unnamed
uha-web-banner-ad Togdheer News Network
logo
logo
head
dahab
<<< Click here to contact us or Send Email to: editor@togdheernews.com>>>
head
head

Muwaadin Aqoonyahan ah Oo Si Qoto Dheer Uga Hadley Arimaha Ka Khaldan Hogaanka Siyaasadeed Ee Dalka

 

Wax Kastaa Way Shaqaynayaan, Balse Waxay UShaqaynayaan Si Khaldan

Hadii macmiilkii saacada soo iibasaday yidhaaho waxaan qaadanayaa saacadaydii, shirkadii laydhku waxay odhanayaan wuuna xadayoo Waxaynu ka hadli doonaa qodobada

1.         Xeerka Korantada (Electric Act)

Ma jiro xeerkii korontada ee lagu shaqaynayay ee electric act, shirkadii iyo xeerkii waxa soo horeeyay shirkadii. Xeerkani waaka u dhaxeeya macmiilka, shirkada iyo dawlada. Hadii la galinayo guri ama meherad, waxa loo eegayaa ma waafaqsanyahay xeerkii electric act-ga, mase waa faqsanyahay xeerkii dhismaha. inaga taasi ma jirto, ma jiro xeerkii korontadu, ma jiro xeerkii dhismuhu, inaga meeshii ku haboon iyo meeshii aan ku haboonaynba waala galiyaa. Waxaana ka imanaya dhibaatooyin inta badan xal loowaayo, tusaale ahaan hadii macmiilku u tago shirkada korontada bixinaysa waxay odhanayaan soo iibso saaacadii, xadhkihii iyo IWM.

Hadii macmiilkii saacada soo iibasaday yidhaaho waxaan qaadanayaa saacadaydii, shirkadii laydhku waxay odhanayaan wuuna xadayoo waxa noogu qornaa isticmaal koronto (units) , macmiilkuna wuxuu ku doodayaa man xadin ee saacadayda uunbaan qaatay.

Bal adba u garqaad waataase?!

Sidoo ma jirto cid eegaysa tayada alaabta la galiyay guryaha, ma yihiin kuwa keenaya dhibaato guryo-gubasho ah?, ma kuwa dhibaato ku keenaya caafimaadka qofka sida indhaha, neerfaha iyo IWM, ama se ma yidhiin agabkani qaar mudo badan shaqayn kara. Waxa meeshii ka baxay ka warhayntii iyo gacan ku hayntii dawlada, iskadaa gacan ku hayne waxay wareejisay warshadihii korantada ee hargaysa iyo Barbara oo iyadoo aanay jirin electric act-gii.

Warshada korantada ee hargaysa iyo Barbara waxa dhisay gumaystihii ingriiska illaadii 1940aad kii, waxaana u kala dambeeyay dawladihii:

Dawladii ingiriiska

Dawladii rayidka

Dawladii militariga

Dawladii A.A.ALI TUUR

Dawladii M.I. CIGAAL

Dawladii D. Riyaale

Dhamaan dawladahani iyagaa si buuxda gacanta ugu hayay warshadaha korantada waxaanay bixinayeen adeegii bulsho eey umada u hayeen. Hadaba suaashu waxay tahay ma u baahannahay inay shirkado ganacsi gacanta ku hayaan mise waxaynu u baahanahay inay dawlada lafteedu si buuxda gacanta ugu hayso? .

Waxaynu u baahanahay koronto jaban, xoogan islamarkaana badqab leh (safety) oo dawlada jamhuuriyada soomaalilaan inoo raadiso sida dawladaha jaarka iyo kuwa mandaqada ku yaala, tusaale ahaan dawlada jabuuti oo haayadadeeda korontada ee E.D.D iyo madaxwaynaheeda ismaaciil cumar geele dadaal dheer ay u galeen sidii ay sidii koronto ku filan loogu heli lahaa shacabka reer jabuuti, waxay koronto  ka dhaliyeen dabaysha iyo cadceeda waxaanay sahamiyeen kolka hoose ee  dhulka (internal heat of earth ) iyagoo isku dayaya inay koronto ka dhaliyaan. Iyagoo baahidooda koronto ka duulaya waxay koronto kasoo qaateen dalka itoobiya ee ay ood wadaagta yihiin.

Sidookale dawlada aynu jaarka nahay ee itoobiya waxay kordhinaysaa xadiga korontada ay soo saari jirtay, waxay dhisaysaa biyo xidheenka ABAY oo ay koronto ka dhalinayso, sudan lafteedu waxay koronto ka dhalin jirtay DAMASIN oo bariga sudan ah, waxaanay ku dartay mashruuca MARAWI oo ay koronto ka dhaliso.

Sucuudi carabiya waxay dhisaysaa mashruucii ugu waynaa dunida ee laga dhaliyo tamarta cadceeda oo awoodiisu tahay 200 GW( half nuclear power_390 GW ) waxaanay ka faaiidaysteen cadceeda oo ay sannadkii helaan ilaa 3000 oo saacadood ugu yaraan. Inaguna waxaynu nahay iskumid (lool) (Maka al mukaramaiyo Hargeisa), sidaasoo kale waxay u baahanayinaynu uga faaiidaysano.

