unnamed
uha-web-banner-ad Togdheer News Network
logo
logo
head
dahab
<<< Click here to contact us or Send Email to: editor@togdheernews.com>>>
head
head

Qaylo Dhaan: Xoolihii Somalida iyo Sabenkan..

Dadka iyo dalka somaliyeed waxay noloshoodu ku tiirsan tahay waa xoolaaha nool ee ah sadex meesin iyo gamaanka kuwaas oo adegsigiisa ama isticmaalkisa ay ku manaafacadsadaan cunto ahaan gadiid ahaan iyo dhaqaale ahaan .
Somalidu waxay waayihii hore cid walba oo soo caga dhigata gayiga somaliyeed kaga adkaayeen oo loogu tag waayay waxay ahayd xoolahaa ay dhaqdaan ee ay kaymaha iskaga haystaan haday tahay gumaystihii dalka haysan jiray oo ka cawday somalida aanay ku adkaatay inuu u taliyo somalida waayo may ahayn dad debeda wax uga baahda oo la soo dega sida maanta la yahay waxay ahayeen dad isku filaansho xaga cuntada ah haystay cadka iyo caanaha neefkooda ay ka goostaan iyo midhaha ay geed kooda ka goostaan ayay quudan jireen sidaa awgeed dadyowgii arlada yimi hore way ula qabsan waayeen maamulkooda ileen meelahay gaystaan waxaa ugu badan ee ay saydareeyaan waxa ugu waynaa baahidooda cunto xataa beeruhu waa wax yaabaha laysku gumaysto oo deeganada somalida ee beeralayda waa qabsaday gumaysi wayn oo inta boqolaal higtar oo dhul ah lagu falo oo yaga sida cagafyada lagu qodo ayaan waxba laga siin jirin ee dhamaantood loo raraayay talyaaniga iyo wadamo kale laakin deeganada somalida ee xoolo dhaqatada ah waxaas may qabin oo xoolohooda ayay mar meel ula guurayeen inkasta oo markii danbe la soo faro galiyay mar kii maamulkii daremay inaan magaalooyinkii waxba ka biirayn oo aan loo talin karayn ooqofkii la ganaaxo eexaga dhaqaalaha laga maraa uu soo daadiyo lacagtii hore ee ilaa waligii qaadanayay oo uu waligii uruurinayay kadibna uu hawd iyo geeloodii iskaga caano doonto
Sidoo kale gumaysigii markii uu mudo joogay wuxuu ogaaday inaan magaalooyin wax la maamulaaba oolin waxaa somalidu isku haystaa ay miyiga taalo oo lagu hayo sidaa awgeed uu ka qayb galo ka garnaqida geela la kala dhacay iyo ka laysku haysto
Hadaba xoolihii sidaa wayn nolosha somalidu ugu tiirsanayd imika waxay ku dhow yihiin dabar go oo aad ayaa looga dardaar warinayaa
Waxaa faraqaadi wayday abaar rigaysaday oo mar walba iska soo hanaasinaysa oo imanaysa waxaa ku yaraaday daaqii kadib marjii dhulki nabaad guuray oo wixii xooluhu dhir daaqi jirtay imika midh arkay maysid hadii si ealba roob u maansheeyo.
Intar yar ee sii riiq riiqaysana waxa loo isticmaalaa si milgo daro oo geelii la foofin jiray ee marba halkii daran leh loo xergayn jiray imika dumarka ayaa daasado ku maala hadii gaawe ama hadhub laba nin hareeraha kala gali jirtay ama geeljira ayaad caagad ku maala oo tuulada qaadka kaga qaata kadib marka isagaii geelii ooda ka duwo kadib na maalin oo dhan wuu iska qayilaa oo habeenkii ayay malaa shan iyo toban geeljire ayaa hareeraha kaa dhaafayaa adigoo adhigaagii iyo afartaadii halaad xaraysanaaya ileen anigu sidooda ma ihiye waxay ku waydiinayaan geel ay ugu danbaysay saaka markii uu cagada ku maalay oo xataa muu eegin dhanka uu xerada uga dareeray oo markii uu caagadii tuurta sudhay ayaa uu galay muudh oo uu sawirtay isagoo niic qaada naqaysanaya waar qaadku waa qaali xagaa sida magaalooyinkan mahaa xagaa waa macaash wayne kadib geelii wuu waayaya ama wuu heelayaa kaasi waa geelii
Adhigii ragii adhi badanayaasha loo yaqaanay imika waxay ka sii laaladaan inta yar ee xayn ta loo yaqaano waayo waxaa kala qaybsaday abaar iyo xaaluf ,cunitaan aan mar faraha laga dhigayn oo marna reerkii ayaa bariiskii iskaga bixinaya ilayn wax kale ma cunaane mar odaygii reer ayaan waxba dhaafin oo subaxdii markuu tuuladii qabanayo wuu sii dhex maraa adhiga wixii gacantu kaga dhacdo way ku daayeen oo dib looma arko oo waxaa laga quustaa inuu waxarkaasi ama nayshaa baraar ahi reerkii geedigab ahaa raacday yadoo waxaasi haystaan xayntii ayaa hadana waxaa imanaya inamo sidaa isu giijinaya oo gawaadhi vx ah wata waxay xambaarsan yihiin sanaadiiq waawayn oo ay ka buuxdo alaab dawo lagu sheegay oo anaay war u hayn waxay tahay waayo ma badhaan waxay dawo ka tahay ma yaqaanaan wakay ka tahay ma yaqaanaan sidoo kale xoolaahan dadka ee ay ku mudayaan yagana ma baadhaan in xanuun hayo oo reer ayay ula tagayaan ama uma tagayaan suntaasi ayay ka iibinayaan ninkaa reer miyiga ah
Waxay ka soo qaadayaan wax hayad loo yaqaan yagu loo xilsaaray somalida bilaa dowladaa ee hadana iska nool dhaqaale ahaan ka weeraraan meelaha ay ka nool yihiin nin xoogaa adhiya oo wanaagsan oo caafimaad qaba iska haysta ayay adhigiisi irbad kala daalayaan markaasuu halkii isagoo arkaya ku wada daadanaya sunaha qaar ayaa nafta ku soo gaadhay haduu bir ta la gaadhana hilibkiisii waxay ka dhigaysaa waxaan la cuni karin ninkaas caydhoow faramadow ayuu taagan yahay.

