unnamed
uha-web-banner-ad Togdheer News Network
logo
logo
head
dahab
<<< Click here to contact us or Send Email to: editor@togdheernews.com>>>
head
head

Isbarbardhig Baashe Cali Jaamac Iyo Saleebaan Cali Koore

Xiligii kacaanka ayaa xaafad shiraysa nin wuxuu qof dumara weydiiyey: HEBLAAYOOY KACAANKA KA HOR MAXAAD AHAYD? WAXAY SHEEGATAY MAGAC AY LEEYIHIIN DUMARKA DHAQANKA XUN, WUXUU KU CELIYEY MAANTANA MAXAAD TAHAY? WAXAY KU JAWAABTAY XUBIN XISBIGA HANTIWAAGA KACAANKA SOOMAALIYEED, WUXUU YIDHI WAXAAS OO DHAMI WAA GUULIHII KACAANKA IYO AABE SIYAAD.
Qoraalkan oo daba socda cay iyo aflagaadooyin xukuumada Madaxweyne Muuse ku gantay Siyaasi Baashe Cali Jaamac, taas oo uu saxaafada u soo gudbiyey Wasiirka Biyaha ee Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali, isagoo Mudane Baashe ku sifeeyey nimaan qadiyad lahayn oo guurguur badan.
QORAALKAN WAXAAN KU QIIMAYNAYNAA BAASHE CALI JAAMAC IYO SALEEBAAN YUUSUF MAXAY AHAAYEEN SOMALILAND KA HOR AHAAYEEN.
BAASHE CALI JAAMAC:
Baashe Cali Jaamac wuxuu dalka ka dhoofay isagoo wiil yar ah, wuxuu shaqooyin waaweyn ka soo qabtay dalka sacuudiga, kuwaas oo uu dhaqaale farabadan ka helay, wuxuu dalka Soomaaliya dib ugu soo laabtay xiligii Beesha isaaq ay kacdoonka bilowday, isagoo ka soo degay Magaalada Berbera, Burco markuu marayey ayuu sheegay in beel qudha (ISAAQ) si gaar ah loo ugaadhsanayo oo laga gardaran yahay, wuxuu xoolihiisii ku lumiyey burburinta dagaalo qabiil oo Dawladii kacaanku degaamadaas ka abaabulaysay, wuxuu nabadgelyo raadin isu sii taagay Baligubadle oo SNM haysato, waxaa Dawladii Siyaad Barre amartay in la soo qabto ama la dilo, wuxuu ahaa ninkii ugu yaraa ee saxiixay warqadii maanafeestada ee Siyaad lagu tuuray, wuxuu Cabdiraxmaan Tuur ka diiday in Berbera si qabiilaysan loogu duulo, wuxuu qaybweyn ka qaatay nabadeyntii Somaliland gaar ahaan Gobolada barriga.
Baashe Cali Jaamac waa nin balaadhan oo hadduu Somaliweyn u tago sharaf ku leh, tolkii marna aan ka tegin, Puntlandna walaaltinimo iyo sharf u hayso.
Wasiir SALEEBAAN YUUSUF CALI:
Saleebaan ma laha taariikh macno leh oo Somaliland ka horeysay, marka laga yimaado Abaartii Dabadheer iyo Danwadaagihii, Saleebaan wuxuu ka mid ahaa ardaydii markii xaalada Soomaaliya xumaatay lagu guray Kuuliyadii tababarka saaraakiisha ee Jaalle Siyaad, kuwaas oo iyagoo aan si fiican loo tababarin loo soo qaadi jiray Gobolada Waqooyi si ay uga qayb qaataan cabudhinta shacabka iyo la dagaalanka SNM, wuxuu ka mid ahaa ragii doonayey inay Baashe Cali Jaamac ay Balligubadle ka soo qabtaan si xidig loo siiyo, qiyaastii 1997 ayuu Hargeysa ku soo noqday isagoo duruufaysan, Garaad Saleebaan ayaa Ina Cigaal ka codsaday inuu shaqo siiyo, taasoo keliftay in shaqadii lala doonayey mid ka weyn uu siiyo oo wasiir ka dhigo. isku soo duuboo Saleebaan meel Somaliland ka baxsan uma fura, si fiicana waa ugu liibaanay.
HADABA:
Saleebaan Yuusuf maaha kii Baashe la murmi lahaa ama Caayi lahaa, ee waxay ahayd inuu Buugaagta ka akhristo, inay isa soo gaadhaana waa guulihii iyo horumarkii Somaliland keentay Goboladda SSC.
BAL DAAWO CAYDII IYO AFLAGAADOOYINKII XUKUUMADA MUUSE KU GANTAY BAASHE
https://youtu.be/vE7UbrFuTWs

Latest News

  • Gud.Cirro Oo La War bixiyay Shirar Caalami ah oo uu kaga qaybgalay Dalka Sweden
  • Siyaasi Buubaa oo Ka hadlay Saamaynta Safarkii RW Itoobiya Ku yeelan karo Somaliland
  • Waxyaabaha Hor istaaga in ducada la aqbalo – Sh.Cabdiraxmaan Dheere
  • Xoghayaha Mujaahidiinta Somaliland Ayaa Ka Hadlay Xaaladda Waddanka
  • Abwaan Ku Dhiiri Galiyay Abwaanadda Dalka Ka Qayb Galka Nabadaynta Dalka

Latest Articles

  • MAALINTA CAALAMIGA AH EE QUDUS ( JUMCAHA UGU DANBEEYA RAMADAAN )
  • Waayahii daraad Jirey Maantuu ka daran yahay.
  • SOMALILAND MA WAXBAA U DHIMAN MISE WAXBAA KA SI’ AH. W.Q Liibaan Shaadiro Qaybtii Labaad
  • TAARIIKHDA DAWLADA SUCUUDIGA IYO QAABKII LOO AAS-AASAY WAX KA BARO. Qormadii 22` aad .
  • Xasuustayda Weedho Kooban Oo AHN.Maxamed Nuur Giriig Ka Yidhi Sahra Axmed Jaamac: Q.2aad…

head


All Rights Reserved | Copyright © 2005-2016 : Togdheer News Network | Powered by Horn Digital