Maxaa yeelay dhibaatooyinka tamartu (energy crisis) iyo baahideedu waxay gashay meelkasta oo nolosha ah sida horumarka, amniga, difaaca, beeraha, warshadaha, cisbitaalada, waxbarashada, dhismayaasha, xafiisyada, huteelada, wadooyinka, isgaadhsiinta, ku darsoo xataa gaadhiidkii tareenada iyo baabuurta intuba waxay ku shaqaynayaan koronto, waxaana meesha kasii baxaya ku shaqayntii shidaalka, dawladaha qaarkoodna waxaabay mamnuuceen 2025ka wax gaadiid ah oo ku shaqeeyana shidaal inaanuu soconin haba yaraatee iyagoo ka duulaya wasakhawga hawada (polution)

Yadoo la adeegsanayo korontada.

Hadaba madaxwaynaheenu wuxuu ku dhawaaqay in la kordhiyo oo lagu dadaalo wax soosaarka beeraha iyo kaluunka. Waxsoosaarka beeraha waxay u baahanyihiin inla kaydiyo, tusaale tamaandhadu heerkulka(temperature) ay u baahantahay si loo kaydiyo waa 45F, liin macaantuna 18c-22c, halka cambe lafkuna u baahanyahay 20c-25c (room temperature), sidoo kale waxa loo baahanyahay in ka kaydiyo seedka wax laga beeranayo (seeds).Sidoo kale waxa koronto u baahan noocyada hilibka sida kaluunka, digaaga iyo hilibka xoolaha oo u baahan ila qaboojiyo si loogu kaydiyo isticmaalka mudada dhaw iyo tan fogba, sida caadiga ah noocyada hilibyadu waxay u baahanyihiin la lagu kaydiyo heerkul aad u qaboow oo ka hooseeya 0c (freezing point) taasoo u baahan koronto joogta ah oon kala go’ lahayn.

Sidoo kale waxa aynu u baahanay maalgashi caalami ah waxaana muhiima in la helo tamar wanaagsan, ma jirto warshad wayn oo wadanka ka jirtaa iska daa wax kaloo kuwii jiray ayaa u fadhiistay koronto la’aan darteed.

Sikastoo ay ahaataba, dhibaatooyinkan koronto ee wadankeena ka jiraa waxay salka ku hayaan iyadoo la tabayo dawlad wanaag iyo in dawladu qaatado doorkeeda adeeg-bulsho, hasayeeshee madaxwaynaha soomaalilaan wuxuu balan qaaday inuu heer-nololeedka (lifestyle) dadka kor u qaadi koodon si ay tani u suuro gasho  waxa loo baahanyahay in la helo aasaasiyaadka nolosha oo korobtadu ka mid tahay ee uma baahnin ganacsato danaystayaal ah oo ummadda wado kasta u fadhiistay.

Halista ugu wayn ee manta wadanka ka jirtaa waa siyaasiyiin ku xoolaystay sifo sharci darro ah iyo ganacsato waawayn. Hadii haayadaha korontada lagu wareejiyo dad ganacsato ah waa in dawladu wareejiso haayadaha kale sida bilayska oo ku wareejiso shirkad amni (security company), madaaradana lagu wareejiyo shirkadaha maamula madaarada, cisbitaaladana lagu wareejiyo dhakhatiirta soomaalilaan, wasaarada maaliyada lagu wareejiiyo shirkado dhaqaale (text collection company) oo ina siisa 360 milyan ee miisaaniyadu tahay.waxaan sidaa u leeyahay waayo kama duwana kuwa mantaba la wareejinayo.Si kastoo ay ahaataba waxaan dawlada ku boorinyaa in dib loogu noqdo heerka tamarta ee wadankeena iyadoo dib loo eegaayo shaqada laamaha tamarta ee wadanka iyo baahiyaha qalafsan ee ka jira wadanka haba ugu darnaaadaan dhulka xeebaha ah sida barbara oo ah xarunta dhaqaalaha soomaalilaan.

Waxa loo baahanyahay in la isa saaro masuuliyad qaran islamarkaana la xasuusnaado taqwada alle, waxa muhiima in in masuuliyiintu xasuusnaadaan dhaartii ay u dhaarteen umadooda. Ilaahow khayrka na waafaji!.

Wa bilaahi tawfiiq

Waxaqoray: cabdiqaadir xassan faarax

Tell 0634446445

Latest News

  • Somalia oo ka mid noqoneysa dalal ciidamo nabad ilaalina u diraya dalka Koonfurta Sudan
  • Wasiirka Caafimaadka Oo Xadhiga Ka Jaray Xarunta Sifaynta Kalyaha Cibitaalka Burco
  • Dowlad-Gobolleedyada Oo Dowladda Federaalka Ku Eedeyay Xaalada Qasan Ee Galmudug
  • Safiirka Jabuuti u fadhiya S/land Bogaadiyey Kulankii Hogaamiyaasha Jabuuti iyo Eritrea
  • Shirwaynaha Tayaynta Waxbarashada S/land oo Lasoo gabagabeeyay

Latest Articles

  • DUGSIYADA GAARKA LOO LEEYAHAY IYO GANACSIGA WAXBARASHADA W/Q: Cabdifataax Rashiid Maxamed (Arsenal).
  • Wasiir Khaliil iyo Wasiir Sacad oo ku fashilmay
  • Hambalyo Ku Socota Arooska Guuled Yusuf X. Aadan iyo Fadumo Ibrahim Xuseen
  • Sanadkan dad nooceeya ayaynu dooranaa golaha deegaanka iyo Baarlamaankaba?W/Q: Khadar Ibrahim Aar.
  • Maxey ka Bilaabantey Colaadda Foosha xun ee u Dhexeysa Beelaha Walaalaha ah Deegaanka Ceel-Afweyn Maxaase Udaawo

head


All Rights Reserved | Copyright © 2005-2016 : Togdheer News Network | Powered by Horn Digital