unnamed
uha-web-banner-ad Togdheer News Network
logo
logo
head
dahab
<<< Click here to contact us or Send Email to: editor@togdheernews.com>>>
head
head

Fadeexado Dul Hoganaya Badhasaabka iyo Taliayaha Boliska G.Daadmadheedh

Badhasaabka Gobolka Daadmadheedh iyo Taliyaha Qaybta Gobolka oo
kufsaday shaqadii Maxakamadaha iyo laaluush ay ganaax ugu yeedheen oo
ay ka guranayaan dad maxakamadu rumaan garaysay sida ku cad warqada
tirsigeedu yahay REF:XMGD/ODW/322/2017, Date:24/01/2017, kana soo
baxday xafiiska Badhasaabka Gobolka kuna socoto xafiiska taliyaha
qaybta oo ah u qaybsanaha lacag qabashada.

Haddaba waxa uma fadhida ah in sharciga dalkani lahaa ku tumanayaan
dad sheeganaya masuuliyiin oo kuwii sharcigaba qaranku u soo dirtay ah
, waxaaba hadal ba gam ka dhigtay markii labadan masuul noqdeen kuwo
laaluush ka guraya muwaadiniinta saldhiga lagu soo xidho.

DAADMADHEEDH

 

Waxaana lagama maarmaan ah in Madaxweynaha iyo taliyaha ciidanka
boolisku talaabo deg deg ah qaadaan haddii kale waxay xaaladu ku
dambayn doontaa habartaa ha ku tabato iyo in nin waliba wuxuu xal
moodo ku dhaqaaqo maadama sharcigii la dugsanayay iyo maxakamadihii
dadku cadaalada u doonayay shaqadoodii boobeen mooryaan badhasaabnimo
iyo taliye qaybeed ku shaqaysanaysa.

Fadlan u fiirso warqadan qoraalka ah ee uu laaluushka ku jidaynayo
badhasaabka gobolku isaga ugu yeedhaya ganaax.
C/Risak Cabdi Jaamac

Latest News

  • Gud.Ku Xigeenka Ilaalinta Hantida Qaranka Oo Ka Hadlay Xilkaqaadistii,…
  • Shacabka Magaaladda Burco Oo Ka Cabanaya Sixir
  • Khayre oo la kulmay Hay’adaha Garsoorka iyo Amniga
  • Dugsi Boodhin Ah Oo Laga Hirgaliyo Degmada Duruqsi
  • Xil. Nasir Cali Shire Oo Sharci Daro Ku Tilmaamay Xilka Laga Qaaday

Latest Articles

  • DUGSIYADA GAARKA LOO LEEYAHAY IYO GANACSIGA WAXBARASHADA W/Q: Cabdifataax Rashiid Maxamed (Arsenal).
  • Wasiir Khaliil iyo Wasiir Sacad oo ku fashilmay
  • Hambalyo Ku Socota Arooska Guuled Yusuf X. Aadan iyo Fadumo Ibrahim Xuseen
  • Sanadkan dad nooceeya ayaynu dooranaa golaha deegaanka iyo Baarlamaankaba?W/Q: Khadar Ibrahim Aar.
  • Maxey ka Bilaabantey Colaadda Foosha xun ee u Dhexeysa Beelaha Walaalaha ah Deegaanka Ceel-Afweyn Maxaase Udaawo

head


All Rights Reserved | Copyright © 2005-2016 : Togdheer News Network | Powered by Horn Digital