unnamed
uha-web-banner-ad Togdheer News Network
logo
logo
head
dahab
<<< Click here to contact us or Send Email to: editor@togdheernews.com>>>
head
head

Heshiiskii Khaatumo Iyo Soomaaliland halkee ku danbeeyey

Waxaa Laba Week ka hor Heshiis gaadhey Xukuumadda Soomaaliland iyo khaatumo Heshiiskaasi oo aan hore u sheegey in uu ahaa mid u dhexeeya laba Group oo ay kala hogaaminayeen Dr Cali Khaliif iyo Garabka kale oo uu hogaaminayo Maxamed Kaahin. labadan Group oo aan meteli karin Heshiis aaney u dhammeyn Soomaaliland ayaa waxa durba soo kala dhex galey Khilaaf ka dib markii Shaley garabka Maxamed  Kaahin ku dhawaaqey in ay dib u dhigeen Shir lagu ballan sanaa Magaalada Burco Bishan July tobankeeda. Hadalkaasi oo ka cadheysiiyey Garabkii Cali Khaliif Galeydh oo Maanta oo taariikhdu tahey 05-07-2017  Ganafka ku dhuftey hadalka ka soo yeedhay Group ka Maxamed Kaahin,sheegeyna in aan waxba ka jirin Shirkana dib loo dhigi karin. go, aankana Cid gooni ahi qaadan karin.
Haddaba sidii aan qoraalkeygii hore ku xusey haddii la rabo in heshiis laga gaadho Gobolada bariga  Soomaaliland waa in
1:Beelaha Bariga Soomaaliland(Warsangeli+Dhulbahante) u dhammaadaan Wadahalka.
2:Waa in Heshiiska ay qeyb qaataan Garaadada,Salaaddiinta iyo Cuqaasha Beelaha barigu,
3:waa in Siyaasiyiinta khaatumo iyo dhiggooda aamminsanaa soomaaliland ba isla qaataan heshiiska.
Dhinaca Soomaaliland
1:waa in ay Dhardhaarrada(Guurtida, Parliament  iyo Xisbiyada) siyaadda Soomaaliland qeyb ka ahaadaan Heshiiska.
2:waa in Madax-dhaqameedka Isaaq qeyb ka ahaado heshiiska.
3:waa in Madax-dhaqaameedka kale ee Beelaha Soomaaliland qeyb ka ahaadaan Heshiiska.
4:Waa in Madaxweynaha Qaranku Qeyb ka ahaado heshiiska.
Gebo-gebadii Soomaaliland waxa lagu heli karaa Talo la wada leeyahey. Koox gaar ahina ma goyn karto Masiirka Ummadda reer Soomaaliland
Ibrahim Deria
London:UK

Latest News

  • Daawo : Daawo: Ururka Suxufiyiinta SOLJA Oo Soo Bandhitay Wargeysyadii Dalka Ka Soo Bixi JIray Sagaashameeyadii
  • Daawo: Mashruuc Lagaga Gaashaamanayo Abaaraha Soo Noqnoqda Ayaa Laga Furay Burco
  • Daawo : Qaar Ka Mid Ah Madaxdhaqameedka Iyo Waxgaradka Oo Baaq Nabadeed U Diray Bulsshada Deegaanka Dararwey
  • Daawo: Badhasaab Ku Xigeenka Gobolka Sanaag Oo Ka Warbixiyay Xaaladda Degaanka Dararweyne
  • Daawo : Muddaharaad Balaadhan oo Ka dhacay Degmada Wadaamago ee Gobolka Saraar

Latest Articles

  • Haddii Calafku Kugu Dhaco u Badalo Midho Macaan…”Sheeko Gaaban:- Saddexdii Beerwale.
  • Baaq Nabadeed ,Colaada Ceelawayn…Aqoonyahan Ahmed jaamac saalax
  • Jaalliyadda ku dhaqan dalka Netherlands waxay tacsi tiiranyo leh u dirayaan
  • Waa Maanso la magac baxday KU-TUNTUUNSO,waxaa tiriyey Abwaan YuusuF Roobleh Xirsi (Sandoon)
  • Maxay kaadhka ku qaataan maba ay qadayne. Q1aad Qalinkii Cabdi Caawiye

head


All Rights Reserved | Copyright © 2005-2016 : Togdheer News Network | Powered by Horn Digital