unnamed
uha-web-banner-ad Togdheer News Network
logo
logo
head
dahab
<<< Click here to contact us or Send Email to: editor@togdheernews.com>>>
head
head

Maanso Ka Hadlaysa Abaarta Dalka Ka Jirta Iyo Mooganaata Bulshada

baallo daymod dalkaad ku ogaydeen baaha soo noqotay
booyadahan qaxaayiyo busaaradahan boodhka ina jiidhay

barqadana warkeedii kulmiyay kuba
bilaabene

bakhtigooda xoolahan aanu bahalku eegayn
bilcishan engegtay geedahan
biyaha doonaya
baaqan dhiilada warkan buurta laga
keenay
booli quutayaashii ma oga
budhadhka waynaye
ehlu baadilkaynu is badnay kuwan biirka
ku caweeya
bulshada nimankan bi,iye
baadhayee dhacay
kuwan boqorada u sheegtiyo kuwan
badaha sii jiidhay
baratan bay ba ku baaqan inay dalka
bur buriyane
bahal higlo sidedii watay boodh isku
xardhene
baagamuudayal bay dirsadeen booranta sii qoda e
dad badan baa bulshaday qiyaasteen  bigayska soo helin

dad badan baa biyaha boqol laga siiyaa baaca loo qodine

dad badan baa bukaan ugu darsamay bilo
horteediye
dad badan buu mooganyahay basharkani bariidadodiye
dad badan bay xoolihii ka baxeen
biilka u ahaaye
dad badan baa  caydh la
tuban bandaradodiiye
dad badan baa bas beel ah oon
booyad shubanayne
dad badan ba buulashoodii ka qaxay
binaday seesteene
dad baa baayacoodii burburay oo
n bakeeri so heline
dad badan ba bacad kaa tuban ninkii biime
soo galayaw
dad badanbaa baaqyaday direen
ciduba qiimayne
cod ka buuxa iyo tagero dawladan la
bar bartaagnay
wali muu baraarugin hogaamiyhi
baawarka u ahayee
bilaash looma hadle mahayno boqor
boolka soo fura e
booc iyo waxaynu isu noqonay bac
laguud sudhaye
badi diyaar loo ma noqon is bed
bedelkase
bookh,kolay tahay majiro hog beer
la soo dhigo e
ball ha noqdee mustaqbal baad
umay faline
belaayoyin badan looma dhisan
buur la hosgalo e
billaahiye inaga kasbanay markan xaqa ka baydh baydhnay
inaga biirsanay belaayinkan baahaye yimi
inagan burburin baadilka  oon diinta baranayne

buuga qabyalada hadaan booraanta lagu
aasin
biyahaa hadaan lasoo saarin aad badaha
moodayso
dalkena hadaan  la aaminin oon
dalaga loo beerin
khayraadkan buuxshiyo jeer aan bada
macaanayno
beledkeenan hodanka ahe bakhtiga
lagu joogo
boqolaal shaqa banaan baa jiro
ciduba baayicine
ciida banaan hantidan baada laga
doortay
basharkan hogaansha iyo kuwan is barbarinaya
baraarujini waa sede ma arag nin
ballida jeexaya
been bay nagu wareershan kuwan
baanka buxsadaye
barre dabadii ma arag muwadin
baada bixinayne
inkastu isbed bedelay hadana baqasha sii dhaane
baradiisa mid ku faana kamuu dambayn oo beero falayaye
kuwuu u baneeyay iyo kuwan
baydhka isu dhiibay
basabor nin sita majiro ciida
bidayaye
nin walba bangalooyinbuu dhistayo
badaha dhaafaye
baadari intay la shiran bu xabashi
baadhaye
waa badwan iibiyay kuwani badankii
maandeqe
dhalinyaradina bidhaan sado tahriib ti sii badatay

ba.da baaq aan diraayo iyo bandhig aan waday dheh
burhaan aan sito iyo baabka loo maray dheh
ba’dan kalana waa baryo Allee
aminta ii badiya
inagaa bursane muwaadinimo boga
ka dhadhiciya
ha u biqina maaha gaaladu siday
bayaanshene
aqoonsi uma baahnine rabaa ina
bogsiin jeere
rabibaa beryo dhaw guusha soo
bixine
beledkeena rabaa ku dhidbi nabad la baafiyaye
rabiba beledkena ka dhigi boqor la hoos galo e
sida bariga dhexe  ciida allaw barako no sar
bulshadan diifaysan soo dooji allaw adaa baariyo wacane
Baraf allaw midaan wadanin buurta
ka hilaaci
Burqi allaw nimcada oo bananka noo
buuxi
baliyaday xaredu geli jirtay allaw
rahu ka boodaa
beerihii bidhaanta wacnaa allaw
barako noo saar
xajka midaan ku booqanoo diinta
ugu baydhno
ku bururi hogol allaw beledka wada
gaadha
boqorow dhergi xoolahan baadka
soo tuban
basbeelka allaw ka saar bukaan kan
wali haysta
xayawankan beerku isku dhegee
bananka soo taagan
baalalaydan haradan iyo bahalahan
ilmaynaaya
barqada miday fadhiistan oo lagu
barwaaqoobo
hadhkoo lagu bariistiyo caanohod
berkedo moodayso
barakeeye mid la baxa oo buuqa
naga reeba
nagubad baadi allaw adaa baariyoo
wacane
borofaysar bidaar lahoo beenta
soo tebiya
badawgu wuxuu buun buuninayo
allaw baasha naga dhaafi

Latest News

  • Barmaamij Ku Saabsan Doorka Muslimiinta Marykanka Ku Nool Iyo Arimo Kale
  • Ka Digista Fidnada – Sh Cabdilaahi Barbaraawi
  • Siyaasi Dhoola yare Oo Ka Hadlay Hadallo Ka Soo Yeedhay Taliyayaasha Ciidamada
  • Beelihii Ku Diriray Degaanka Ceelafweyn Oo Kala Qaatay Diyaddii Dadkii Ay Kala Dileen
  • Siyaasiyiin Iyo Odayaal Fariin Culus u Diray Guddiga Doorashooyinka Iyo Xukuumada

Latest Articles

  • Codbixiyeyaal Kala Fog. WQ: Cabdishakuur Xaaji Muxumed (Heersare).
  • Yaa ka danbeeyay Baaqii dhagaraysnaa ee Balfour? Taageerayaashii iyo asaasayaashii waddanka yuhuuda. Maxamed Ibrahim Saleban
  • Samaale ma wuxuu noqday ninkii daadka ka reebay ninka ay colka yihiin?..WQ Suxufi Maxamed Siciid (Xarrago)
  • Cugasho:Maanso Cusub Oo Tiriyay..Ismaaciil Qorsheel.
  • Toban Qodob oo ku saabsan Columbia iyo One Young World 2017;

head


All Rights Reserved | Copyright © 2005-2016 : Togdheer News Network | Powered by Horn Digital