka ka soo baxaya doonidii ay dawladda Sucuudigu ku duqaysay marin biyoodka Baabal-mandab, kuwaas oo hadda la sheegayo in dadka ku geeriyooday ay u badnaayeen reer Somaliland, gaar ahaan Hargeysa, Burco iyo Lascanod.

Waxa geesta kale jira dad dhaawac ah iyo kuwo aanay waxba soo gaadhin oo badbaaday, kuwii dhaawaca ahaa waxa lagu dabiibayaa cisbitaal ku y aala Yemen, halka kuwii aanay waxba gaadhin xabsiyada lagu xidhay.

Nin ka mid ah dadka dhaawaca ah ee ka badbaaday shilkaas oo ka soo jeeda Somaliya, oo uu Geeska Afrika la hadlay ayaa si kooban u sheegay in masiibo heshay, “Walaal masiibo ayaa na heshay, dhimasho iyo dhaawac ayaan isugu jirnaa ee inta dhimatayna u soo duceeya, inta dhaawaca ahna u soo duceeya.” ayuu si kooban u yidhi wiilkani.

Ninkan dhaawaca ahi wuu ka gaabsaday inuu bixiyo faahfaahin dheeraad ah, wuxuuse magacaabay dadka geeriyooday qaar ka mid ah oo ay safarkaas ku wada jireen. Dad ka shaqeeya cisbitaalka uu dhaawaca yaalo oo Somali ah ayaa baahiyay magacyadan hoos ku qoran oo ay sheegeen inay isugu jiraan dhaawac iyo dhimasho, kuwaas oo ay dalbadeen in la faafiyo, waxaanay kala yihiin sidan:

1:Deeq Mahad Faarax oo kasoo jeeda Laascaanood (Dhimasho)

2:Xafsa Cumar Daroori oo kasoo jeeda Laascaanood (Dhimasho)

3:Ayaan Maxamed oo kasoo jeeda Laascaanood (Dhimasho)

4:Faadumo Yuusuf Haybe oo kasoo jeeda Laascaanood (DHimasho)

5:Aaamina Baaxeer oo kasoo jeeda Burco (Dhimasho)

6:Hibaaq Axmed Tarabi oo kasoo jeeda Burco (Dhimasho)

7:Muxumed ISmaaciil oo kasoo jeeda Hargeysa (Dhimasho)

8:Maxamed Aadan Cabi( Maxamed Timo) oo kasoo jeeda Burco (Dhimasho)

9:Cabdiraxman hassan mohamoud Dhaawac, kana soo jeeda Lascanod

10:Maareeye Cabdiraxmaan, oo dhaawac ah kana kana soo jeeda laascaabood.

11:Cabdi Xasan oo dhaawac ah kana soo jeeda Laascaanood.

12:Guuleed Cabdifataax Giirre oo kasoo jeeda Hargeysa (Dhimasho)

13:Cabdirisaaq Dayaxo kana soo Jeeda Burco (Dhimasho)

14:Xamdi Xasan Faahiye oo kasoo jeeda Laascaanood waa dhaawac.

15:Ibrahim Ahmed (Dhimasho).

Latest News

  • Daahir Riyaale Oo Khudbad Tariikhiya Ka Jeediyay Munaasibadda 18-May
  • Khudabadii Madaxwayne Biixi ee sanad guurada 18may
  • Prof Cali Khaliif Oo Ka Hadlay Munaasiadda 18- May
  • Gudoomiyaha Golaha Guurtida JSL Oo Ka Hadlay Colaadda Ceel Afwayn
  • Ambassadorka Ethiopia u qaabilsan Somaliland oo ka hadlay 18 May

Latest Articles

  • SOMALILAND MA WAXBAA U DHIMAN MISE WAXBAA KA SI’ AH. W.Q Liibaan Shaadiro Qaybtii Labaad
  • TAARIIKHDA DAWLADA SUCUUDIGA IYO QAABKII LOO AAS-AASAY WAX KA BARO. Qormadii 22` aad .
  • Xasuustayda Weedho Kooban Oo AHN.Maxamed Nuur Giriig Ka Yidhi Sahra Axmed Jaamac: Q.2aad…
  • Muxuu yahay qorsha-hawleedka hayada Duulista iyo Madaarada Jamhuuriyada Somaliland??
  • Taariikh Nololeedkiisii: Godka Lagu JanneeHoygiisi Buu Cali Ibraahim Maxamed (Cali Sanyare) Tagee Duco Ku Sii Hooya.

head


All Rights Reserved | Copyright © 2005-2016 : Togdheer News Network | Powered by Horn Digital