dowlad gacan qabata ma laha oo haday leeyihiin waxay ka eegi lahayeen sunta ah ee xooloahoodii la siiiyay iska daa inay ka eegaane waxay dhaafsanayaan shilimaad si suntaa loogu qanciyo dhansiiyaan xoolahaada

waar yaadhaheen waa yaab  miyigii iyo xoolahiina waxaa ayaa naga haysta

allaa mahad leh

qalinkii: maxamed cabdilaahi nur (koomaati)

tell :2524258662

Latest News

  • Daawo:Odayaasha Iyo Waxgaradka Degmada Dila Ayaa Eedaymo Ujeediyay Maamulka Degmada
  • Daawo:Xisbiga Waddani Ayaa Xukuumadda Ku Eedeeyay Inay Qoranayso Shaqaale Been Abuur Ah
  • Daawo:Wasaaradda Arimaha Gudaha Oo Ka Hadashay Wiil Ku Dhintay Soo Dhawyantii Waddani
  • Daawo:Sheekh Berberaawi Ayaa Sharraxaad Ka Bixiyay Halka Uu Ka Yimaadaan Isbedelada Bulsheed
  • Daawo:Warbixin: maxaa ka jira in wasiir cali mareexaan iibiyaya Dhulkii ugu badna

Latest Articles

  • Oromada iyo Soomaalida Qaad wax ka weyn ayaa ka dhexeyaa!
  • Wal walka iyo kalsooni darada ka qabta garsoorka dalka.Cartan Maxamed Jamac
  • Baroortu Orgiga Ka Weyn: Doorashooyinka Somaliland: Axmed Maxamed Diiriye )(Toorno), ahmedmdiriye, Hargeysa
  • Maxakamad Siyaasadi Turuqday,Tallo Ha Way Diinin( Dr Daacad Alle Yaqaan)!
  • Af lagaado & Cay midna eedu kuma sama!

head


All Rights Reserved | Copyright © 2005-2016 : Togdheer News Network | Powered by Horn Digital