unnamed
uha-web-banner-ad Togdheer News Network
logo
logo
head
dahab
<<< Click here to contact us or Send Email to: editor@togdheernews.com>>>
head
head

Sagootinka Madaxweyne Siilaanyo..Adan Nokiyo

Muddo yar ayaa ka hadhay xilkii madaxweynaha S/land,xaaladda bulshaduna maanta waa geeri iyo nolol dhexdeed,ceelna uma qodna cidina uma maqna,qorshe dhow iyo mid dheer midna ma aragno ( No short/long  planning/policy)

Allaah  (SWT) ayaan weydiisanynaa gar-gaar.

madaxweynaha sii degaya waxaa lagu doortay erayadii ahaa ,dabar-goy’inta caddaalad darrada iyo musuqmaasuqa.waxaan xusuustaa gabadh uga codaysay dugsiga biyo-dhacay oo weriye HCTV aan u malaynayo su’aal weydiiyey”maxaad odhanaysaa kulmiye?” waxay ku jawaabtay” waxaan odhanayaa waar walaalayaalow ilaah baan idinku dhaarshee hana khiyaamaynina”

Mdx.Siilaanyo markuu xukunka qabtay wuxuu dhisay xukuumad fiican oo tayo leh,sidii ballantu ahayd,laakiin muddo ka dib ayey bilaabantay hoos u dhacii lagu yiqiin dunida saddexaad,waxaa meesha ka baxay wasiiro xilkas ahaa,waxaa markiiba bur-buray garsoorkii dalka,waxaa loo dhiibay guddoomiye lugta ku walaaqay maxkamadii,waxaa ka dhacay lama arag iyo lama maqal,Arrimaha dhacay qaarkood waxaa socda  documentary laga diyaarinayo si loogu barto kulliyadaha sharciga, dulmigaa waxaa ka masuula madaxweynaha iyo team kiisa,golayaasha iyo shacabka kaga raaliga ah,aakhirona waa dambaysaa,mahadhooyinka kale ee xukuumadda lagu xasuusan doono waxaa ka mida wasiirada madaxtooyada oo cunaha iskaga duubaya maamulkii dalka oo dhan.

Haddii kartida madaxweynuhu gaabiso waxaa la gudboon in uu xilka iska dhiibo,hadduu garanwaayo waa in cidda xaqa u leh ka wareejiso(waa markaynu bulshooyinka caadiga ah ka warramayno) mahadhooyinka kale ee lagu xusuusan doono waxaa ka mida musuq-maasuqii oo kaba sii daray iyo weliba qabyaalad qaawan oo shaadhka la baxday.

Wanaagga iyo waxqabadka xukuumaddu ma yara laakiin abaal loguma hayo,waayo waa laga sugayey waana wixii loo igmaday,taarriikhda ayaana qori doonta raadka xun iyo kan wanaagsan ee ay ka tagto,dhismayaal iyo waddooyin badan ayaa la hirgeliyey cid kastaaba lacagta ha bixiso,wadada ceeri-burco lama illaawi doono,doorkii xirsi ku lahaana waa la og yahay,rag baa ka xanaaqa ,ka warrama haddan dhahno, Daahir rayaale ayaa dhagax dhigay oo weliba sii taataabtay, qof walba waa in xaqiisa la siiyo,qolyaha dhaha: xirsi madaxweyna ayaa magacaabay,haa laakiin dadaalka iyo dhaqaajinta ayuu lahaa,bile rafle mashaariic badan ayuu fuliyey waa lagu xusuustaa,midda kale  xirsi in odaygu kursiga fuulo qayb ayuu ka haa,waxaan xusuustaa is casilaadiisii komishanka doorashada  ka dib markuu ka shakiyey inay odayga ridayaan,sidiina lagu kala diray qoladii meesha joogtay,kuwo kale la keenay.

xirsi laftiisa waxaa loo tirinayaa khaladaad badan intii uu wasiirka ahaa,way sugaysaa.

xukuumaddan sii socotaa xusuus badan ayey reebi doontaa,waxayna isku lid ahaayeen xukuumadii Rayaale (fadhiidh bay ahayd laakiin haykal dawladeed ayey lahayd,tan Siilaanyo waa active laakiin waa private).

