unnamed
uha-web-banner-ad Togdheer News Network
logo
logo
head
dahab
<<< Click here to contact us or Send Email to: editor@togdheernews.com>>>
head
head

Xuluusha 3 xal oo xakame u ah nafada sicir bararka , maciishada iyo sarifka dollarka ooda jabiyey!! Dr.khadar-Libaaley.

Xuluusha   3 xal  oo  xakame  u  ah  nafada  sicir  bararka , maciishada  iyo  sarifka  dollarka  ooda  jabiyey!! sharcigaan  xeel  iyo  awood  laheyn  meelna  tagi  waa!! Dr.khadar-Libaaley.

 

 

Ganacsiga   iyo  ganacsatadu  sida  roobku  u  doojiyo  deegaan  dhimatay  ayey  qurux , ill-waadsan   iyo  foof  duunyo  u   yihiin   dawlad  iyo  dad  intaba;  markale  dakhliga  cashuuraha  ka  soo  xarooda  maal-duunyaha  laga  guro  ganacsatada  ayaa  sal  u  ah  taayirka  wareejiya  mishiinka  maamulka  dawlad  kasta  oo  ka  talisa  dunida  guudkeeda.

 

Roobabka   qaar  baa  wata  gufaacooyin  dabaylo,  danab  iyo  duufaano  dad  iyo  duunyaba  u  daran;  tu  lamid  ah  waa  ganacsatada  qaar  kuwa  kalifa  in  ay  isku  wada  daba  daydaan  ee   tuuraha  ugu  taagan  in  ay  ka  dheefaan  dheeraad   dhiiga  maatida  shacabka  danyarta  ah  ee   tabaalaha  wakhtiga  tacalus  iyo  abaaruhu  ku  tiigaaleen.

 

Ganacsadaasi  dheef  kor  dheeraad  doonka  ah  ayaa  had  iyo  jeer  faraha  hore  ugu  taagan  si   aan  kama’  aheyn  oo  kas  ah  dab  iyo  gaas  ku  furida  kor  u  kaca  ascaarta  maciisha  la  calafsado  iyo  kordhinta  qiimaha  sarifka  lacagaha  qalaad  ee  doolar  ku  calanka  u  sido .

 

Kas  iyo  badheedhe  ayey  uga  dhaga  adeygeen  fulinta  digreetadii  madaxweynuhu  qalinka  ku  duugay  iyo  u  hogaansanaanta  sharciyada  dalka!! ( tani  waa  walaf  ay  ku  walfeen  jaqida  dheefkorka  dhiiga  dadweynaha  diiftu  ka  muuqato  oo  qaxar , rafaad  iyo  dhib  horseedi  kara  iyo  abuuranka  dabaqado  nololeed  oo  aad u  kala   sareeya.

 

Waxa  jira ( ciidan  qaran, macalimiin  iyo  shaqaale  dawladeed  oo  dakhliga  mushaareedka  soogala  qeymadiisu  dhantahey  $100   bishii  oo  badankoodu  leeyihiin  xaasas  iyo  caruuro  badan , xidid  ,xigaal  iyo  marti,  oo  waliba  laga  rabo  kharashaadka  nolol  maalmeed  ay  dheertahey   kiro  guri, tarbiyad  ubad  iyo  kharashka  tacliintooda!!  waraabuhu  halkuu  xerada  uga  dhacay  habeen  horuu  u  sahantahey!!

 

  1. hadaan dhiig-miiratada talaabo  cad  laga  qaadin  sideebay  shaqaale  weynaha  dawlada  iyo  shicibkaba  noloshooda  u  maareyn  karayaan   mushaarkoodu  yahey $100???!

 

  1. ganacsatada walaftay ma  kaalmadii  ay  abaaraha   ka  geysanayeen  ayey  isleeyihiin  dawlada  waad   iska  seexiseene  dadka  u  dhaafa??!

 

 

 

Xuluusha   3 xal  oo  xakame  u  ah  nafada  sicir  bararka , maciishada  iyo  sarifka  dollarka  ooda  jabiyey!! sharcigaan  xeel  iyo  awood  laheyn  meelna  tagi  waa!!

 

 

  1. wasaarada ganacsigu  ha  xadeyso  qiimayaasha  badeecadaha  ganacsi  ee  dadweynuhu  iibsanayaan  sida  ay  u  xadeeyeen  qiimaha  maciishadaha  wadamada  dariska  iyo  duniduba;  iyada  oo  wasaaradan  iyo  rugta  ganacsigu  iska  kaashanaya  xog  ogaalka   qiimayaasha  badeecadaha  dibada  lagaga  soo  iibsado  si  go’aan  maangal  ah  ay  ku  xadeeyaan   qiimaha  lagu   iibsanayo  nooc  kasta  oo  badeecadaha  dalka  gudihiisa  lagu  iibiyo  ah;  go’aan  wada  dhawraya  ganacsatada  iyo  dadweynaha  iyo  waliba   xornimada  suuqa  ganacsiga.

