unnamed
uha-web-banner-ad Togdheer News Network
logo
logo
head
dahab
<<< Click here to contact us or Send Email to: editor@togdheernews.com>>>
head
head

Agaasime Waaxeed Ka Tirasan Wasaarada Macdanta Iyo Tamarta Oo Buuq Ka Dhex abuuray Hawlaha Sahaminta ee Ka Socda Gobolka Daadmadheedh

 

Waxa baryahan ba dadka ku dhaqan deegaanka gobolka Daadmdheedh Jahawareer baahsan ka qaadeen Maamul Xumo iyo Wax is dabamarin ka dhexjirta Shirkada wada Shidaal Baadhista Ee loo yaqaan BGP iyo Cida Masuulka uga ah Wasaarada Macdanta iyo Tamarta Mashruucan sahaminta ee gobolka Daadmadheedh  oo ah Agaasime waaxeed yar oo lagula soo qaldamay in loo xilsaaro hawl qaran oo intaa culayskeedu leeg yahay , iyadoo loo baahan yahay in Maamulka Guud ee Wasaarada Macdanta iyo Tamartu hoos u dhugtaan dhibta ka taagan gobolka daadmadheedh oo qayb ta ugu badan xumaynayso cida hawsha u xilsaarteen, taas oo keeni karta murkacasho ku timaada hawsha sahaminta oo fashil ku keeni karta shaqada socota, Sida laga wada dheregsan yahay waxa mudooyinka dambe soo ifbaxaya dhaqamo ugub ku ah dadka ku dhaqan deegaanka Oodweyne oo iska horkeen iyo kala qaybin ka dhex wado cida Wasaaradu hawshaas u soo diratay , cidaas oo aan dan qaran hawshaas u wadina dan shakhsi kaga dhex abuuraysa mushkilad dadka ku wada dhaqan deegaanka taas oo dhaxal keedu noqon doono wax aan la mahadin, waxaana ka mid ah qodobada uu caadaystay masuulkan wasaaradu u xilsaartay hawshan muhiimka ah culayskeeduna badan yahay qodobadan soo socda

  1. Wuxuu cadaadis joogto ah ku hayaa hawldeenada shirkada iyo masuuliyiinteedaba isagoo markasta ku dirqaya in aanay cid macaamil la samayn Karin aanu isagu u keenin xataa hadii ay si shakhsi ah wax uga iibsan lahaayeen magaalada ay degan yihiin ee Oodweyne, taas oo nuxurkeedu yahay in cid isagu soo mustafeeyo mooye  aan cid kale  wax laga iibsan Karin
  2. Waxa la yaable in agaasime waxeed uu jaan gooyo qiimaha alaabada dadka dukaamadooda taala isagoo ka dhigaya sharci dawladu soo saartay taas oo ka baxsan dhamaan qawaaniinta sharci ee tilmaamaya xoriyada ganacsiga iyo tartanka suuqa xorta ah arinkaas oo u eeg iska horkeenka bulshada wax iibinaysa iyo shirkada wax ka iibsanaysa
  3. Abuurista khilaafka ka dhex taagan maamulka golaha deegaanka ee Oodweyne iyo Wasaarada macdanta iyo Tamarta taas oo salka ku haysa aqoon daro ka haysatay agaasime waaxeedkan waxa aanu qaadi Karin la saaray oo ah kala madaxbaaninada iyo habka wada shaqaynta haayadaha dawlada
  4. Iska horkeenka bulshada wada degta gobolka taas oo keeni karta fidmo sii fidda oo halis gelisa habsami u socodka hawsha sahaminta shidaalka

Haddaba iyadoo ay jiraan dhamaan qodobadan sare ku xusan iyo kuwo kale oo badan waxa muhiim ah in masuuliyiinta wasaaradan iyo daneeye yaasha mashruucani hoos u dhugtaan dhibtan jirta sidoo kalana ay ka furdaamiyaan mashruucan muhiimka u ah qaranka aafadan ku dhex jirta ee sababi karta fashil ku yimaada hawsha sahaminta oo dhib badan iyo hawl badan loo soo maray hirgelin teeda.

ALLAA MAHADLE

By, Cartan Maxamed Jaamac

Latest News

  • Daawo : Daawo: Ururka Suxufiyiinta SOLJA Oo Soo Bandhitay Wargeysyadii Dalka Ka Soo Bixi JIray Sagaashameeyadii
  • Daawo: Mashruuc Lagaga Gaashaamanayo Abaaraha Soo Noqnoqda Ayaa Laga Furay Burco
  • Daawo : Qaar Ka Mid Ah Madaxdhaqameedka Iyo Waxgaradka Oo Baaq Nabadeed U Diray Bulsshada Deegaanka Dararwey
  • Daawo: Badhasaab Ku Xigeenka Gobolka Sanaag Oo Ka Warbixiyay Xaaladda Degaanka Dararweyne
  • Daawo : Muddaharaad Balaadhan oo Ka dhacay Degmada Wadaamago ee Gobolka Saraar

Latest Articles

  • Haddii Calafku Kugu Dhaco u Badalo Midho Macaan…”Sheeko Gaaban:- Saddexdii Beerwale.
  • Baaq Nabadeed ,Colaada Ceelawayn…Aqoonyahan Ahmed jaamac saalax
  • Jaalliyadda ku dhaqan dalka Netherlands waxay tacsi tiiranyo leh u dirayaan
  • Waa Maanso la magac baxday KU-TUNTUUNSO,waxaa tiriyey Abwaan YuusuF Roobleh Xirsi (Sandoon)
  • Maxay kaadhka ku qaataan maba ay qadayne. Q1aad Qalinkii Cabdi Caawiye

head


All Rights Reserved | Copyright © 2005-2016 : Togdheer News Network | Powered by Horn Digital