unnamed
uha-web-banner-ad Togdheer News Network
logo
logo
head
dahab
<<< Click here to contact us or Send Email to: editor@togdheernews.com>>>
head
head

Af duubkii Dimoquraadiyadda Somaliland, Qore: Casha Miigane

Xuub iyo caad mid na ka ma saar na uunka dunnida oogadeeda in dalka Somaliland ka samaysantay nidaam dimoquraadiyad ah, oo dadkiisu dhistey dawlad dimoquraaddi ah. Hannaankii dimoquraaddiga ahaa ee dalka ka jirey halis baa uu dul hoganaysa; Af gembi meleteri ka ma dhicin dalka ee af duub dimuquraaddiyadeed baa ka dhacay. Madaxweynaha Somaliland waa sarkaal hore oo nidaamkii Siyaad Barre iyo Jabhaddii halganka ee SNM ka tirsanaan jirey, isaga ayaa kursiga fuuley 20017 iyadoo doorashadii uu kursiga ku gaadhay ay madmadow iyo muran ku gedaannaayeen. Xisbiga madaxweynaha ayaa gacanta ku haya labada aqal, meleteriga iyo garsoorka dalka. Ururada, mareegaha rayidka ah iyo dalladaha ururada bulshadu ku bahoobeen na isaga ayay u shaqeeyaan. haddii ururadii bulshada ee danaha muwaaddinka difaaci lahaa ay la safteen xukuumadda oo ay madaxdoodu ka soo jeeddo qoyska madaxweynaha , saw khatar kuma aha ammaanka iyo nabadda, iyo nidaamka dimoquraaddiga ah ee curdinka ah. Dadkan xilalka haya ee si kas iyo maan ah loogu magacaabay xilalka si hannaanka dawladnimo gacan keli ah ugu jiro oo bulshada inteeda kale la hagaasiyo. Dhinaca kale waa gef iyo meel ka dhac weyn, doodeydana ku ma jirto in qof wal oo ku abtirsada qoyska madaxweynuhu uu taageero u yahay isaga iyo nidaamkiisa oo siyaabahan ku raacsan yahay.

Latest News

  • Meherad Cusub oo Lagu iibin Doono Cuntadda Itoobiyaanka ayaa Laga Furay Hargaysa.
  • Maraykanka Oo Sheegay Inay Soomaaliya Ka Jiraan Dhibaatooyin Xagga Abaaraha ah.
  • Ra’iisul Wasaare Khayre oo Dhiirri Gelin ugu Tegay Ciidankii Fashiliyay Falal Amni Daro.
  • Golaha Guurtida Somaliland oo Loo Qaybiyay Ajandaha Kalfadhigooda 69-aad.
  • Nin 24-Sanno Ka Hor Diyaaradii uu Nadiifiyaha Ka ahaa oo uu Ka Noqday Duuliye.

Latest Articles

  • Agaasimaha macadanta iyo tamarta s/land ayaa gaadhi ku wareejiyey maamulka degmada faqayuub
  • Ayaa Hortaagan In AY Dalka Ka Qabsoonto Doorasho Loo Dhan Yahay?
  • Somaliland – Dhuumasho Dhabarku Muuqdaa waa Dhib iyo Hadimo
  • Ogaysiis: UN HABITAT
  • Miyyi Ilaa Madaxtooyo: Sheeko Dhex Martay Siilaanyo iyo Sheekh Shariif

head


All Rights Reserved | Copyright © 2005-2016 : Togdheer News Network | Powered by Horn Digital