 

  1. dawladu ha  abuurto  nidaam  ganacsi  oo  ku  meel   gaadh  ah  oo  dawladu   leedahey  si  loo  xakameeyo  sicir  bararka  badeecadaha  iyadoon  lagu  xadgud beyn  xornimada  ganacsiga  iyo  ganacsatada  islamarkaana  u  daneynaya  dadweynaha  ay  masuulka  ka  tahey  dawladu.

 

  1. wasaarada maaliyada  , bangiga  dhexe  iyo  wasaaradaha  ay  khuseyso   ha  abuuraan  nidaam  sarif  lacageed;  abuurida  xarumo  goboladoo  dhan  laga  yagleelo  oo  lagu  sarifo  lacagta  doolarka  dawlada  soo  gala  oo  hawl-wadeen  looga  dhigo  cutubyo  isku  dhaf   ah  ciidamada  turubataariyada, ciidanka  nabadgalyada  iyo  ciidanka  dharcada  kuwaasi  oo  xarumaha  ku  sarifaya  doolarka  dawlada  soo  gala;  si  loo  xakameeyo  suuqa  sarifka  doolarka  iyo  suuqa  madow  intaba  iyadoo  loo  daneynayo  dadweynaha  lana  fulinaayo  qiimihii  horey  dikreetada  ugu  soo  baxey,  islamarkaana  lagu  xadgudbeyn  xornimada  ganacsiga.

 

 

 

Gabagabo:-

 

U  hogaansanaan  la’aanta  sharciga  iyo  nidaamka  dawliga  ah  waa  dawlad  la’aan  iyo   dad  qalatonimo;  ganacsiga   dalku  waa  xor  sida  dastuurku  dhigayo  balse  xornimadu  hadey  xakame  xeelaysan  weydo  waa   darjiidh  iyo  ninba  siduu  doono  ha  yeelo;  si  noloshu  suuragal  lagu  nagaado  u  nuqoto  dawladu  ill   aan  libiqsaneyn   ha  u  la  haato  duufaanada  iyo  dabeylaha   dadweynaha  maraya  midabkooda.

Kalsooni  buuxda  ayaan  ku  qabaa  in  aaney  dawladu  dayaceyn  dadweynaheeda  daafaha  kala  jira;  xaalkuna  noqoneyn  miskiin  baa  misko  la  fuulo  leh.

 

Wadamo  badan  ayaa  illaa  maanta    ku  caano  maaley  hal-abuurkan  madax-jabinta   ku  ah  sicir  bararka  maciishada  iyo   sarifka  lacagaha  qalaad  ee  xadhkaha  goostay

Dulucduna  waxay   tahey  si   ay  ula   baxsadaan  shucuubtooda  ay  ku  xadgud  bayaan   ganacsatada  macaashka  dheeraadka  ah  ku  mamay.

 

Fikirkan  iyo   tallooyinkan  kor  ku  xusan  oo  ay  dawladu  hirgaliso  dhamaan  ama   waxkamid  ah  iyadoo  raacaysa  hanaanka  maamul   wanaaga , dhawrista  xuquuqda  muwaadiniinta  iyo  hirgalinta  sharciga  dalka  ee  ay  ummada  reer  somaliland  masuulka  uga tahey    waa  hubaal  in  dawlada,  dadka  iyo  dalkuba  wada   guuleysanayaan.

 

 

 

 

 

 

Dr.khadar-Libaaxley

Dr.khadar05@gmail.com

gargorey4@gmail.com

Latest News

  • Daawo:Burco Dugsiga SMART Ayaa Abaalmarino Guddoonsiiyay Ardaydii Kaalmaha Hore Ka Galay Imtixaankii Shahaadiga
  • Daawo:Taageerayaal Cusub Oo Ku Biiray Xisbiga waddani ee magalada Burco
  • Daawo:Guddida Doorashooyinka Ayaa Kulan La Qaatay Warbaahinta Dalka
  • Daawo:Ururka Saxafiyiinta Somaliland Ee SOLJA Ayaa Tababar U Furay Weriyayaal Iyo Garsoorka
  • Daawo:Burco Musharraxa Xisbiga Waddani Ayaa Xafiisyadii Ugu Badnaa Ka Xadhiga Ka Jaray Ee G. Togdheer

Latest Articles

  • Oromada iyo Soomaalida Qaad wax ka weyn ayaa ka dhexeyaa!
  • Wal walka iyo kalsooni darada ka qabta garsoorka dalka.Cartan Maxamed Jamac
  • Baroortu Orgiga Ka Weyn: Doorashooyinka Somaliland: Axmed Maxamed Diiriye )(Toorno), ahmedmdiriye, Hargeysa
  • Maxakamad Siyaasadi Turuqday,Tallo Ha Way Diinin( Dr Daacad Alle Yaqaan)!
  • Af lagaado & Cay midna eedu kuma sama!

head


All Rights Reserved | Copyright © 2005-2016 : Togdheer News Network | Powered by Horn Digital