unnamed
uha-web-banner-ad Togdheer News Network
logo
logo
head
dahab
<<< Click here to contact us or Send Email to: editor@togdheernews.com>>>
head
head

DUGSIYADA GAARKA LOO LEEYAHAY IYO GANACSIGA WAXBARASHADA W/Q: Cabdifataax Rashiid Maxamed (Arsenal).

 

Waxbarashadu waa maxay? Ganacsi ma gashaa? Miyaanay Waxbarashadu ka mid ahayn xuquuqaha aasaasiga ah? Waa maxay farqiga u dhexeeya dugisyada dawladda iyo kuwa gaarka ah? Mustaqbalka caruurta saamayn ma ku leedahay dugsiga uu dhigtaa haddii uu yahay dawli ama mid gaara? Waa maxay masuuliyadda ka saaran dawladda dugsiyada gaarka loo leeyahay? Waa maxay Wanaagyada iyo dhibaatooyinka ay leeyihiin dugsiyada gaarka loo leeyahay? Maxaad kala socotaa xaaladda dugsiyada dawladda? Waa maxay xidhiidhka ka dhexeeya waxbarashada iyo horumarka? Sidee baa looga bixi karaa, loona sixi karaa dhibaatooyinka waxbarashada gaarka ahi inagu yeelatay? Waa maxay soo jeedimaha iyo talooyinka aan u soo jeedinayo dhinacyada kala duwan ee daneeyayaasha waxbarashada dalka? Su’aalahan iyo qaar kale oo maskaxdaada ku soo dhacaya markaad maqaalka ciwaankiisa aragto, waxaa kaaga jawaaabaya maqaalkan kooban oo ka hadlaya waxbarashada gaarka loo leeyahay.
Waxbarashadu waa hab si nidaamsan loogu helo xog, aqoon, qiyyam (values), waxyaabaha aad rumaysan tahay (beliefs), xirfad, caadooyin IWM. Waxbarashadu waxay ka mid tahay xuquuqaha aasaasiga ah ee loo baahan yahay qof kastaa inuu helo sida ku cad dastuurkeenna qodobka 15aad, oo u qoran sidan:
1. Dawladdu waxay mudnaan gaar ah siinaysaa horumarinta, ballaadhinta iyo faafinta cilmiga iyo tacliinta, iyadoo u aragta inay waxbarashadu tahay maalgelinta ugu habboon ee kaalinta ugu weyn ka qaadan karta horumarinta siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho.
2. Waxbarashadu waa mid u danaynaysa dadweynaha, kuna habaysan waayaha iyo deegaanka gaar ahaaneed ee bulshada Somaliland.
3. Barashada iyo tarbiyadda Diinta lslaamku waa dariiqad asaasi ah; dhammaan heerarka waxbarashadana waa ku khasab, isla markaana horumarinta dugsiyada Qur’aanku waa waajib saaran Dawladda.
Waxaynu kala soo baxaynaa qodobkaas sare in Dastuurkeennu si cad u sheegayo in dawladdu ay waxbarashada muwaadiniinteeda ka masuul tahay. Markaynu Waxbarasho ka hadlayno waxaa muhiim ah Waxbarashada Maaddiga iyo Diiniga ah in la barto . Waayo Waxbarashadu waa hab laysugu gudbiyo bulshada dhaqankeeda, diinteeda, xaddaaradeeda iyo hab nololeedkeedaba, si aanay u noqonnin jiilka marba soo kacayaa qaar muuqaalkana inooga eeg, fikirro iyo aragtiyo cid kalena xambaarsan.
