unnamed
uha-web-banner-ad Togdheer News Network
logo
logo
head
dahab
<<< Click here to contact us or Send Email to: editor@togdheernews.com>>>
head
head

Hal-xidhaale taban oo 3-xan ayey ku tahay Wasiirka maaliyada ,wasiirka ganacsiga iyo ganacsatada…Dr.khadar-Libaaxley.

Hal-xidhaale  taban  oo  3-xan  ayey  ku  tahay  Wasiirka  maaliyada ,wasiirka  ganacsiga  iyo  ganacsatada    sicir  bararka  maciishada  iyo  sarifka  lacagaha cirka  isku  sii  shareeraya !! Dr.khadar-Libaaxley.

 

 

 

Waxa   haatan   ummada   ku soo  duxoo   diiqdii  ka  gooyey

waxa   ducuuntay  duul  ganacsatoon   cidi   la  doodayne

Kuwaasaa   dalkii   ololiye   iyo   doolar   aan   dhicine

Dibada  iyo  gudaha   isku   xidhan   daakhil   iyo  guude

Dalbashada  afkana  faakisyaa   la  isku  dirayaaye

Doraad   waxaad   ogeyd   maanta  wey  sii  dalacayaanee

Deegaanka  lacagtiisiibaa   laga   diqoodaaye

Doolar  iyo  dirham   ayaa  fasaqay   amase   diinaare

Danyartiyo   dadkii   baadiyuhu  wey   dal-dalanyihiin.

 

 

Tuduc  ka  mid  ah  gabayga  darajo  ee  abwaan  Jamac  kadiye  cilmi.

 

 

Furmo  weydiimeed :

 

  1. maxaa sicir bararka   miciishada  la  quuto  iyo  sarifka   la  cagaha   sidii  dayaxka  gacmeed  maalinba  maalinta  ka  dambeysa  cirka  ku  sii  takhlan  oo   wixii  kor  u  kacaaba  soonoqod  aaney  lahayn ?!

 

  1. kulaylka iyo kadeedka  nololeed ee  bulshada    sabankan  kala  guurka  ku  soo  beegmay   miyaa   la  maareyn  kariwaayey  mise  waa  la  hagranayaa ?! mise  xeelad  dahsoon  oo  ishaaradu  qabatay  baa   jirta ?!.

 

  1. ma kuu muuqataa  in  wasiiradan  iyo  ganacsatadan  isku  habranayaan ? miyey  kuu  muuqataa  danta  musharaxiinta  kulmiye  inay  wadaan  mise  ummada  ayey   ku  dirayaan?!  waa  maxay   isku  furankani ?!.

 

 

XOG:

 

 

  1. Somaliland ganacsatada   ugu  badan  tirada  iyo  hayntaba  ee soo  dejiya  maciishad,  cuud  iyo  cusbaba  oo  lagu  daray  wasiirka  maaliyada  iyo  wasiirka  ganacsigu  intuba  waa  ( super  subeer  awal    rabi  ha  u  libin  laabo  oo  ha  koriyoo  ha  kobciyo  dhamaan  umada  reer  somaliland  insha’allah  ).

 

Ganacsatadani  waxa  ay  maamulaan  badi  ganacsiga  iyo  suuqyada  dalka  heer  uu  yahayba , haday  maciishada,  wiciyada  iyo  bagaashka  tahay, inta  diib  iyo  udug  la  ismariyo;  kuma  eeka  intan  oo  kaliya  waxa  kaalin  sheegiisa  leh  gacan  ku  haynta  ganacsiga  qaadka  ugu  badan  ee  dalka  lagu  cuno,  waxa  iyana  ku  sidkan  maamulka  guud  ee  ( sarifka  lacagaha  maxaliga  iyo  qalaad  isla  markaana  gooya  subaxii  la  joogaba  qiimaha  sarifka  marayo  oo  ku  sidkan  qiimaha  maciishada  nolosha  sii  qaaliyoobaysa    ee  ka  caagan  hoos  u  soo  noqoshada !!! ).

 

Waxan  oo  dhami  maaha  hadyad  u  gaara  ama  la  siiyey  ganacsatadan;  ( 90% waxa  ay  tahay  mihnad  Awal-Ayaanle  hawadooda  iyo  ruuxdoodaba  ay  raaciyeen,  weelka  ay  illaahay  la  hortageena   ku  xardheen  fikir , dadaal  iyo  tacab  loo  raaco  sida  geel  jiruhuba  geela  u  raaco !!)

