unnamed
uha-web-banner-ad Togdheer News Network
logo
logo
head
dahab
<<< Click here to contact us or Send Email to: editor@togdheernews.com>>>
head
head

Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Laanta Holland Oo Si Kulul U Cambaareyey Afduubka Lagula Kacay Amp.Axmed Safiina

 

-Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Laanta Holland Md.Xiis Maxamed Cighe ayaa si kulul u cambaareyey Afduubka lagula kacay Amp.Axmed Safiina
Gudoomiyaha oo goordhawayd war-murtiyeed arintan kusaabsan nasoo gaadhsiiyey ayaa waxa uu u dhignaa sidan:-

Aniga oo ah Gudoomiyaha Xisbiga Waddani ee dalkan Holland Mudane: Xiis Maxamed Cige. waxaan si addag iyo cod dheere u cambaareynaya weerar gacan ka hadal ah ee ay kusoo qaaden koox budhcad abaabulan ah Xildhibaan Weli Axmed Xaawa.
Waxa kale oo aan cambaareynaya xadhiiga laku xidhay wadanka Kenya Xoghayaha arimaha Carabta iyo dawladdaha Islaamka ee xisbiga Waddani Ambasatoor: Axmed Safiina aya sifo shirci-darro ah loogu taxaabay xabsiga. Xadhiiga ayaa wuxuu danbeeyey cago-jugleynta, tacaddiga, jidh-dilka iyo cabudhinta ee beriyahanba xisbiga kulmiye ku wadey masuuliyiinta xisbiga Waddani.
Xisbiga kulmiye markii u ku fashilmay hogaanka dalka iyo rajo xumadda siyaasada xusbi xaakimka ee ay ka mujiyen shacabka reer Somaliland.
Waxa is weydin mudan xisbiga kulmiye ma xisbul xaafadeeba mise waa xisbi xaakim?
Xisbiga kulmiye ma mucaaradba mise waa xisbul xaakim? Isagaaba mucaarid isku ah kab dhagankiisa siyaasadeed.
Waxaan leeyahay Madaxda xisbiga kulmiye majoogno wakhtiigi hanjabaadaha iyo cago-jugleynta. Waa wakhtiigi qalnika iyo aqoontu shaqeynaysey.
Xisbiga Waddani oo quluubtii shacabka reer Somaliland hantey, halku xisbiga xaakim ku fashilmay.

Wabilaah tawfiiq

By: Gudoomiye : Xiis Maxamed Cige ( Holland )

Latest News

  • Malaysiya Oo U Yeedhay Danjirehedii U Joogay Waqooyiga Kuuriyya Ka Dib Dilkii Qorshaysnaa Ee Lagudilay Ninkii Ay Walaalaha Ahayeen Hogaamiyaha Waqooyiga Kuuriya Kim Jong-nam.
  • Madaxwaynaha Jamhuuriyada Soomaliland Oo Gaadhay Magaalada London Muqaal.
  • Heshiiska Saldhiga Imaaraadka Oo Dilaal Ahaan Loogu Kala Qaadanayo 7 Milyan Oo Dollar, Doorka Somalia Oo Cadaaday Iyo Dilaalnimada Baashe
  • Deeq Raashin Ah Oo Dawlada Jamhuuriyada Jabuuti Ugu Deeq Day Gudida Abaaraha Ee Heer Qaran Oo La Soo Gaadhsiiyay {Muqaal}.
  • Faah Faahin Dheraad Ah Oo Ka Soo Baxaya Khasaaraha Dhimashada Iyo Dhaawaca Uu Gaystey Qaraxii Muqdisho Ka Dhacay + Muqaal.

Latest Articles

  • War ka soo baxay laanta xisbiga waddani ee dalka Holland
  • Faallo: Xadhig Mise Xal? Qore: Cabdishakuur Xaaji Muxumed Muuse (Heersare)
  • WAA MAXEY SALDHIGA MURA TARIGU..Fu,aad Qawdhan .Lodon
  • Dadka Somaliland-now dawlad baanu nahay iyo dunida la macaamili mayno Kala Daaya
  • Saldhiga Imaaraadka Ee Berbera Faa’ido Mise Khasaare? W/Q Khadar Cabdi

head


All Rights Reserved | Copyright © 2005-2016 : Togdheer News Network | Powered by Horn Digital