unnamed
uha-web-banner-ad Togdheer News Network
logo
logo
head
dahab
<<< Click here to contact us or Send Email to: editor@togdheernews.com>>>
head
head

Mufti Magacaaban iyo Marjac Culimo Oo lagu Midaysan Yahay Midna Ma Hayno W/Q Sharmaarke Aw-muuse

Soomaali Maanta meelna uma fayooba oo bur-burku meel walba wuu ka saameeyay , inta aynu dhamaan teen wada ognahay ee tamar darida dawladeed iyo tayo xumada wacyi ee shacabka ku celin maayo si aanay unoqon waxaad ogtahay makuu sheegaa , waxaanse intaa ku dari lahaa uun walax kaloo ah halkay udhimatay , Soomaalidu waa ummad islaam ah guud ahaan , waliba %100 ku faanta islaam nimo (inkastoo malaha boqollaydaa wax iska badaleen baryahan danbe intii hadh-kayaacu yimi) yeel keedee halkaa hada uma jeedee nin baa laga hayay ” waar Geela kud-na wuu dilay waana loo weheliyaa ‘ye” aan hore ugu socdee waxaad aniga iigu dartaan aafooyinkaa Soomaalida ugaarka ah Marjac iyo Mufti la’aan ,

Kama wado Culimo ma haysano , kamana wado kuweenu waa bayd-gaab aan kufilayn kitaab-furka iyo kala saarida masalooyinka Diinta , Xaasha !! xumaantaa uma Quudhee waxaynu haysanaa Culimo inagu filan , waliba ka fiqi iyo faham ba sareeya kuwo badan oo loo hilaad iyo han-qal taago meelo durugsan jooga , waxaanse ka wadaa Aduunku sidii hore maaha , waxbadan baa isbadalay , walina isbadalku xawaare sare ayuu kusocdaa , maalin walba dhacdo cusub iyo dhawaaq Diimeed ayaynu maqal naa , ma saxbaa mise waa khalad tolow yaa inoo kala sheegi , waxaad ogaan doontaa hadii aad Qormada ila dhamaysato , aan ku socdee Dorraad Shiico Soomaali ahi ma jirin , shalay na Daacish ma joogin , Maanta waa Caqli-doon , Ilxaad caasi ku faana , iyo Calmaani ciilku ku raagay , dar kalaa ba soo tuban meesha ,

Waxaan ka wadaa marka la eego intaa iyo xaaladaha kalee lagu jiro , Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed waxay ubaahan yihiin hal MAD-HAB , hal MUFTI , iyo hal MARJAC oo muwaafaqo leh , uma baahna lajiifiyaana banaan la joojiyaana banaan , waliba ku darsoo Dadku waa SHAAFICIYA waxaanay u baahan yihiin in loo xoojiyo uun toodaas si looga bad-baado jibbo iyo jaah-wareer Fatwo , ku darsoo Arimaha Diintu waa tiilo iyo timaado , Tiilo oo ah intii xaasilka ahayd ee hore loo haystay waxay ubaahn tahay xoojin iyo xayn-daab adag si looga ilaaliyo waraabaha iyo weerarka ku soo maqan , Timaado oo Shareecada looga yaqaano ” النوازل ” waxay ubaahan tahay baadhis , baac-dheer , baxthi , iyo balaaq isku mid ah in umadda loo sheego , tusaale ahaan Aduunka waxaa marqudha ka naxsaday Coronavirus , inta uu Caafimaadka iyo Dhaqaalaha yeelay waxaa ka badan inta uu shicaarkii Shareecada yeelay , waxaase ka bad-baaday uun Dalkii Marjac , Mufti iyo Mad-hab qudha lahaa ,

Waxaan ka wadaa in xaashi casaha iyo xaashi cadaha labada sheekh kala sitaan lays waafajiyo , kadibna talo iyo tanaasul ka dhex dhashay lagu soo xulo xeel-dheere loo daba fadhiisto Axkaamta shareeco , laakiin saw taa badal keeda nin waliba xertiisa iyo xil-qasiisa uun iskumuu xeerin , kadibna wadaad u eke fiqigu ku qaloocday oo Qalin-duurre ahi Bulshadii cidla kamuu helin oo xagan iyo xagaaba umuu jiidhin , saw miskiinkii Caamada ahaa ee xaajada u fadhiistay lama odhan xagan ha ujeesan oo xagan ha ujeesan kadibna duul Culimo qastay jawaabtii may noqon , dhinaca kale saw ma ogin in Xajkii iyo Xaramkii barakaysnaa ay hal Fatwo oo hal gole kasoo baxday uxidhan yihiin khalad iyo sax kay doonto hanoqotee , saw ma ogin inaga xageena in laynaga baryay waar bal Dadka uun usheega cudur-daarka jira si kii doonaa u yimaado kii doonaana u maqnaado iyo wali lama dhimana suga ,

Ugu danbayn Soomaalidu waxay tidhaahdaa ” hadii kariyaha raashinku bato (kuukta) maraqaa fasahaada ” sidaa daraadeed Madaxweyne Dalka iyo Dadkuba waxay ubaahan yihiin in loo sameeyo Marjac iyo Mufti Diimeed oo Dastuuri ah si looga bad-baado Afkaar dibadeed iyo Aafo Shareeco , markaa ku dhiiro Madaxweyne ansaxintooda , waliba hadii aad u baqato kursigaaga waxaan kuu hubaa in waxay ku tarto mooyee waxay ku yeeshay aanay jiri doonin , Allah ayaa Mahad leh

Sharmaarke Wacays

Latest News

  • Qaabkii Ay U Dhacday Ansixinta Xeerka La Dagaalanka Maandooriyaha
  • Maamulka Degmada Kalbare Oo La Wareegay Deeq Lacag Ah Oo Lagu Sameynayo Riig Biyood
  • Colaad ka soo cusboonaatay Sool iyo Guurtida oo ka hadashay
  • Madaxweynaha DDS Oo Ka Qayb Galay Aas Qaran Oo Loo Sameeyey Ugaas Cali Ugaas Nuur
  • Burco: Jaamacadda Shifo Oo Adeeg Caafimaad Oo Bilaasha Ah Ka Fulisay Deegaanka Guryo Samo

Latest Articles

  • Madaxweynaha iyo Xisbiyada Waxay Masuuliyadi Ka Saarantahay Cidda Umadda Loogu dhiibayo Golayaasha Wakiillada Iyo DeegaankaW/QXuseen Xasan Xuseen (Xuseen-Mahdi)
  • AQOONSIGA JAMHUURIYADA SOMALILAND WAXYAABIHII FUDUDEYN LAHAA EE QURUXDA QARANKA SOO SAARI LAHAA WAXA AY RAGAAD KU YIHIIN GUDAHEENA !!!
  • Ururada Bulshada Rayidka Soomaaliya oo la kulmay Guddoonka labada Aqal
  • Somaliland: Political Parties Agreement Slate Parliamentary and Local Council Elections for Late 2020
  • Hambalyo  Meher Wacan

head


All Rights Reserved | Copyright © 2005-2016 : Togdheer News Network | Powered by Horn Digital