unnamed
uha-web-banner-ad Togdheer News Network
logo
logo
head
dahab
<<< Click here to contact us or Send Email to: editor@togdheernews.com>>>
head
head

Samaale ma wuxuu noqday ninkii daadka ka reebay ninka ay colka yihiin?..WQ Suxufi Maxamed Siciid (Xarrago)

 

Beri beryaha ka mid ah laba nin oo colaad raagtay ka dhaxayso, ayaa maalin maalmaha ka mid ah midkood uu daad qaaday, ka dibna uu ka soo reebay kii kale, dabadeedna ninkii daadka laga reebay, ayaa u mahadceliyay kii kale oo yidhi, “weligay ismaan lahayn hebel baa abaal kuu geli” kii kale intuu qoslay ayuu ugu jawaabay, “Daadka kaagamaan reebin jacayl iyo bilow-aadantinimo toona ee waxaan is lahaa yaan Cadaabal qabriga laga saamixin.”

Waxaa sheekadan oo kale ka dhigan Cabdicasiis Maxamed Samaale oo ka mid ah Xubnaha ugu muhiimsan ee loo xilsaaray ololaha Xisbiga Kulmiye balse Cabdicasiis Maxamed Sammaale ololaha Xisbiga Kulmiye waxaa uu dhex wadaa olole uu isagu isku muujinayo.

Sammaale oo gacanta ku haya dhaqaale loogu talogalay ololaha Xisbiga Kulmiye, ayaa wuxuu sammeeyay shebekad suxufiyiin ah oo isaga toos u hoos taga dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaanba, kuwaasoo aanu ugu faa’iidayn ololaha Xisbiga Kulmiye, balse si gaara ah u qaabilsan inay tebiyaan warar u gaar ah Cabdicasiis Sammaale.

Maalmihii u dambeeyay

maalmaha ololaha Kulmiye u leeyahay waxaa Telefiishannada, Joornaallada iyo Websiteyada qaarkood laga baahinayay warbixinno u gaar ah Cabdicasiis Sammaale.

Ma la odhan karaa Cabdicasiis Sammaale wuxuu noqday ninkii daadka ka reebay ninka ay colka ahaayeen?

WQ Suxufi Maxamed Siciid C/laahi (Xarrago)

Latest News

  • Siyaasi Ismaaciil Buubaa Oo Ka Hadlay Khilaafka Isgaadhsiinta ee u Dhaxeeya Somaliland Iyo Somaliya
  • Shir Lagaga Hadlayay Amaanka Dalalka Geeska Afrika ayaa Lagu Qabtay Dalka Jabuuti.
  • Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Oo Kulan La Qaatay Raysal Wasaaraha Dalka Itoobiya
  • Madaxweyne Farmaajo Oo Lagu Soo Dhaweeyay Magaalada Dhuusa Mareeb.
  • Taayirka La Tuuro Ee Gaadiidka Oo Laga Samaynayo Qalabka Guryaha.

Latest Articles

  • Maxaa inoo diidaya inaynu ciyaarno doorkeena siyaasadeed ee Gobolka inagoo bilaa aqoonsi ah! W/Q Mohamed Abdirahman
  • Tacsi Tiiraanyo Oo Leh Oo Ku Socda Marxuun Aadan Siciid (Aadan Dooc) Oo Ku Geeriyadoy Burco.
  • African Borders Are Based On Land, Not On Clans..Ibrahim Hassan Gagale
  • Farmaajo Dab buu ku ciyaarayaa. (Farmajo is playing with fire)…By: Ali Xaruuri
  • TACSI KU SOCOTA MARXUUMAD RUUN DAAHIR QODAX OO KU GEERIYOOTAY DALKA INGIRIISKA

head


All Rights Reserved | Copyright © 2005-2016 : Togdheer News Network | Powered by Horn Digital