unnamed
uha-web-banner-ad Togdheer News Network
logo
logo
head
dahab
<<< Click here to contact us or Send Email to: editor@togdheernews.com>>>
head
head

axaabistaydii Iyo Tacaddigii Aan Arkay (20kii Ogos 2016ka illaa 15kii Nofember

Inkasta oo dhawr jeer lagu noqday Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka oo waraaqaha eeddayda soo gudbisayay, haddana wax caddayn ah looma helin wanjalka la ii xambaariyay. Sidaas awgeed waxa ay oogista dacwaddaydu dib u dhacday illaa saddex cisho, halkii maxkamadda la iga geyn lahaa Sabtida, waxa la i celiyay maalin Salaasa ah, 30kii Ogos 2016ka.

Garsoore Yaxye ayaa aan ku idhi “Horta yaan u xidhanahay?”. “Waxa sheegi doonta xeer-ilaalinta” ayaa uu yidhi. Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Maroodijeex Axmed Dalmar Ismaaciil oo xafiiskiisa meel ka baxsan dad kula hadlayay ayaa noo soo galay kolkii uu na arkay. Bariido kaddib waxa uu yidhi “Haddii aad galkiisa berri keeni weydaan waa aan sii deynayaa. Soo celiya berri (Arbaca) haddii Eebbe idmo”. “Waa hagaag” ayaa uu dembi-baadhihi yidhi. Maalintaas waxa ay bahda garsoorku ku canaanteen ciidanka booliska in si sharci-darro ah la ii soo xidhay, sidaas awgeedna loo baahan yahay in dhakhso looga gun-gaadho baadhitaanka igu socda. Iyada oo aan waxba soo kordhin ayaa maalintaasna dib la ii qaaday, waxaana la igu celiyay xaruntii ciidanka dembi-baadhista.

Laba cisho kaddib oo ahayd 02dii Sebtember 2016ka, maalin Khamiis ah ayaa mar saddexaad la i geeyay Maxkamadda, waxaana xafiiska heegan ku ahaa ahaa Garsoore Yaxye Xuseen Cali. Waxa maxkamadda la tusay gal-dacwadeedkaygii. Maalintaas waxa madasha goobjoog ka ahaa walaashay Farduus Maxamuud Gahayr oo ah xeel-dheere sharciga ka baratay Jaamacadda Hargeysa, Garyaqaan Guuleed Dafac Guddoomiyaha Xarunta xuquuqal-insaanka iyo mudan kale.

Waxa ay Garsoore Yaxye weydiiyeen in aan dammaanad leeyahay iyo in kale, waxaanu faray in ay codsi keenaan. Kolkii codsiga la gudbiyay waxa yeelmadiisa iyo diidmadiisaba loo leexiyay Guddoomiye Axmed Dalmar Ismaaciil oo aan aroornimadaas xafiiska imannin. Waxa loo ballamay in dammaanadda la ambaqaado maalinta Sabtida ee 4ta Sebtember 2016ka, haddii Eebbe qaddaro.

Nasiib-darro, isla aroornimadaas ayaa ay geeriyootay gabadh ay walaalo yihiin Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex, waxaanu fasax u galay tacsida. Sidaas awgeed ayaannaan guddoomiyaha wax warcelin ah uga helin. Markii lala xidhiidhay masuuliyiinta Maxkamadda Gobolka Maroodijeex iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaankana waxa ay qeexeen in aan dammaanad la igu sii deyn karin, iyaga oo ku sababeeyay qodobka aan ku eedaysanahay oo ahaa 321.

