unnamed
uha-web-banner-ad Togdheer News Network
logo
logo
head
dahab
<<< Click here to contact us or Send Email to: editor@togdheernews.com>>>
head
head

Qisso cajiib ah: Markaan Qaadkii ku mirqaamay ayaan Xabsi ku galay Kijinkii gumaysiga .W.Q.Qareen Khadar Aaar

Majiro qof ii sheegi kara fa’iido iyo waxtar uu Qaadku leeyahay ,Qaadku miyirka iyo maankaba waa uu lumiyaa,waxaa laga yabaa in dhibtiisu ay kalla badan tahay balse waxaa la isku raacsan yahay in uu Qaadku yahay daroogo iyo maandooriye Somalidu caadaysatay,waana midka maanta qayrkeed ka reebay .

Waxa laga yabaa in dadka qaarkii ay faa’iido u arkaan ka ganacsiga geedka Qaadka iyo dhaqalaha yar ee kooban ee ay quutaan qoysas iyo dad yaw iyagu geedka Qaadka ka dhigtay wax ay ku shaqayastaan si ay ugu dabaraan nolol-maalmeedkooda.

Balse marka la rabo in la qiimeeyo faa’iido iyo khasare Qaadku midka uu leeyahay ,laguma qiimeeyo qoysaska iyagu tirada yar ee ay dhici karto in ay masaariif joogta ah ka helaan ganacsiga Qaadka,balse waxa wax lagu cabiraa maajooratiga dadka iyo dhibatada uu ku hayaa inta ay leeg tahay.

Aduunyadan korkeeda marka aad eegto waxa ugu muhiimsani waxa uu noqonayaa Bini-aadmiga ,Qaadkuna waxa uu dilaa oo dawga doosan ka lumiyaa waa Aadanaha oo ah kan ugu mudan noole Ilahay abuuray ,taas awadeed ayaa Qaadku waxa uu noqday mid bahdila noloshana ka leexiya Dadkii la rabay in ay Aduunka wax kusoo kordhiyaan.

Marka laga yimado dhibaatoyinka uu Qaadku uu ku hayo dhulka ay ku dhaqan yihiin dadka Somalidu,waxa iyana marag-madoona in Qaadkii aanu marnaba aanu inagaga hadhin meelkasta oo aynu Aduunka tagno ama aynu ku nolaano ; sababta oo ah mar hadii ninkii cunaayay uu nool yahay way adag tahay in Qaadka laga waayo meesha uu joogo.

Hadii aan dib ugu soo noqdo qisadan aadka u quruxda badan isla markana layaabka iyo amakaagu ku dheehan yahay,taasi oo ka hadlaysa nin dhalinyaro Somalimeed oo Mirqaanka iyo cunista Qaadka ay mudo aad u koobani ugu danbaysay balse hal maalin oo uu dib u bilaabay ka sheekaynaaya wixii uu kala kulmay.

Ducaale waa nin dhalin yaro ah,wakhtigan xaadirka ahna ku nool dal ka mida wadamada Yurubta,Ducaale waa dhalinta iyo Aqoonyahanka la majiirto (la hiigsado) ee ay dadka Somalida leeyhiin,Ducaale waa nin ay ka muuqato in waxbadan oo dhanka noloshiisa ah horumar la taaban karo ka sameeyay.

Hadaba Ducaale oo aan la odhan karin ,waxa uu markii horaba ahaa dadka cunista Qaadka ku danseegay,hadana iyada oo ay sidaasi tahay Ducaale ma uusan ahayn nin ka gacan madhan isku dayga cunista Qaadka , madamaa ay saxiibadii iwm ay ahayeen kuwo iyaga laftoodo aan ka nafsi-galin marka la keeno magalada ay joogaan.

Ducaale wakhtiyar ka hor ayaa waxa uu safar ku tagay sida uu ii Sheegay dalka Jabuuti,halkaasi oo uu u tagay dan iyo muraad uu leeyahay,balse Jabuuti madamaa ay tahay dhul ka mida kuwa ay Somalidu leedahay, lagana yaabo in ay Jabuuti tahay magaalo ku imtixaaman kuna ibtilaysan ka ganacsiga iyo cunista Qaadka.

Ducaale ayaa waxa uu ii sheegay madamaa uu ka mid yahay nin wakhti aad u horeeya soo galay wadamada Yurubta ,walina aan daynin go-aanna aan ka gaadhin joojinta cunista Qaadka ,in uu marka uu doonaa in marqiinka Qaadka uu meel kusoo hubsado in uu u dhoofo dalka Jabuuti.

