unnamed
uha-web-banner-ad Togdheer News Network
logo
logo
head
dahab
<<< Click here to contact us or Send Email to: editor@togdheernews.com>>>
head
head

Cugasho:Maanso Cusub Oo Tiriyay..Ismaaciil Qorsheel.

1) Muwadinow codkaad bixinaysiyo cugasho doorkaga

2) Caalankeena ciidaa dalkiyo qaran ciisaynteena

3).Kulligood su&apos;aal caam ah bay caliyow sheegeene

4) Caadifado xadhkaha goostay iyo ficiilkan caalwaga

5).Sixir baraarro sii caabuqiyo caydhnimadaan taagan

6).Ama horumarkaa caajisee badi curyaamoobay

7) Kulli caal u&apos;helid bay raban wa caqabad Wayne

8) Balse waxay su,aal culusi tahay oo caqli u bahan

9) Codka sii kulmiye Oo ku celi ciinkan shalay daaqnay

10) Sow Ceeb-tacaal Maaha iyo ciir markale kaydi

11) Sow cawaaqib xumo maalin kale so celceli maha

12) Sow heeryadodii dar cunay caws ku raaro maha

13) Muwaadinow codkaad bixinaysa waa mid camal wayne

13) Mid cadallad keenan rabnaa caano nabadede

14) Siinnaan cabatin laga guuray iyo col iyo tiiranyo

15) oo ay Cunsuri dhamatay iyo cayda iyo liitku
16) Oo haybto cay noqonin iyo midabka caynkiisu

17) Caku waa halkan doonaynee ciilka loo qabay-ee

18) Balse waxay su&apos;aal culuusi tahay oo caqli u bahan

19) Codka sii kulmiyaa Oo ku celi ciinkan shalay daaqnay

20) Sow cadallad xumadii markale soo celceli maha

21)Sow laabo canlayntii hartidaa kuba casuun mahaan.

22)Muwadinyow codka bixinaysa waa mid camal wayne

23)Dadku caamo mahoo indhaha lagama ciidhayne

Caqligiyo garaadkii ma lumin Caadiga ahaa

24) Citiraafkii aan doonayniyo calanka iibgayntaa

25) Haddi aad askari cugati iyo ciidan gudo jooga

26) Oo ceelka dhow tegi karan calaam kale daayo

27) Citiiraaf miyuu imanayaa waa cirka u tuure

28) Dekeddii ba nimankii cunee carabna noo keenay

29) Ee rabadinihii caaganaa calafsadee iibsay

30) haddan lays canaadayn kaskana Loo cuyuubin eexda

31) Haddi aan codayno markale cugashadaa siino

32) Inay meel cidhidhyon wax maran wa cadahay taasii

By Ismailms Qorshel

Latest News

  • Barmaamij Su,aalo Iyo Jawaabo Diini ah Oo La Waydiinay Sh.Berberaawi.
  • Qaybo Ka Mida Taariikh Nololeedkii Marxuun Axmed Yaasiin Gabay Xaddi Oo Boobe Ka Hadlay
  • Gudoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti Ayaa Gaadhay Magaalada Muqdisho
  • Musharraxii M/ Ku Xigeen Ee Xisbiga Waddani Oo Hambalyeeyay Taageerayaashii Isbedel Doonka
  • Alle Haw Naxariistee Marxuun Axmed Yaasiin Gabay Xaddi Oo Aas Qaran Loogu Sameeyay Magaalada Hargaysa

Latest Articles

  • Maansada ..Ahmed M. Adam (Doob baje) Toronto, Canada
  • Dallada SSE oo Dhambaal Hambalyo ah u Direysa Madaxweynaha la Doortey
  • Dallada SSE oo Dareen Taban ka Muujisey Shaqaaqada Ka Dhacdey Magaalooyinka Hargeysa iyo Burco
  • Codbixiyeyaal Kala Fog. WQ: Cabdishakuur Xaaji Muxumed (Heersare).
  • Yaa ka danbeeyay Baaqii dhagaraysnaa ee Balfour? Taageerayaashii iyo asaasayaashii waddanka yuhuuda. Maxamed Ibrahim Saleban

head


All Rights Reserved | Copyright © 2005-2016 : Togdheer News Network | Powered by Horn Digital