Qodobkan nuxurkiisu waa in in fagaare lagala hadlo bulshada si loo kiciyo, looguna guubaabiyo in aan loo hoggaansamin xeerka dalka. Waa mid salkiisu yahay nabad-gelyo-darro. Waxa kale oo aan ku eedaysnaa qodob kale oo tirsigiisu yahay 328, kaas oo ujeeddadiisu tahay daabacaadda warar been-abuur ah oo la buunbuuniyay. Kolkii aan taas ogaadayna waxa aan u fahmay inay yihiin kuwo la igula soo ambaday, waayo wax xasilloonida waxyeello u geysan kara marna faraha ma gelin, kamana qayb qaadan, sidoo kalena been-abuur ma baahinnin. Intaas kaddibna waxa aanu go’aansannay in dhegaysiga maxkamaddu bilaabmo, isla markaana aannaan mar dambe isku deyin in dammaanad la igu sii daayo.

Lama yaabin in la i xidho, laakiin waxa dhakafaar igu riday in la garan waayo cidda aan u xidhnahay. Cid kasta oo loo tuhmayayay xadhiggaygu waa ay dafirtay “Wallaahi in aanan waxba ka ogeyn. Aniga iima xidhna. Ma garanayo cidda xidhatay” ayaa lagu kala baydhi waayay. Illaa saddex qof oo siyaabo kala duwan ula kulmay Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada, waxa uu u sheegay in uu bari ka yahay shirqoolkayga.

Lama tirin karo dadka u tegay maamulaha madaarka ee fara-madhnaanta la soo noqday. Dad uu uga dhaartay xadhiggayga laba jeer ayaa xashka tegay, waxa ay soo noqdeen isaga oo maxkamadda ka leh “aniga ayaa xidhay”. Alleylehe waxa ugu wanaagsanaa Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland oo qiray in uu lahaa amarka la igu xidhay, taasna waxa uu ku sababeeyay inuu codsi uga yimi Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland.

Marka aad ogtahay cidda keentay qoraallada eedda, isla markaana ku hawllanayd xadhiggaaga ee aan haddana wax bog iyo baabbaco lihi soo marsiin karin xumaatada uu qaybta ama hormoodka ka yahay, waa aad xanaaqaysaa. Mar haddii aad xidhan tahayna, waa gar in aad afkaaga ku ciil-baxdaa. Gabaygani waxa uu ka mid yahay kuwii aan ku dhaliilay dadkii ilkahoodu dhiigga lahaayeen ee xariirta iska dhigayay. Nin ayaan kol u baanayaa, wixii aanu kala ahayn weligeedna waan sheegayaa.

Waxa uu yidhi:
Xurmo ruuxli wuu kala yaqaan, xaajo nololeede
Xilkaskaa ka dhawrsada wax aan, xeerka qabanayne
Xajiimaha sokeeyaan nin ragi, xaasha doorbidine
X
aaraamiyiin baa haddeer, xaashi soo qoraye
Xuladkiyo dabkuu oogay baa, xaaladdaa dhigaye
Intuu dhaafay xeyndaabka guud, xiisad igu oogye
Xabbaddaa ka fiicnayd waxay, xarunta geeyeene!

Xadhiggaygu Dooddow wallee, xeerka wuu geliye
Xiddigiisu goortuu dhacaan, xoog u helayaaye
Xuurtoon la yaabiyo kol buu, xiiq wajahayaaye
Kuman Xaaji way soo ergoon, xaw anoon jarine
Haddii uu xareed fuuqsadoo, xoorna lagu sooro
Intuu xaabna waayuu dhawaan, xaasid murugoone

Xantoobiyo hadday leexsadeen, xoolihiyo maalka
Waxan fili xisaab lagu tigtigo, xaabsi kii falaye
Xarraggada masuulnimo kobtaa, lagu xannaaneeyay
Inta laga xayuubshuu waqii, xaalad-waa noqone

Xasuusaha tafiirtiyo haddaan, xagasha daymoodo
Doqonniimo waa lagu xantaa, xaafadduu yahaye
Xilligiyo wakhtiga meerayiyo, xaalku maad curiye
Xaaxeeyo ila loollantaa, xaadir loo yahaye
Haddii aan xasuusaha furfuro, waa xaqiiq qorane
Xilligay Daraawiishta iyo, boobki lagu xaaqmay
Xiniinyii Warfaa uu lahaa, waa xus ii dhogane
Xabaal buu ka doorbiday inay, cidi xabaadhaaye

