unnamed
uha-web-banner-ad Togdheer News Network
logo
logo
head
dahab
<<< Click here to contact us or Send Email to: editor@togdheernews.com>>>
head
head

TAARIIKHDA DAWLADA SUCUUDIGA IYO QAABKII LOO AAS-AASAY WAX KA BARO. Qormadii 22` aad .

AMMIIR CABDIRAXMAAN FAYSAL
1307 illaa 1309 hijriyada oo ku beegan 1889 -1891miilaadiga
Intii aanay maamulkiisii kaba soo wareegin sannad iyo badh ayaa waxa ku kacay inamadii uu walaalkii Sucuud dhalay, ka dibna waxa uu ku dhawaaqay tanaasul isago oo u tanaasulaya walaalkii Cabdullaahi .
Mudadii uu Cabdullaahi xilka hayey si fiican ayuu ulla shaqaynaayey walaalkii ilaa uu ka geeriyooday Cabdullaahi 1307 hijriyada. Markii ay sidaasi dhacday waxa xilkii mar kale la wareegay Cabdiraxmaan oo marka kan ka fikrad wanaagsan , wixii markii hore laga aaminsanaa , isagoo shacbiyad badan kaga dhexhelay reer Aalla Sucuud tanaasulkii uu ka tanaasulay Ammiirnimada, taas oo uu ku helay kalsooni badan qoyska reer Aalla Sucuud isna waa ka f aaidaystay jaaniska oo mar kale ayuu xilka qabtay, waxaanu laheshiiyey dhamaan dhinacyadii ka soo horjeeday xukunkiisa. Markii uu arkay maxamed bnu Rashiid firfircoonida Cabduraxmaan waxa uu damcay inuu shirqool u maleego isaga oo adeegsanaayey nin la odhanjiray Saalim Sabahaan , ka dibna isku daygaasi waa fashilmay ninkiina waa laqabtay oo jeelka ayaa ladhigay markii ay sidaasi dhacday ayaa waxa ku soo biiray oo taageeray Cabduraxmaan dhawr tuulo, arrinkaasina waxa uu walwal ku riday maamulkii ibnu Rashiid waxaanu soo diray ciidan xoogan , waxaanu dagaal ku soo qaaday Riyaad Ammiir Cabduraxmaana waa ka fal celiyey dagaalkaas oo waa iska caabiyey in kasta oo labada dhinac midkoodna gaadhin guul haddana wada hadal iyo heshiis ayaa dhexmaray labada dhinac, halkaana waxa soo degegay shuruudo laysla gaadhay oo odhanaaya waa inuu maamulka bnu Rashiid dib ugu laabto gobolka Xaa`il Amiir Cabduraxmaana sii daayo Saalim Sabahaan, halkaana muddo ayaa heshiis lagu jiray aan cago adag ku taagnayn.

Muddo ka dib waxa uu khilaaf soo kala dhex galay dadkii deganaa gobolka Qasiim iyo maamulkii bnu Rashiid waxaana dhexmaray labada dhinac dagaal , dagaalkaasna waxa ku gacan sareeyey ciidamada bnu Rashiid.
Dadkii gobolka deganaa waxa ay warqad u qoreen Ammiir Cabduraxmaan oo ay ka codsanayeen in uu la soo gaadho ciido xoojin ah, nasiib daro se Cabduraxmaan waxa uu soo gaadhay xilli laga guulaystay dadkii deegaanka Qasiim . Markii uu arkay in aanu is hortaagi Karaynin ciidamada maamulka bnu Rashiid ayuu Riyaad ka cararay dhinaca Kuwayt halkaas oo ay qoyska reer Aalla Sabaax ku soo dhaweeyeen Cabduraxmaan.
Mar kale Turkigu waxa uu isku deyey inuu ka faa`idaysto khilaafka soo kala dhexgalay reer Aalla Rashiid iyo reer Aalla Sucuud , waxaanu u soo bandhigay Cabdiraxmaan unuu ciidan iyo huba siindoono Ammiir Cabdiraxmaan haddii uu diyaar u yahay inuu dib u qabsado maamulkii Riyaad, Ammiir cabdiraxmaana waa diiday arrinkaas . (wargalin akhristayaasha maqaalkan. Waxa insha Allah wiigan soo socda bilaabmi doona qaybtii ugu danbaysay ee dawlada Sucuudiga oo ah qaybta hadda maamusha Sucuudiga ee logu yeedho boqortooyada sucuudi arabiya iyo goortii lagu dhawaaqay magacaabo Boqortooyada iyo cidii ku dhawaaqday magaca Boqortooyo, dhammaan weedhaah iyo kuwo kalaba waxa aynu ku lafa guri doonaa insha Allah maqaaladeena soosocda Wabilaahi Tawfiiq)

Maantana halkaa ha inoo joogo Maqaalku . Lasoco qaybta 23aad maalinta khamiista ah ee fooda inagu soo haysa Insha Allahu tacaalaa. Qalinkii:Maxamed Muuse Cilmi Qoraa/Mutarjim Bariise_77@hotail.com/www.facebook/maxamedbariise

Latest News

  • Madaxweyne Farmaajo Oo Ku Baaqay In Deg Deg Loo Joojiyo Dagaalka Tukaraq
  • Xukuumada Somaliland Oo Booyado Biyo Ah Gaadhsiisay Deegaanada Xeebaha
  • Badhasaabka Gobolka Awdal Ayaa Tageeray Ciidanka Qaranka S/land
  • Marxuum Muxiyadiin Good Oo aas Qaran Loogu Sameeyey Magaaladda Hargeisa
  • Madaxwaynaha Somaliland Oo Kafaalo Qaaday Wiilkii Masiibadu Ku Dhacday

Latest Articles

  • SOMALILAND MA WAXBAA U DHIMAN MISE WAXBAA KA SI’ AH. W.Q Liibaan Shaadiro Qaybtii Labaad
  • TAARIIKHDA DAWLADA SUCUUDIGA IYO QAABKII LOO AAS-AASAY WAX KA BARO. Qormadii 22` aad .
  • Xasuustayda Weedho Kooban Oo AHN.Maxamed Nuur Giriig Ka Yidhi Sahra Axmed Jaamac: Q.2aad…
  • Muxuu yahay qorsha-hawleedka hayada Duulista iyo Madaarada Jamhuuriyada Somaliland??
  • Taariikh Nololeedkiisii: Godka Lagu JanneeHoygiisi Buu Cali Ibraahim Maxamed (Cali Sanyare) Tagee Duco Ku Sii Hooya.

head


All Rights Reserved | Copyright © 2005-2016 : Togdheer News Network | Powered by Horn Digital