unnamed
uha-web-banner-ad Togdheer News Network
logo
logo
head
dahab
<<< Click here to contact us or Send Email to: editor@togdheernews.com>>>
head
head

Khudbaddii Farmaajo iyo Jawaabtii Soomaaliland

Sidii Dowladda Xamar u Caadada aheyd waxa laga xusey 26June
oo ku beegneyd markii Soomaaliland Xorriyadeedda ka heshay Dowladdii ingriiska.Nin Waalan ayaa Lixdankii maqley Soomaali Xorriyad baa la siisey markaasuu ku jawaabey Fasax baa la isu siiyey.
 Taasi oo micnaheedu yahey Sooomaalidu iyadaa isu dowladadeynaysa sidii  baana dhacdey.koofur markii aynu isku darsanneyba wey inoo dowladeeyeen waxaaney qaateen
1:Madaxweynihii
2:Raysalwasaarihii
3:Magaalo Madaxdii
4:Wasiirradii oo dhan,
 sida Arrimaha Gudaha, Dibadda, Gaashaandhiga. Soomaalilandna waxa loo bixiyey Gobolka waqooyi Galbeed.
Waxa Xigey Dowladdi Maxamed Siyaad Barre iyana Ku dheeraan maayo Burburkii dhacey.ilaa maanta oo aaney cago ku taagneyn Dowladda Xamar ka jirta ayaaney garwaaqsaneyn  khaladaadkii ka dhashey midowgii Soomaaliland iyo Soomaalia 1July 1960.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa ka qeyb galey dabbaal-deggii Sannadkan Xamar loogu sameeyey  26June.Halkaana waxa uu ka akhriyey khudabad u muuqatey in aan la soo diyaarin oo Boob-siisa.
Haddaba waxa iga yaabisey dhinaca soomaaliland sida is-barbaryaaca aheyd ee loogu jawaabey oo aad moodasey mid Jaan-taa rogan ah.
waxa TV da ka hadley Masuuliyiin aaD u tiro badan.Sida,
Xisbiga Muraaridka ah ee UCID.
Guurtida oo uu hadley Xildhibaan Dheeg.
wasiirka madaxtooyada maxamoud  Xaashi.
Aqoonyahan Boobe yousuf Ducaale iyo Qaar kale oo badan.
waxaase ku  habboonaa jawaabta la Siinayo Farmaajo ama Xamarba Xukuumadda Soomaaliland oo qudha. Weliba Wasiirada Arrimaha debedda ama Warfaafinta. Waxa habbooneyd in looga danbeeyo Xukuumadda in ay Jawaab Cad ka bixiso Arrimaha sidan oo kale ah.Laakiin Waxaad mooddaa in aaney inoo kala soocneyn Qof kasta Shaqadii loo igmadey
Ibrahim Deria
London:UK

Latest News

  • Siyaasi Ismaaciil Buubaa Oo Ka Hadlay Khilaafka Isgaadhsiinta ee u Dhaxeeya Somaliland Iyo Somaliya
  • Shir Lagaga Hadlayay Amaanka Dalalka Geeska Afrika ayaa Lagu Qabtay Dalka Jabuuti.
  • Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Oo Kulan La Qaatay Raysal Wasaaraha Dalka Itoobiya
  • Madaxweyne Farmaajo Oo Lagu Soo Dhaweeyay Magaalada Dhuusa Mareeb.
  • Taayirka La Tuuro Ee Gaadiidka Oo Laga Samaynayo Qalabka Guryaha.

Latest Articles

  • Maxaa inoo diidaya inaynu ciyaarno doorkeena siyaasadeed ee Gobolka inagoo bilaa aqoonsi ah! W/Q Mohamed Abdirahman
  • Tacsi Tiiraanyo Oo Leh Oo Ku Socda Marxuun Aadan Siciid (Aadan Dooc) Oo Ku Geeriyadoy Burco.
  • African Borders Are Based On Land, Not On Clans..Ibrahim Hassan Gagale
  • Farmaajo Dab buu ku ciyaarayaa. (Farmajo is playing with fire)…By: Ali Xaruuri
  • TACSI KU SOCOTA MARXUUMAD RUUN DAAHIR QODAX OO KU GEERIYOOTAY DALKA INGIRIISKA

head


All Rights Reserved | Copyright © 2005-2016 : Togdheer News Network | Powered by Horn Digital