Dawladdu iyada oo gudanaysa waajibkaas saran waxay masuul ka tahay in ay waxbarasho tayo leh siiso ilmo kasta oo da’da waxbarashada gaadhay. Si ay taas u fuliso waxay u furtaa dugsiyo dawladdu maamusho oo ku yaalla goob kasta oo caruuri joogto. Laakiin xaaladda Somaliland ku jirto iyo waddamada soo koraya badankoodu, ma awoodaan inay adeegga waxbarashada gaadhsiiyaan muwaadiniintooda, sidaas darteed laba meelood ayaa masuuliyaddaas ka caawiya oo kala ah
1. Haayadaha caalamiga ah/ Qaramada midoobay/ Ururada samafalka kuwaas oo ka caawiya dawladdeenna inay waxbarashada gaadhsiiyaan ilmo kasta.
2. Dugsiyada gaarka loo leeyahay kuwaas oo ka qaybqaata fidinta waxbarashada iyaga oo faa’iido dhaqaalana ka helaya waxbarista caruurta iyo kobcinta garaadkooda.
Waxbarashada gaarka ahi waxay ka hanaqaaday dalka 12 kii sano ee ugu danbeeyay. Waxbarashada gaarka ahi waxay ka shaqaysaa dhammaan qoballada iyo degmooyinka dalka, siiba magaalooyinka waawayn kuwaas oo ay joogaan bulsho heerkooda nololeed u saamaxayo in ay ubadkooda ku daraan dugsiyadaas gaarka loo leeyahay. Dugsiyada gaarka loo leeyahay waxay ka shaqeeyaan dhammaan heerarka kala duwan ee waxbarashada sida Xannaanada caruurta; dugsiyada hoose/dhexe iyo dugsiyada sare. Waxbarashada gaarka ahi waxay ka qaybqaadatay fidinta iyo tayada waxbarashada dalka; kobcinta garaadka iyo aqoonta ubadka iyo dhalinyarada. Waxay kaloo ka qaybqaateen in dugsiyo badan laga furo meelaha dadku ku badan yihiin iyo gaar ahaan qaybta xanaanada caruurta oo marka laga reebo dhowr dugsi oo tijaabo ah oo dawladdu maamusho dhammaantood iyagu gacanta ku hayaan. Waxay kaloo shaqo abuur u sameeyeen macallimiin iyo aqoonyahanno badan oo ka soo baxay jaamacadaha dalka iyo kuwa dibaddaba.
Inkasta oo Waxbaraashada gaarka ahi ay leedahay faa’iidooyinka aynu soo sheegnay, haddana marka aynu eegno xaaladda ay hadda waxbarashadu ku jirto waxaynu odhan karnaa maanta waxbarashadii waa laga kaxeeyay ujeeddadii ay lahayd, ee ahaa in la soo saaro Muwaadin Muslin Soomaaliya oo leh aqoon, xirfad iyo dhaqan lana noolaan kara bulshada Somaliland si nabad ah. Laakiin waxay waxbarashada gaarka ahi baddashay ujeeddadii waxbarashada, taas oo ay ka dhigtay ganacsi qofkii lacag haystaa uun uu jari karo, qofkastaana intii lacag waalidkii galiyo aqoontiisuna gaadhayso iyada oo bulshadeenna 90% inka badani ay yihiin danyar iyo xoogsato ay maalintii soo gasho celcelis ahaan wax ka yar HAL DOLLAR ($1). Taasi waxay keentay in iyada oo aynu 27 sano ahayn dawlad madax bannaan, in ilaa maanta ay 50% in ka badan caruurteennii waxbarashada ka maqan tahay, sida uu sheegayo halbeegga isqorista ardayda (Net enrollment rate) ee Somaliland 2015/2016.
