unnamed
uha-web-banner-ad Togdheer News Network
logo
logo
head
dahab
<<< Click here to contact us or Send Email to: editor@togdheernews.com>>>
head
head

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Tacsi U Diraya Marxuum Maxamed Maxamuud Axmed (Mijir Qaadi)

Tacsi Madaxweyne Ku Xigeen

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna ku simaha Madaxweynaha Qaranka, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Isagoo ku hadlaya magaciisa, kan dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa, bahda saxaafadda, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyskii, qaraabadii, eheladii, asxaabtii iyo guud ahaan shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Maxamuud Axmed (Mijir Qaadi) oo ka mid ahaa suxufiyiinta ruug cadaaga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland oo ku geeriyooday magaalada Burco galabta oo taariikhdu tahay 01/07/2017.

Marxuumku waxa uu ka mid ahaa ruug-caddaagii saxaafadda Soomaalida ee muddo ka badan Nus-qarni ka soo bilaabmay Idaacaddii Radio Hargeysa oo uu ka mid ahaa weriyayaashii ka hawlgalay wakhtiyadii u horreysay iyo Idaacaddii Radio Muqdisho oo uu labadaasi ka mid noqday suxufiyiintii ugu caansaday, isagoo markii dambena ka tirsanaa aasaasayaashii idaacaddii dib-u-xoraynta ee Radio Halgan, waxaannu door weyn oo shariif ah ku lahaa halgankii lagu xorreeyey dalka Somaliland bilow iyo ilaa dhammaadkiisii. Waxa kaloo Marxuumku xilal kala duwan ka soo qabtay mihnadda warbaahinta sida Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Somaliland oo uu mar ahaa. Madaxweyne ku xigeenku waxa uu marxuumka ku sifeeyey tiir ka baxay bahda saxaafada tusaale u ahaa suxufiyiinta da’a yar ee dalka

Ku simaha Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo bahda saxaafada, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

     Xuseen Aadan Cige (Deyr)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

Latest News

  • Siyaasi Ismaaciil Buubaa Oo Ka Hadlay Khilaafka Isgaadhsiinta ee u Dhaxeeya Somaliland Iyo Somaliya
  • Shir Lagaga Hadlayay Amaanka Dalalka Geeska Afrika ayaa Lagu Qabtay Dalka Jabuuti.
  • Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Oo Kulan La Qaatay Raysal Wasaaraha Dalka Itoobiya
  • Madaxweyne Farmaajo Oo Lagu Soo Dhaweeyay Magaalada Dhuusa Mareeb.
  • Taayirka La Tuuro Ee Gaadiidka Oo Laga Samaynayo Qalabka Guryaha.

Latest Articles

  • Maxaa inoo diidaya inaynu ciyaarno doorkeena siyaasadeed ee Gobolka inagoo bilaa aqoonsi ah! W/Q Mohamed Abdirahman
  • Tacsi Tiiraanyo Oo Leh Oo Ku Socda Marxuun Aadan Siciid (Aadan Dooc) Oo Ku Geeriyadoy Burco.
  • African Borders Are Based On Land, Not On Clans..Ibrahim Hassan Gagale
  • Farmaajo Dab buu ku ciyaarayaa. (Farmajo is playing with fire)…By: Ali Xaruuri
  • TACSI KU SOCOTA MARXUUMAD RUUN DAAHIR QODAX OO KU GEERIYOOTAY DALKA INGIRIISKA

head


All Rights Reserved | Copyright © 2005-2016 : Togdheer News Network | Powered by Horn Digital