Xinjiraha colaadeed markii, laysku xagaf-siiyay
Xushmad buu Gahayr loogu qiray, xeeladduu degaye
Xubin iyo aftahannimo dhankiyo, maanso xarafkeeda
Xikmad-hadalka waa looga hadhay, xaasha baanaha’e
Maxamuud xaqiiqdii shacbigu, wuu xurmayn jiraye

Anigoon xabaal tegin ma geyo, xaalad quudhsiya’e
Xabsi baad lib mooddee hadday, xaw-jar ila gaadho
Xajiintiyo dhibaatada jirtaba, waan xammilayaaye
Xasillooni uma seexdo kaan, xaabi leeyahaye

Xerkeg iyo haddaad tahay nimaan, xeeri garanaynnin
Xadhig-maran kolkaan kugu noqdaad, xaaduqow cabanne
Bal xafiilka ruuxii lib hela, xoonku waa marage
Sida xaabo ruuxii noqdiyo, xooggu nimu raaco
Alleylehe xasaradaha mar baa, xaadir leeyahaye
Xejisaan ku leeyahay adaa, xiisaddaa rabaye!

Waxyaabaha niyadda ii ragcay waxa ka mid ahaa baaqyadii ay soo saareen WADDANI, UCID, Xarunta Xuquuqal-insaanka, Ururka qareennada Somaliland, Ururka Saxaafadda ee SECJA, qalinleyla, hal-abuurka, dhallinyarada, qurbe-joogga iyo guud ahaan bulshada Somaliland. “Xadhigga rag ayaa loo sameeyayay. Wax aan magac ahayn kama aad qaadin. Intii aan hore kuu aqoonnin oo dhan ayaa ku bartay. Warkaagu waa ka ugu saamaynta badan ee saxaafadda iyo baraha bulshada lagu hadal hayo. Meel kasta waxa yaalla sawirkaaga oo ummaddii ayaa kuu doodaysa. Mar ay ahaataba waad soo bixi doontaa. Iska samir, ragannimada iyo calool-adaygga ha ka tanaasulin” ayaa ka mid ahaa weedhihii la iigu laab-qaboojin jiray waayadii aan gudaha ku jiray.

 

La soco qaybta shanaad haddii Eebbe idmo

Show original message

Latest News

  • Ninkii ka Dambeeyey Qarraxyadii Daaraha Ganacsiga Maraykanka oo Waraaq u Diray Madaxweyne Obama
  • Aqoontu Ganacsiga iyo Guusha Shardi uma aha: Ninka ugu Taajirsan Shiinuhu Waxbarashada wuu ka Saaqiday
  • Aqoonyahank Reer Somaliland Ee Dalka Hindiya Wax Kusoo Bartey Iyo Kulankii Xiisaha Lahaa Ee Dr Bulxan
  • Af-hayeenka Kulmiye Oo Si Adag u Duray Gudoomiyaha Xisbiga UCID.
  • Hogaamiyaha Xisbiga Wadani Oo Ka Hadlay Khatarta ku Hoosjirta Saldhiga Malatari Ee Imaaradku Ka Doonayo Berbera

Latest Articles

  • Faallo: Waraysigii Af-hayeenka Al-Shabaab Maxaa Iiga Baxay? Qalinkii: Cabdishakuur Heersare
  • Dadku waxa ay amanaan Libaaxa ,waxa ay cayaan Eeyga,iyamaa waxtarleh
  • Burco shalay maanta iyo barri
  • Dawlad fiican waxaa yeesha , dadka iyagu fiican
  • Deegaanno Badan Oo Ka Kala Tirsan Gobolladda Daad-madheedh, Tog-dheer iyo Saaxil Oo Ay Ka Taagan Tahay Xaalad Ba’an Oo Ay Sababta Abaarta Ka Jirta Dalk

head


All Rights Reserved | Copyright © 2005-2016 : Togdheer News Network | Powered by Horn Digital