unnamed
uha-web-banner-ad Togdheer News Network
logo
logo
head
dahab
<<< Click here to contact us or Send Email to: editor@togdheernews.com>>>
head
head

Tix gabay oo ku saabsan Bisha Ramadaan ee Karaamada badan…Curiye:- Muhumed Abdi Jama(Ilkacasse)

Tix gabay oo ku saabsan Bisha Ramadaan ee Karaamada badan ee aynu ku jirno ayaamaheedii ugu horeeyay. Alla camalkeena bishaas dhexdeed ha ina aqbalo hana inaga dhigo kuwa loo denbi-dhaafo naartana laga xoreeyo ee Illaahay raali ka noqdo.

 

1. Bismillaahi Eebaw xaajo , waa lagu bilaabaaye

2. Waa bishii khayrkiyo wanaaga ee , biliga lahayde

3. Waa bishii burhaanta iyo waxyiga , boqorku soo dejaye

4.Waa bishii buurta qaarul-xira , looga baaqay nebigiiye

6. Waa bishii bidhaantiyo wacnayd, nuurka biligleeya

7. Waa bishii laga baabi’iyay Asnaamtii,  beledul aamiine

8. Waa bishii badhaadhiyo lahayd, khayrka burqanaaya

9. Waa bishii la boqray Muxamad ee uu, dacwada ku baaqay

10. Waa bishii la jebiyay gaalada, beder dagaalkiiye

11. Waa bishii la furtay maka oo,  beryo laga  baaday

12. Waa bishii barashada diintiyo, cilmiga lagu baaqay

13. Waa bisha habeen ku jira, caadil la baryaaye

14. Ee ka qayr badan kun bilood, camal la badidiiye

15. Waa bisha tiirarka shanta bilan, iyo bud-dhiga Islaame

16. Waa bisha naxariista loo buseelo, ee farxada la is booqdo

17. Waa bisha fitriga laga baxsho, badanka iyo jaaha

18. Ee adoon bishimaha xidhay Illaah,  abaal badan siiyo

19. Waa bil caafimaad oo biririx cudur, laga bogsoodaaye

20. Waa bishii salaadoo la badshiyo, Qur’aan baristiiye

21. Waa bisha basarka indhaha, cawro laga baajiyaaye

22. Waa bishii nin maal badan lihi,  baahida ogaane

23. Ee baxsiga sadaqada miskiin, gacanta u buuxsho

25. Waa bisha caruurtu biibiilaha iyo bigil afuuftaaye

26. Ee isla baashaalka hadba, baal u carartaaye

25.  Xiisuhuna aanu ka bi’in baratan, boodo iyo yaac’e

26. Waa bisha ninkii sooma Rayaan,  biyo ka cabaaye

27. Waa bisha booqashada wacan, baashir iyo khayre

28. Ee bariidadu dhexdood gacal, beryo socotaaye

29. Waa bisha laylatul qadriga fadliga, laga dhex baadhaaye

30. Waa bisha baraha roobku da’o, ee raxmadu bulataaye

31. Waa bisha shaydaan biraha lagu xidho, baydda iyo seeto

32. Ee boqonta lagaga giijo kana, baxsan karahayne

34. Bawaabada jahama waa bisha la xidhee bandoo naarba laga yeelo

35. Albaabada janada la  balaqee loo baratamo khayrka

36. Ee  juhdigaa adoomihii bogta  Illaah jano ugu balan qaado

37. Waa bisha bushcurada ganacsiga, biica la gataaye

38. Ee faa’iido baayacmushtari lacag, barkinta ku seexdo

39. Waxba yuu gabaygu ila buubine, waxaan ku soo beegay

40. Waa bisha Illaah ducada loo banbaxo, ee sujuuda ku booba

Curiye:- Muhumed Abdi Jama(Ilkacasse)

Latest News

  • Daawo: Isku soo bixii Taageerayaasha Xisbiga Wadani Burco
  • Madaxda Ciidanka Malatariga Somaliya Iyo Kuwa Amison oo Kulan Ay yeesheen kaga Hadlay Iskaashiga Labada Ciidan
  • Daawo: Xisbiga Wadani oo Isusoobixii ugu Baladhnaa Ka Dhigay Hargaysa.
  • Daawo: Aqoonyahan Mustafe Martin Oo Qiimeynku Sameeyay Doodii Sadexda Musharax ee Xisbiyada
  • Daawo; Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Oo La Hadlay Taageerayaashiisa

Latest Articles

  • Wasiir Cali Marexaan Waxa ku Waajib ah,inuu Xaal Ka Bixiyo Arrintii Foosha Xumay
  • Muj Ahmed Mire oo tacsi u diraaya qoyskii iyo shicibka Somaliland ee uu ka baxay Marxuum C/raxmaan Maxamed Maxamuud Talyanle
  • Oromada Miyaa Laga Barakiciyay Somaliland Mise Dalkoodii Ayaa Lagu Ceshay?
  • Ma Dhabaa Inuu Muuse oo kaligii ah uu ka soo Dagay garoonka diyaarahada magaalada hargeysa +Cidna Soo dhaween Iyo Xogaha Duwaan W/Q faarax jaamac
  • Oromada iyo Soomaalida Qaad wax ka weyn ayaa ka dhexeyaa!

head


All Rights Reserved | Copyright © 2005-2016 : Togdheer News Network | Powered by Horn Digital