Maadaama oo waxbarashadii ganacsi noqotay, dalkeenana ganacsigu xor yahay waxay noqotay in cid kasta oo doonaysa inay si degdeg ah u macaashto ay furato dugsi ama xarun waxbarasho. Waxay noqotay in guri kasta laga dhigo dugsi oo ubadkeenni lagu xareeyo iyada oo aan loo eegayn halbeegyada laga rabo dugsi/fasal ee wasaaradda waxbarashadu dejisay. Taas oo caruurta ku keeni karta khatar caafimaad, mid nafseed iyo mid maskaxeedba. Waxaa kaloo tartankan ganacsi ee waxbarashadu keenay in mulkiilayaasha xurmahani iyaga oo samaynaya xayaysiisyo indhosarcaad ah oo ay ku soo jiidanayaan ardayda iyo macallimiinta dalka, si ay u helaan faa’iido badan iyo sumcad kacan ku rimis ah. Maadaama oo ardayda dugsiyada lagu qiimeeyo imtaxaanka qaranka ee fasalka siddeedaad iyo fasalka afaraad ee dugsiga sare, ganacsatadaasi waxay naf iyo maalba u huraan inay si kasta oo ay kaalmaha hore ee imtaxaankaas ardaydoodu galaan, waxay sameeyaan habab kala duwan oo midba mid ka sii khatar badan yahay oo waxbarashada ku noqonaysa danbi qaran.
Waxbarashada gaarka ahi waxay u qaybsantaa labo qaybood: Qoloda hore waa qolo ganacsato ah oo aragtay fursaddan sida fudud loo helayo, kuwaas oo maalgalin ay iyagu leeyihiin ama bangiyada ka amaahdaan isticmaala. Qolada labaad waa qolo carabaha ku xidhan oo mashaariico masaajiddo; xarumo waxbarasho iyo mashaariico loogu talogalay agoomaha iyo dadka jilicsan la soo siiyo si ay Somaliland uga fuliyaan. Qoladan danbe iyaga oo ka faa’iidaysanaya habkeenna dawladeed ee aan dhammaystirnayn waxay si gaar ah u isticmaalaan dugsiyadii iyo xarumihii waxbarashada loogu talo galay, iyaga oo hantidii dadka loogu talogalay cid gaar ahi qaadanayso. Waxaad ku arkaysaa dugsiyo magacyo carbeed leh oo sida waxbarashada gaarka ah u shaqaynaya, ardaydana ka qaadaya lacag u dhiganta ama ka badan ta qolada hore ee iyagu iskood maalgashiga ugu sameeyay ganacsigan aan xadka lahayn ee mustaqbalka caruurteenna.
Saamaynta taban iyo dhibaatooyinka ay keentay waxbarashada gaarka ahi iyada oo dhinacyo badan laga eegi karo, waxaan ku soo koobayaa qodobadan hoos ku qoran:
1. Waxbarashada gaarka ahi waxay burburisay hannaankii waxbarashada ee dalka iyada oo dhexgashay kuna milantay hawl maalmeedkii iyo hawlwadeennadii labadaba. Waxay samaysaa waxkasta oo ay iyadu u aragto inay ku faa’iidayso—cid kasta oo kale wax ha yeeshee. Tusaale ahaan waxay labadii sano ee ugu danbeeyay diideen inay fuliyaan ugu yaraan afar wareegto oo wasaaradda waxbarashadu soo saartay. Waxaa ka mid ahaa wareegto ku amraysay in dugsiyada hoose lagu dhigto afkeenna Hooyo (Soomaali). Waxay kaloo diideen wareegto wasaaradda waxbarashada ka soo baxday usbuucan oo lagu cayyimay furitaanka sannad dugsiyeedka waxbarashada ee 2018/2109 oo lagu amrayo in dhammaan dugsiyadu furmaan bisha 1da bisha Sibteember 2018. Waxay ganacsatadaasi sameeyeen inay si kasta iyo meel kasta ugu tagaan madaxda wasaaradda si ay ugu qanciyaan doonistooda, markay taasi suurtogali waydayna in ay shir jara’id Madaxweyanaha farriin uga diraan iyaga oo leh DANTAYADA AYAA WAX WALBA KA HORREEYA!!!.

