unnamed
uha-web-banner-ad Togdheer News Network
logo
logo
head
dahab
<<< Click here to contact us or Send Email to: editor@togdheernews.com>>>
head
head

Mulkiilaha (Soo gasho) Cable Maxamed Aw oo dagaal lama Filaan ah kula kacay warbaahiyaha Hadhwanaag News

Mulkiilaha (Soo gasho) Cable Maxamed Aw ayaa dagaal lama Filaan ah kula kacay warbaahiyaha Hadhwanaag News, inta la ogyahay Xubin ka tirsan xisbiga Wadani Ayaa qoraal uu kaga hadlayo
Maxamed Aw Siciid iyo qaybo ka Mida ah waxyaalaha uu ka ganacsado u direy warbaahiyaha Hadhwanaag News, ka dibna sida Caadada u ah warbaahiyaha Hadhwanaag markiiba way laliyeen Warkii, intaas ka dibna Maxamed Aw Siciid ayaa si cadho leh kaga Jawaabey kuna amray Shaqaalihiisii iney khadka inter
Netka ka jaraan warbaahiyaha Hadhwanaag News, sida lawada Ogyahay ganacsadah reer Jabuuti
Maxamed Aw Siciid waa ganac Sade ku milmey siyaasada dadka Qaarkiina u yaqaanaan nin ka Ganacsada siyaasada, waxaanu ka Mid yahay rukunada uugu xooga Badan ee uu ku taagen yahay Murashaxa xisbiga Kulmiye
Muuse Biixi, hadaba dhacdadan uu Kula dhaqmay warbaahiyaha Hadhwanaag News waxay ka Marag furtey habdhaqanka xisbiga Kulmiye iyo murashaxa Muuse Biixi Oo horeba dad badani u arkayeen Nidaam digtaatoor, ganac sade Maxamed Aw Siciid waxa la siiyey Hanti umadu wada lahayd sida Wershedii laydhka Hargeysa oo Kontomeeyadii ingiriisku ka dhisey Magaalada Hargeysa, sidoo kale Waxa la siiyey iskuulkii farsada Gacanta ee dumarka oo isla Ingiriisku xiliyadaa ka dhisey
Magaalada Hargeysa, waxa kaloo Loo xidhey ganacsiga (Cable)
Keybalka is gaadhsiinta casriga ah, Si kastaba wax ha u jiraane arinta Maxamed Aw Siciid kula dhaqmay Warbaahinta Hadhwanaag News Ayaa ah fadeexad dul sudhan
Murashaxa xisbiga Kulmiye
Muuse Biixi.

Latest News

  • Xukuumadda Somaliland Oo Xabsiga Dhigtay Toddoba Xubnood Oo Ka Tirsan Mas’uulyiinta Xisbiga WADDANI.
  • Gudoomiyaha Degmada Duruqsi Ee Gobolka Togdheer Oo Shaaciyay In Ay 5 Qof U Geeriyooday Haraad Iyo Gaajo
  • Daawo:Murrashax Faysal Cali Waraabe Oo Ku Taliyay Inay Somaliand La Midowdo Imaaraadka Carabta.
  • Gudoomiye kuxigeenada Cusub Ee Gobolka Banaadir Oo Lagu Soo wareejiyay xarunta gobolka +Sawirada
  • Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Wakiilada Oo Shaaciyey Inuu U Tartamayo Kursi Ka Mid Ah Shir Gudoonka Golaha Wakiilada Waa Kursigee ?

Latest Articles

  • Guddiga Qandaraasyada Qaranka, Hanti Dhawraha Guud iyo Guddiga Musuqmaasuqu ha iscasilaan (Q. 2aad)
  • Dr. Moxamd Cisman Fadal iyo xaaskiisa Zeinab Yusuf X. Adan Waxay Tacsi U Dirayaan..
  • Qisso cajiib ah : Beenta aad caruurtada bartaa dib ayay kuugu soo noqotaa adiga..WQ/Khadar Ibrahim Aar
  • Ambassador Gaaruf Muu Abbaarin Xaqiiqada Iyo Waxa Keenay Sarrif Bararka: W/Q Cabdiraxmaan Cadami
  • DULIN ABAAREED…WQ Cabdijibaar Aaden Gaas

head


All Rights Reserved | Copyright © 2005-2016 : Togdheer News Network | Powered by Horn Digital