unnamed
uha-web-banner-ad Togdheer News Network
logo
logo
head
dahab
<<< Click here to contact us or Send Email to: editor@togdheernews.com>>>
head
head

Taariikhda Dawlada Sucuudiga iyo qaabkii loo Aas-aasay wax ka baro Qormadii 3` aad

 

IMAAM  MAXAMED  BIN  SUCUUD  IYO  MUDADDII  UU XILKA HAYEY

Waxa uu xilka hayey  muddadii u dhaxaysay 1139   illaa  1179 higriyada oo ku beegnayd 1727 illaa 1765 taariikhda miilaadiga  dhimashadii  aabihii Sucuun bin Maxamed Ibnu Maqran ka dib sida aynu hore u soo xusnay waxa  xilka la wareegay wiilkiisa Maxamed  Sucuud Bin Maxamed Ibnu Maqran oo  isagu ahaa  ka ugu weynaa wiilasha Sucuud waxaanu noqday Amiirka Darciya.

Sidoo kale Maxamed waxa uu ahaa Xaakim Caadil ah oo khayrka  jecel xilligaas uu xilka qabtayna waxa  ay ahayd  xilligii uu heshiisku dhexmaray  Darciya  iyo Sheekh Maxamed  Cadiwahaab . Waxaanu  ahaa  heshiiska labada dhinac   dhexmaray   mid taariikhi, bilawna waxa uu  noqday   in isbadal  ku yimaado  deegaanka Najid  dadkuna ay mustaqbal  wanaagsan u diyaar garoobaan. Sidoo kale  Sheekh Maxamed  Cabdiwahaabna  waxa  uu bilaabay   in uu Dacwada, Khayrka iyo Islaaxa ugu yeedho  Madaxda, Qaadiyaasha iyo Culimada kuwaas oo ahaa kuwii  u hiiliyey Sheekh mudaddii uu dhibanaa ee uu hijrada ku jiray. Waxa  kale oo uu Amray Asxaabtiisa iyo  dadkii taabacsanaaba  inay u diyaar garoobaan  Jihaad  iyo faafinta dacwada Rabbi  iyo wanaaga dadka dhexdiisaba.

Haddaba  Amiir Maxamed  waxa uu  Jihaadka u diyaarsaday  ciidamo  dagaalyahana ah iyo qalab koodiiba,  sida fardo  iyo wax lamid ah oo la fuulo laguna dagaal gelikaro  kuwaas oo kor u qaaday Calan ka Jihaadna iclaamiey.  Laakiin may ahayn  muhiimada dacwada Rabbi  uu Amiirku ku   taageeraayey  mid sahlan , waxa ay ku qaadatay  21 sannadood innuu la Jihaatamo Qabaa`il  iyo Umaro  cadaw ku ahaa dacwada  Rabbi.

 

Dagaaladii ay qaaday dawlada Sucuudigu bilawgii  hore  waxa  uu ahaa  dagaalkii Riyaad. Dagaalkaasina waxa uu ka bilaabmay  markii Nin la odhan jiray  Duhaad  Ibinu Dawaas  iyo koox uu watay ay weerar  ku soo qaadeen deegaano  iyo tuulooyin maamulka Imaam Maxamed hoos iman jiray sannadkii 1159 hijriyada. Sidoo kale waxa sannadkaas  ka bilaabmay  Jaziirada  carabta  dagaalo diineed iyo kuwo siyaasadeedba .

Dagaaladani  waxa  ay  u dhexeeyeen Imaam Maxamed iyo Duhaam oo ahaa Ninkii haystay Riyaad waxaanay socdeen dagaaladu 20 sannadoo.  Intii ay socdeen dagaaladu  waxa uu marba soo abaabuli jiray  Duhaam Fitno wadayaal, Basaasiin  hadan Imaam Maxamed  waxa uu kolba lagalaayey heshiis  hadana waa  uu ka baxaayey  oo wuu  khiyaamaynaaayey  oo hadana dagaal ayuu iclaaminaayey .

Imaam Maxamed   waxa uu geeriyooday  isagoo aannu dhammaanin dagaalkii  uu kula jiray ninkii  ka talinaayey  Riyaad  arrinkaasna waxa uu uga tagay Imaam Cabdicasiis Ibnu  Maxamed bin Sucuud  oo ahaa wiilkiisii  kaas oo qabsaday Riyaad guulna ka gaadhay sannadkii  1187hijriyada kana eryey Duhaam dagaalo qadhaadh oo soconaayey 8sannadood  ka dib  taas oo ku khasabtay  ugu danbaytiina Duhaam halkaas innuu ka cararo.

Sidoo kale  mudaddii  lagu guda jiray dagaaladii u dhaxeeyey  Amiirka Darciya iyo Ninkii haystay Riyaad waxa ay  ahayd  dawladii koobaad ee Sucuudigu mid  isasii balaadhisa  oo gaadhaysay guulo deg deg ah  dacwadana ku fidinaysay  tuulooyin iyo dhul  badan oo ay qabsatayba waxaana ka mid ahaa dhulkaas  Cayayiin, Xar-mila, Wasaaq, Sadiir iyo Washam.

