unnamed
uha-web-banner-ad Togdheer News Network
logo
logo
head
dahab
<<< Click here to contact us or Send Email to: editor@togdheernews.com>>>
head
head

Maansadii “Addoon’nimo”.Waxa tiriyey Abwaan,Maxamed Shugri Jaamac.

​Runtii gabayaagu ama hal abuurku, inta badan waxa uu aragtidiisa ku cabiraa ,dad waynahana ugu soo gudbiyaa ,suugaan isaga oo markaasi tilmaamaaya dhaliil iyo qalooc markaasu u muuqday .

Abwaan Maxamed Shugri Jaamac, waxa uu maansadan kaga hadlayaa ,qiimaha uu Aadmigu leeyaay marka uu si sax ah u ogolaado Adoonimada Rabbigiis.

Waxa uu ku bilaabay:

Addoon’nimadu waa qiimuhu

Aadmi leeyahay’e.

Waa ujeedka noloshiisa gebi

Loo agaasimaye.

Waa abuurka nuxurkiisa bilan

Loo abqaalbidaye.

Waa idlaadka meeshay murtidu

Aabiyoow tahaye.

Waa xil aan nin oofsadey la arag

Lagana eegeyne!

Ninka ood ku tuuraa majeer

Lagu ekeeyaaye.

Hayeeshee ninkii aad u gaba

Umalku weeyaane.

Eber iyo madoorshay tixdani

Awra leedahaye.

Uubatada baxaysay rabtaa

Iney ajiibaane.

Asaagiin halkuu sahandey

Eega leedahaye.

Ambaqaad kalay dhawraysaa

Iney aflaxaane.

Istiqfaarka waxa laga helaa

Aawey faraweyne.

Ambiilbaa ka furan buu duliga

Eebe leeyahaye.

Orod iyo dedaalbay Hurrow

Oogso leedahaye.

Awaaraha ka toosbay Hurdaw

Kugu amreysaa.

Maansadan waxaa tiriyay,Abwaan Maxamed Shugri Jaamac.

Latest News

  • Madaxa dhaqameed ka Soo Jeeda Awdal Oo Gawaadhi ku Wareejiyay Xisbiga Wadani
  • Komishanka Oo Wax Ka Badel Ku Sameeyay Jadwalkii Ololaha Doorashada
  • Daawo: Isku soo bixii Taageerayaasha Xisbiga Wadani Burco
  • Madaxda Ciidanka Malatariga Somaliya Iyo Kuwa Amison oo Kulan Ay yeesheen kaga Hadlay Iskaashiga Labada Ciidan
  • Daawo: Xisbiga Wadani oo Isusoobixii ugu Baladhnaa Ka Dhigay Hargaysa.

Latest Articles

  • Wasiir Cali Marexaan Waxa ku Waajib ah,inuu Xaal Ka Bixiyo Arrintii Foosha Xumay
  • Muj Ahmed Mire oo tacsi u diraaya qoyskii iyo shicibka Somaliland ee uu ka baxay Marxuum C/raxmaan Maxamed Maxamuud Talyanle
  • Oromada Miyaa Laga Barakiciyay Somaliland Mise Dalkoodii Ayaa Lagu Ceshay?
  • Ma Dhabaa Inuu Muuse oo kaligii ah uu ka soo Dagay garoonka diyaarahada magaalada hargeysa +Cidna Soo dhaween Iyo Xogaha Duwaan W/Q faarax jaamac
  • Oromada iyo Soomaalida Qaad wax ka weyn ayaa ka dhexeyaa!

head


All Rights Reserved | Copyright © 2005-2016 : Togdheer News Network | Powered by Horn Digital