2. Waxbarashada gaarka ahi waxay keentay in dalka lagu dhigo maanta 20 Manhaj oo kala duwan. Manhajyadaas oo laga soo ergistay dalal kala duwan, kuwaas oo leh siyaasado kala duwan; dhaqanno kala duwan iyo ujeeddooyin kala duwanba oo dhammantood ka duwan manhajkii qaranka. Tani waxay keeni kartaa in ubadkeenna dugsiyadaas kala duwan ka soo kala baxaa ay yeeshaan aragtiyo kala duwan taas oo khatar ku ah midnimada iyo horumarka dalka. Tusaale ahaan manhajyadaasi waxay soo saari karaan muwaadin aaminsan inay bannaan tahay inuu isku qarxiyo bulshada uu la nool yahay, ama muwaadin aaminsan in qofku u dhasho in uu noqdo laga roone (Guy), ama muwaadin aaminsan in aanay muhiim ahayn diinta iyo waxa uu rumaynayo oo uu isagu xor u yahay.

3. Waxbarashada gaarka ahi waxay keentay in caruurteennii xarumo lagu uruursado, iyada oo aan waxbarashadooda iyo barbaarintooda masuuliyad layska saarayn. Laakiin laga qaadayo lacago badan oo magacyo badan leh, kuwaas oo marka laysu geeyo aan ka yaraanayn mushaharka shaqaalaha dawladda ee bishii oo ah (SHSL800,000—SHSL1,000,000). Tani waxay ku tusaysaa in ilmo yar waxbarashadiisii ay ka qaalisan tahay xaddiga lacagta dawladu ugu talogashay in qoys shaqaale dawladeed ahi ku noolaado. Waxaa dhacda in xattaa lacagahaas xad dhaafka ah aan macallimiinta dugsiyada gaarka loo leeyahay aan la siin. Sidoo kale lacagta intaas leeg waxaa layaab ah in ganacsatadaasi ay dhowr magac u kala bixiyaan sida:1. lacagta bisha (fee ga) iyo baska. 2. Lacag joogto ah oo maalin le ah oo daabacaadda waraaqaha casharrada iyo iibsiga buugaagta; shaqo guriga; imtaxaannada; nadaafadda IWM. 3. Lacag ta nusasaacaha ardayga—waxaa layaab ah in dugsi kasta mulkiilayaashiisu ka furtaan macmacaanlayaal—iyaga oo mamnuucaya in ardaygu gurigoodii ama meel kaleba ka soo qaato nusasaace, si uu ugu xidhnaado maheraddaa ay furteen, waalidkiina lagu qasbo in uu lacagtaas bixiyo!!!!!. Waxay noqotay markaa ubadkii yaryaraa ee ay ahayd in mustaqbal loo sameeyo oo labaro siday bulshada ugu dhexnoolaan lahaayeen ay noqdaan dheeman qaaliya oo la ilaashanayo, waxkasta oo ay doonayaanna lagu raalligalinayo. Marka ay sidaas tahay waxay soo saaraysaa waxbarashada gaarka ahi muwaaddin aqoon leh sida dhakhtar/injineer/macallin kaas oo maskaxda ku hayya lacagtii faraha badnayd ee waalidkii u soo huray, wax kasta oo uu qabanayana lacag uun ku qiimaynaya oon naxariis iyo dadnimo midna lahayn!!!!!!.

4. Waxbarashada gaarka ahi waxay keentay in dugsiyadii dawliga ahaa ay ku dhawaadaan inay xidhmaan sannadba sannad ka danbeeya. Dugsiyada dawliga ahi waa hanti ummadda oo dhan ka dhaxaysa, waa xarumaha loogu talagalay ubadka danyarta in wax lagu baro, waa xarumaha loogu talagalay in waddaniyadda caruurta lagu ababiyo laguna kobciyo, waa xarumaha ubadkeennu ay ka soo baran karaan isdhexgalka bulshada; wada lahaanshaha; midnimada iyo dhaqammo badan oo dawladnimada iyo horumarka tiir dhexaad u ah. Sidaas darteed waxaa loo baahan yahay in layska kaashado sidii aan ganacsatadaas hantigoosadka ahi meesha uga saari lahayn dugsiyada dawladda. Waxaa muuqata in macallimiintii tayada lahayd oo dhan ay dugsiyada gaarka loo leeyahay wada tageen iyaga oo eeganaya gunnada ay siinayaan. Waxaa sidoo kale sannadkii hore soo ifbaxday in xattaa dugsiyadii dawladda ay mulkiilayaasha dugsiyada gaarka loo leeyahay doonayaan in ay la wareegaan—dugsiga Faarax Oomaar ee hargeysa ayaa mar lagu wareejin gaadhay mulkiilayaashaas—taas oo keeni karta in dugsiyadii dawladda qaarna xidhmaan qaarna gacantooda galaan!!!.