 

 

 

  1. Jawaabaha weydiimaha  kor  ku  xusan  cida  ay  khusaysiyo  qofkastoo  akhristaan  u  daafayaa !! dulucdiyo  diirsimaadku   wuxu  yahay :

 

 

Ganacsatadani   waa   mujaahidiin   qarannimada  iyo  dhidibo  u  taaga  hanaanka  dawladnimo ,  waxa  ay  suuragaliyeen  qorshe  kasta  oo  iyaga  la’aantood  dawladnimada  somaliland  aaney  ku  socoteen !!  waxa  ay  kala  soo   dabaasheen  baxar-baxuur , duruufo  qalafsanaa   oo  dawladnimadu  ( mujo  iyo  wax  xalay  dhashay  oo  kale  aheyd  ayey  naaska  ku  duween  oo  ay  soo  habeen  illaa   iyo  heerkan  maanta  la  joogo,  mahada  kowaad  rabi  baa  leh  ta  xigtana  ganacsadan  ugu  dambeyna  shacbiga  reer  somaliland )  kuwani  waa  qayb  ka  mid  ah  dadaal  sharafeedyada  diwaanka ,  looxa  iyo  laabaha  ummada  ugu  sajilan  oo  keyd   iyo  abaal  dhig  u  ah ).

 

  1. Hayeeshee Tallo   aduun   subaxba  tii  la  joogo  ayaa  laxawgeeda  iyo  wacyigeeda  gardaadinaysa ;  xaalka  maanta  dadweynuhu  ku  suganyahay  mii  iyo  magaalaba , sicir  bararka,  maciishad  bararaka , sarif  bararka,  wakhtiga  kala  guurka  ee  lagu  jiro,  duruufaha  siyaasiga  ah  ee  dhoolkoodu  ina  dul  hoganayo  intaba  idinka  iyo  ummaduba  wey  ka  dharagsantahay  farajna   cindigay  ku  hayaan  iyo  in  culaysku  ka  faydmo !!  kaalinta  doorka  la  wada  sugayaayi  waa  kii  wanaagsanaa  ee  horayba  la  idiinku  yiqiin.

 

 

Gunaanad :

 

Cisiga  mansabka  iyo  maalkaba  rabi  baa  bixiya  had  ba  cida  uu  u garto  in  ay   hanan  karto   ayuu  ku  dul   furaa  ayaamuhuna  wey  isdaba  meerayaan  waase  imtixaan  iyo  isku  eegis  bal  in  lala  ambado  iyo  in  sida  ay  tahay  looga  soo  baxo;  maanta  illaahay  wuxu  eegayaa !! bulshada  wadankuna  eegaysaa !!  bal  sida  xaaladan  aan  kor  iyo  dhexba  ku  soo  xusay  ay  uga  dabaaliyaan  bulshada  wasiiradan  iyo  ganacsatadan  kor  ku   xusan  ee  isku   ( blood  line  ka  ah ).

 

Ma’aha  xilligan   kala  guurka  siyaasiga  ah  in  ay  noqoto  kala  guur  dabaqado  nololeed  oo  horleh.

 

Xaalada  lagu  jiraayi  waxa  ay  si  toosa  iyo  dad-ban  intaba  saameyn  buuxda  ugu  yeelan  kartaa  xisbul   xaakimka   markale  raba  in  uu  soo   laba  kacleeyo!!

 

Ma  isleedahay  dadka  xaalada  jirta  la  dheel-dheeliyaaya  hoosna  u  dareensan  in  xaaladani  ay   aheyd  in  dawladu  wax  ka  qabato  in  ku  hiranayaan  in  bulshadu  u  godlato  markale?!!.

 

 

 

 

Dr.khadar -Libaaxley

dr.khadar05@gmail.com

gargorey4@gmail.com

Regional political analysts

 

Latest News

  • Barmaamij Ku Saabsan Doorka Muslimiinta Marykanka Ku Nool Iyo Arimo Kale
  • Ka Digista Fidnada – Sh Cabdilaahi Barbaraawi
  • Siyaasi Dhoola yare Oo Ka Hadlay Hadallo Ka Soo Yeedhay Taliyayaasha Ciidamada
  • Beelihii Ku Diriray Degaanka Ceelafweyn Oo Kala Qaatay Diyaddii Dadkii Ay Kala Dileen
  • Siyaasiyiin Iyo Odayaal Fariin Culus u Diray Guddiga Doorashooyinka Iyo Xukuumada

Latest Articles

  • Codbixiyeyaal Kala Fog. WQ: Cabdishakuur Xaaji Muxumed (Heersare).
  • Yaa ka danbeeyay Baaqii dhagaraysnaa ee Balfour? Taageerayaashii iyo asaasayaashii waddanka yuhuuda. Maxamed Ibrahim Saleban
  • Samaale ma wuxuu noqday ninkii daadka ka reebay ninka ay colka yihiin?..WQ Suxufi Maxamed Siciid (Xarrago)
  • Cugasho:Maanso Cusub Oo Tiriyay..Ismaaciil Qorsheel.
  • Toban Qodob oo ku saabsan Columbia iyo One Young World 2017;

head


All Rights Reserved | Copyright © 2005-2016 : Togdheer News Network | Powered by Horn Digital