Daahir Rayaale amaan badan ayaa loo tiirayaa laakiin isaga laftiisu qodxan badan ayuu aasay,isagaa ayaa inna baray : musharaxnimo kooto lagu xidho (xoghayihii udub ina aw dahir waa kii xoogay),hanti la iibsho, iyo hogaankii dhaqanka oo ah cidda qudha ee dadka metesha oo uu daaqadda ka saaray(xidh-xidhay golihii salaadiinta,markay dhaheen waxbaa khaldan ee aan kula talino )waana meesha laga soo kici waayey ee keentay in maanta la waayo cid dadka ka naxaysa iyo cid u maqan toona,waxay noqotay in siyaasiyiin jeedal dheera ahi masiirkii ummadda gacanta ku dhigaan,oo siday doonaan ka yeelaan,waxayse ahayd  in aanay sidaa ku dhiman hoggaanka dhaqanku ummaddu ayaa talada u dhiibatay (uma jeedno kuwa is caleema saaray ee ciyaala suuqa ah),waxay ahayd in ay awoodooda ilaashadaan,dadku iyagay sugayaan,haku eegina nin ku meel gaadha madaxweyne,wasiir,MPs,iyo gole degaan yar-yar ah, qaarkood qawrul masuul yihiin( waagii hore golaha degaanka waxaa loo dooran jiray inta magaalada looga yeedho,doorasho lagu shubanayo ayaa inna waashay).dawladihii dalka soo maray xataa gumaystayaashi mid qudha oo hogaanka dhaqanka ka talaabsatay may jirin,suurto galna maaha in la’aantood soomalidu is aaminto ama dawlado u dhismaan.

Doorka hogaamiyaha dhaqanku iyo dadka kale ee xilkaska ahi waa tiirarka bulshda muslimka ahi ,ka noolaan karto ama ka dhiman karto,waana cidda toosin karta wixii qaloocday,waxay taladoodii ku ururtay colaadaha inay damiyaan,waxaa ka qaalisan inay ka hortagaan iyo inay talada maatadooda iyo mustaqbalkeeda qayb ku yeeshaan,sheekada dawladda iyo distoorku maaha wax grantee ah,yaan la idinku khaldin.

qaybaha dambe ayey kaga hadli doonaa maxaa inala gudboon iyo sidoo kale  mustaqbalka dhow ee dalka,xisbiyada kulmiye iyo wadani,carabihii oo la sito iyo farmaajo oo dadaalaya niyad wanaagsana haya laakiin aan waxba ogayn ,majiire khaldan haya.

la soco qaybaha dambe iyo khamiista :  in sha Allaah

shalqane@hotmail.com

 

Latest News

  • Barmaamij Ku Saabsan Doorka Muslimiinta Marykanka Ku Nool Iyo Arimo Kale
  • Ka Digista Fidnada – Sh Cabdilaahi Barbaraawi
  • Siyaasi Dhoola yare Oo Ka Hadlay Hadallo Ka Soo Yeedhay Taliyayaasha Ciidamada
  • Beelihii Ku Diriray Degaanka Ceelafweyn Oo Kala Qaatay Diyaddii Dadkii Ay Kala Dileen
  • Siyaasiyiin Iyo Odayaal Fariin Culus u Diray Guddiga Doorashooyinka Iyo Xukuumada

Latest Articles

  • Codbixiyeyaal Kala Fog. WQ: Cabdishakuur Xaaji Muxumed (Heersare).
  • Yaa ka danbeeyay Baaqii dhagaraysnaa ee Balfour? Taageerayaashii iyo asaasayaashii waddanka yuhuuda. Maxamed Ibrahim Saleban
  • Samaale ma wuxuu noqday ninkii daadka ka reebay ninka ay colka yihiin?..WQ Suxufi Maxamed Siciid (Xarrago)
  • Cugasho:Maanso Cusub Oo Tiriyay..Ismaaciil Qorsheel.
  • Toban Qodob oo ku saabsan Columbia iyo One Young World 2017;

head


All Rights Reserved | Copyright © 2005-2016 : Togdheer News Network | Powered by Horn Digital