Hadaba  isna waxa jiray Nin Cadawga labaad ku  ahaa dawlada Sucuudiga  Ninkaasna magaciisana waxa la odhanjiray Carii-car Ibnu  Dajiin oo isagu ahaa  Odayga iyo hogaamiyaha Qabaa`ilka Banii Khaalid iyo Amiirka Axsaa  kaas oo dacwada  iyo heshiisiinta dadka ka qaaday  Cadawtinimo. Waxa kale oo uu Ninkaasi  aad uga xanaaqsanaa  una adkaysan waayey isbalaadhinta dawlada Sucuudiga  iyo  guulihii ay gaadhaysay  iyo dadka  cusub  ee  kolba ku soo biiraaya.  Waxaanu Ninkaasi soo urrur saday kooxo  aad  ubadan oo hubaysan ,  waxaanu la soo galay ciidamadii  buuraha  ku yaalla  duleedka Darciya.

 

Laakiin Darciya waxa joogay  rag Amiirkooda  daacad u ahaa  oo Mukhlisiin ahaa  kuwaas  oo u babac  dhigay Ibnu Carii-car  iyo kooxihiisii. Ugu danbayntiina  dagaalo googoos ahaa oo daba dheeraaday ka dib waxa uu u arkay  Ibnu Carii-car in aanay  faaido u lahayn   rajada in la joojiyo  dacwada  iyo heshiisiinta dadka waxaanu iskaga laabtay deegaankiisii Axsaa  ee uu ka yimi isagoo Muqafal ka ah   faafinta  dacwada Rabbi  iyo heshiisiinta dadka.

 

Qormooyinkii  aynu soo  dhaafnay waxa aynu  ka soo dheehanay  oo ay ina tusayaan  in Amiir Maxamed bin Sucuud  uu ahaa ninkii ugu horeeyey ee  reer Aalla Sucuud  ah ee   ku bushaareeya  Jihaadka dacwada iyo in  kor looqaado Xaqa iyo Taawxiidka Rabbi  waxa uu dagaalo ku qaaday kuwii u gargaaraayey Shirkiga iyo Baadilka  21 sannadood  ayuu  u sabraayey dhibaatooyinka ka soo gaadhaayey dagaaladii uu kula  jiray cadawga.  Ilaahayna waa ugu gargaaray Islaam nimada  waxaana soo ifbaxay dacwada Toowxiidka Rabbi . Cidhib dan beedkiisina waxa uu noqday  mid sii muuqda, waxa kale oo aanay I laaweynin dadka ku nool Sucuudigu  hiilkii   uu u hiiliyey Islaamka  iyo qaadistii uu qaaday Calanka  Towxiidka  illaa maantadan dalka Sucuudiga la joogo waa mid arrinka Amiirkan iyo taariikhdiisaba ay  is weyn  u qadariyaan  .

     Dhimashadii  Imaam Maxamed Bin Sucuud

Waxa uu  geeriyooday Imaam Maxamed Bin Sucaad  bishii Rabiil Awal sannadkii 1179hijriyada oo ku beenayd 1765 miilaadiga, waxaanu geeriyooday dawlada sucuudiga oo isku duuban dacwada iyo Islaaxuna uu ku  fidaayo dhamaan gobolada Najid. Waxa kale oo ay xukuumadii cusubayd ee ka danbaysay  ay timi gobolada  oo  dhan  oo  uu yahay Distoorka lagu maamulaa  Kitaabka Alle  iyo Sunaha Nabiga (NNKH) ee Dahiran  iyo  in lagu  dadaalo  dhaqankii ay  lahaayeen Salafu Saalax.

*Raali galin khristayaasha   waxa aan ka raaligalinayaa Mowduuca oo iga dheeraaday maanta awgii                                                                                                                          Lasoco qaybta 4aad   maalinta Isniinta ah ee fooda inagu soo haysa  Insha Allah tacaalaa.                                                                                                           Qalinkii:Maxamed Muuse Cilmi Bariise_77@hotmail.com/www.facebook/maxamedbariise Tel: 0634149171

Latest News

  • Daawo: Diyaaradaha Dagaalka Maraykanka Ayaa Duqayn ku Laayay Todoba Qoys Oo Ka Soo Wada Jeeda Hal Qoys
  • Daawo:Bandhiga Suugaanta Abwaan Xasan Ganey oo lagu Qabtay Magaalada Hargeysa
  • Daawo:Xafladda Furitaanka Sannad Dugsiyeedka Dugsiga Cabdalla NUuri ee Magalada Burco
  • Daawo:Madaxweynaha Somaliland Oo Safar Ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabka
  • Daawo:Taageerayaashii Siyaasi C rashiid Xasan Oo Soo Dhaweeyay Go’aankii Uu Kaga Baxay Xisbiga Waddani

Latest Articles

  • Gabay cusub oo la magac-baxay Hoga-tusaale
  • Waa maxay sababta horjoogayaasha Al-shabaab dawladu Rooga-Cas ugu dhigtaa,dhalinyartana Tiirka Toogashada lootagaa?W/Q: Khadar Ibrahim Aar.
  • Shirkadaha Dahabshiil Group waxay tacsi tiiraanya badan u dirayaan Xasan Cabdi Cawed
  • Waxaan Godobteedu Hadhin, Gar Aad Leeduu Og-yahay, Nin Kaaga Masuugay Gole ( daacad Alle Yaqaan)!!
  • Fadeexado Dul Hoganaya Maamulka Gobolka Daadmadheed

head


All Rights Reserved | Copyright © 2005-2016 : Togdheer News Network | Powered by Horn Digital