5. Waxbarashada gaarka ahi waxay noqotay in gacantooda ay galaan arday ka badan inta dhigata dugsiyada dawladda, taas oo keeni karta inay yeeshaan awood iyo saamaynta qaybaha kala duwan ee dawladda sida garsoorka; fulinta iyo sharci dajinta. Waxay u eegtahay inaynaan ka fogayn halkii uu gaadhay FATXULLAH GULLAN kii Turkiga ee habkii dawladnimada ee Turkiga ku dhex milmay yeeshayna awood iyo dhaqaale, Markii ugu danbaysayna isku dayay inuu inqilaabo dawladdii jirtay!!!!!!!!!!!!!!!!.
6. Iyo qaar kaloo badan…………………………….
Ugu danbayntii waxaan doonayaa inaan ku soo gunaanado maqaalkan talooyin iyo soo jeedimo ku saabsan sidii waddada saxda ah loogu soo celin lahaa waxbarashada gaarka ah, waana sidan soo socota:
 Waxaa loo baahan yahay in wasaaradda waxbarashadu diyaariso xeerar, siyaasado, istaraatiijiyado ku saabsan sidii loo xakamayn lahaa waxbarashada gaarka ah ee xadhkaha goosatay. Sidoo kalena waxaa loo baahan yahay in xukuumaddu ay ku garab istaagto fulinta go’aammada ay gaadho. Tusaale ahaan go’aanka wasaaradda waxbarashada ee ay sannadkan ku cayyintay wakhtiga furitaanka dugsiyada waa in bilayska, sirdoonka, wasiirka arrimaha gudaha, badhasaabbada, maayarradu dhammaantood ku garabsiiyaan siduu go’aankaasi u fuli lahaa.
 Waxaa loo baahan yahay in miisaaniyadda iyo maamulka waxbarashada la siiyo muhiimadda koowaad ee dawladda. Taas oo keenaysa in dugsiyada dawladdu noqdaan kuwo tayo ahaan iyo sumcad ahaanba ka sarreeya dugsiyada ganacsatada waxbarashada.
 In xukuumaddu joojiso dhammaan manhajyada kala duwan ee dalka lagu dhigo, Manhajka qarankuna noqdo ka kaliya ee dugsiyadu dhammaan dhigtaan.
 In qorshe loo sameeyo waxbarashada gaarka loo leeyahay kaas oo si dhow ula soconaya, iyada oo lacagaha xad dhaafka ah ee siyaabaha kala duwan looga qaado ubadkana meesha laga saarayo.
 In xukuumaddu ku soo rogto cashuur lacagaha ay qaadaan dugsiyada gaarka ahi, iyada oo 20%-30% cashuur ahaan dawladdu u qaadaysa.
 In dawladdu la wareegto dhammaan dugsiyada iyo xarumaha mashaariico carbeed ama meel kaleba laga soo qaatay ee shakhsiyaadka gaarka ahi ku shaqaystaan. Mashaariicaha dugsiyada iyo xarumaha laga dhisay waa deeq dalku leeyahay waan sharci darro in cid gaar ahi ay yeelato.
 In wacyigalin ballaadhan la sameeyo oo bulshada lagu fahansiinayo muhiimadda dawladnimada iyo wadalahaanshaha. Waxaa loo baahan yahay in muwaadiniintu ogaadaan in waxbarashada iyo caafimaadka loo baahan yahay in ay noqdaan adeeg cidkastaa heli karto oo xarumaha dawladda si bilaash ah bulshadu uga heli karaan.
Ilaahay xaqqa hayna garansiiyo

Wabbillaahi Tawfiiq

Macallin Cabdifataax Rashiid Maxamed
01/08/2018
crm661@gmail.com
Hargeysa, Somaliland

Latest News

  • Shirwaynaha Beelaha Gaashaanbuur Ee Axmd Faarax Oo Ka Furmay Burco
  • Gudida Nabadgalyada Gobolka Togdheer oo Go’aamo Ka Soo Saartay Gaadiidka Tigaha
  • Wasaaradda Hawlaha guud iyo Dawladda Hoose Hargaysa oo Kulan Ku yeeshay Hargaysa
  • Falanqayn: Sidee ayuu u dhacay Dilka Wariye Jamal Khashoggi
  • Madax-dhaqmeedka Bariga Hargaysa oo Shacabka ugu baaqay in La Ilaaliyo Nabad

Latest Articles

  • WAARI MAYSIDE WAR HA KAA HADHO (WQL) Muhamed Dhimbiil
  • SU’AAL DADWEYNOOW?
  • WARQAD FURAN !
  • Fadeexada Ka Dhalatay, Kala Eexaysiga Madaxweyne Muuse Ee Jaamacada Inaadeerkii Iyo Jaamacada Burco. W/Q: Ibraahin Aadan Aw Qoobey
  • Af duubkii Dimoquraadiyadda Somaliland, Qore: Casha Miigane

head


All Rights Reserved | Copyright © 2005-2016 : Togdheer News Network | Powered by Horn Digital