unnamed
uha-web-banner-ad Togdheer News Network
logo
logo
head
dahab
<<< Click here to contact us or Send Email to: editor@togdheernews.com>>>
head
head

Kanaa Dhergey Kana Dhaansaday Weeye Xaaladu Maanta W/Q:Maxamed Cabdi Sooyaan

Bani,adamku meel uu ku sugan yahayba intuu nool yahay alle wuxuu qoray
wixi uu cuni lahaa ama cabi lahaaba waana maqaadiir hore alle u
dejiyay ama jangooyay .waana laga dhamaysanayaa adeegyada alle ugu
talo galo aduunyada inay bani,adamku ka helaan..somalidu waa dadyowga
ku cabira afkooda hooyo hadba marxalada ay joogaan waana ay ku
cabireen xaga calaf calooleedka iyo calaf oo dhanba suugaanta waxaana
aynu soo qaadani tix ka mid ah gabayada somalida oo odhanaysa:
Bad kaluun kujira kulay ku tahay amaba koob shaah ah
Nin waliba wixii loo katibay waa la kulansiin….
Markay sidaasi tahay xaqiiqda dhabta ahi maanta soomaalidu waxay u
haystaan in aduunyada nin waliba wuxuu jeebada gashado ay tahay
dheeftiisii aduunyo isagoo aan u kala saarayn ma xalaal baa mise waa
xaaraan alle fogeeyay…
Waxaa layaab ah in maanta loo beratamayo se busiimo dhinacyo walba oo
aduunyada jira ah sida mid hantiyeed iyo mid kaleba,maanta dad badan
oo dawlada shaqo ka helay oo ay ahayd inay dadka u adeegaan kana
metelaan waxay ku sugan yihiin ayaa ay ku soo uruurtay shaqoodii
arimahan hoos ku qoran
1.    inuu xoolo iyo lacag uruursado
2.    in caruurtiisu caruuraha kale ka sareeyaan xaga nolol ahaan
3.    inuu magac wayn yeesho
4.    inuu yeesho dad badan oo isaga u wado xaadha arin walba oo uu
gacanta kula jiro noocuu doonoba ha ahaado waxaa loo yaqaan dadka
noocaas ah (Guul –wadeyaal)
5.    inuu damaashaad iyo dal xiisyo ku kala baahiyo dunida oo dhan
6.    inuu uur dedan iyo afdaacad ah meelahaasi la taagnaado
waxaa maalin walba gaajo iyo macaluul ,beerka iyo boga useexda dad
badan, waxaana dhacda in hudheelada qaaliga ah rag ay maalin walba
kaga kacaan lacag aad u xad dhaaf ah..welibana laga kaco cuntadii ooo
weli tala iyadoo aan weli is bedelin.
xaqiiq jirta ayaa ah in dad badan oo dakoodii gaajoonayaan oo ay
ubaahan yihiin cid maalintaasi bariiska ka bixisa aanay u diir naxayn
kana fekerayn quudinta dadka ay qaraabada yihiin ..
maanta masuuliyada umada waxa gacanta ku haya masuuliyiintooda dawlada
oo loo igmaday in dadka cadaalad usameeyaan dhinacyada baahiyah a
nolosha ha ahaato
1.    nabad gelyada deegaanka iyo dadkaba alle ka sokadii
2.    cunto iyo biyo
3.    caafimaad
4.    waxbarsho
ninka maanta aan udirnaxayn dadkiisa abaaraysan ,dadkiisa
gaajaysan,dadkiisa aan haysan baahiyaha nolosha kuwooda muhiimka ah
sida waxbarashada, yaanu moodin in alle u wayay dadkasi balse waxa
lagu tijaabinayaa ka alle nimcada siiyay..
ogobay ninkii shalay aan camalka hayn maalinta xafiis dawladeed la
fadhiisiyo ayuu is cajebinayaa noloshana u qaadanayaa inay tahay in la
helo shaqo dadkana aan loo tudhin , mana aha fikir wanaagsan oo laga
dhaxlay dadkii wanaagsanaa ee umada Nebi Mxamed S.C.W u ahaa
taariikhda..
hadal waxaa u khayr badan kiisa yar ee ku tusiya ujeedada khayrkana
kugu haga ,waxaana ujeedadu tahay in aan aduunyada la isku iloobin oo
aan lagu dagsoomin ..dadka xoolaha umada iyo masaakinta ku
raxaysanayaana inay iska daayaan dhaqankaasi xun oo anay ku faanin
hanti aanu shalay haysan markii u helay uuna wayay cid xisaabisa
markuu soo galay shaqada dawlada iyo markuu ka tegayayba..
W/Q:Maxamed Cabdi Sooyaan
Email:Msoyan6@gmail.com

Latest News

  • Barmaamij Su,aalo Iyo Jawaabo Diini ah Oo La Waydiinay Sh.Berberaawi.
  • Qaybo Ka Mida Taariikh Nololeedkii Marxuun Axmed Yaasiin Gabay Xaddi Oo Boobe Ka Hadlay
  • Gudoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti Ayaa Gaadhay Magaalada Muqdisho
  • Musharraxii M/ Ku Xigeen Ee Xisbiga Waddani Oo Hambalyeeyay Taageerayaashii Isbedel Doonka
  • Alle Haw Naxariistee Marxuun Axmed Yaasiin Gabay Xaddi Oo Aas Qaran Loogu Sameeyay Magaalada Hargaysa

Latest Articles

  • Maansada ..Ahmed M. Adam (Doob baje) Toronto, Canada
  • Dallada SSE oo Dhambaal Hambalyo ah u Direysa Madaxweynaha la Doortey
  • Dallada SSE oo Dareen Taban ka Muujisey Shaqaaqada Ka Dhacdey Magaalooyinka Hargeysa iyo Burco
  • Codbixiyeyaal Kala Fog. WQ: Cabdishakuur Xaaji Muxumed (Heersare).
  • Yaa ka danbeeyay Baaqii dhagaraysnaa ee Balfour? Taageerayaashii iyo asaasayaashii waddanka yuhuuda. Maxamed Ibrahim Saleban

head


All Rights Reserved | Copyright © 2005-2016 : Togdheer News Network | Powered by Horn Digital