Ducaale oo muddo aan sidaasi u badnayn Jabuuti kusoo cunay sida uu ii sheegaayo Qaad aad u layaab badan,maskaxdiisa iyo miyirkiisana uu ka helay in malaha ay Jabuuti ay tahay halka kaliya ee marka uu mirqaanka Qaadka uu doonaayo uu tago,ayaa waxa uu kusoo noqday muddo yar ka bacdi dalkii uu deegaanka ku ahaa.

Ducaale oo sidaa aynu soo sheegnay malaha shahadada mirqaanka Jaadka hadiiba ay cidi bixinayso waxa uu siin lahaa magalada Jabuuti gaar ahaan goobahii iyo marfishyadii uu ka camiran jiray .

Ducaale ayaa waxa aan waydiiyay markii aanu kulanay ,ma jeclaan lahayd in cunista Qaadka ay maanta kuugu danbayso,sababta aan sidaasi u idhina waxa ay ahayd,markii aan arkay in Jabuuti siduu ugu soo mirqaamay iyo halkan uu joogo Qaadka yimadaa sida ay kaaf iyo kala-dheerti u yihiin.

Ducaale waxa uu iigu jawaabay isaga oo xasuus dheer oo dhinaca mirqaanka ah galay “Allay lehe sidaa aan sheegay mirqaan horta waa ka Jabuuti,halkan(Yurub) Qaad la cuno oo u dhigma kii Jabuuti ma yaalo lagamana heli karo,balse hadii aad i waydiisay in aan sidaasi ku dhaafaayo iyo in kale,waxa ay ila tahay in malahayga aan u yar nasandoono.

Ducaale waan arkaa wali in aan qalbigiisa iyo maskaxdiisa wali aanu ka jarin cunistii qaadka balse uu yahay nin uun sii hibataynaaya (iswaydiinaaya) Carabkiisana kasii dhadhan sanaaya qadhaadhkii caleentii Qaad ee uu Jabuuti kusoo cunay.

Hadaba hada maxay ayaa dhacay, Ducaale maxaa kusoo kordhay,ma Qaadkii ayuu dib ugu noqday,haduuse ku noqday ma yahay Ducaale mid ka helay mirqaankii u danbeeyay ee uu kalasoo kulmay Jabuuti.

Wixii dhacay halkan ka akhriso:-

Somalisdu waxa ay ku maahmaahdaa,waxaad waaliftoo wad kaa helin ka waantoobi waa war loonoqon,iskastoo halku dhigaasi aan la odhan karin waxa uu ka durjumayaa wax wada run ah,hadana Ducaale laftiisa ayay taasi hada qabsatay .

Ducaale maalin maalmaha ka mida ayaa waxa uu guntiga dhiisha iskaga dhigay in uu maanta Qayilo, taasi oo ay ugu wacnayd in aanu goynin xidhiidhkii isaga iyo Qaadka u dhaxeeyay ,malahayga waxa uu is yidhi Ducaale geedkii Qaadka ahaa xus iyo xusuus u samee maxaase ka raacay .

Waxa Qaadka Miirooga layidhaa u keenay akhyaartii iyo saaxibadii uu lahaa,waa uu og-yahay Ducaale in aanu marnaba helayn hiigsanayna mirqaankii uu kala soo huleelay dalka Jabuuto,hadana iyada oo sidaasi ah waxaa Ducaale aan ka maqnayn in uu cunista Qaadkan hada loo keenay uu ka heli doono waxoogaa Mirqaan ah oo macmal(iska yeelyeel) ah calashaan aan gaadhayn kii Jabuuti.

Ducaale intiii itaalkiisa ahayd iyo sidii uu Mirqaan u heli lahaa ayuu u tafaxaytay,waxa intaasi weheliya nin Qaad soo cunay ayaa yaqaanee , in la fadhiisto goob markaasi ku haboon fadhiga,saxiibada iyo akhyaarta cusub ee aad muddo kala maqnaydeen waa kuwo iyaguna xiiso gaar ah u yeela madasha ama marfashka markaasi lagu Qayilaayo ,sheekada iyo iska xaal wearaysiga halka uu dalku maanta maraayo waa qayb ka mida sheekooyinka mala-awaalka ah ee Qaadku leeyahay,waana kuwo aan go’aamo wax ku ool ah aan laga soosaarin.

Ducaale ma uu laba-canlayn sida aan warka ku helay ,balse waxa uu ku cunay Qaadkii halkii can(Daan) ee awalba Qaadka lagu cuni jiray bidix iyo midig midkuu doono ha ahadee ,Qaadka oo isagu leh wehel iyo walaal joogta ah oo layidhaa SIGAAR ,sida aan warka ku hayo Ducaale markan waxa aad moodaa in uu iska dhaafay,balse ma garan karo in isaga laftiisa uu Jabuuti kusoo nacay ,waxaana dhici karta in uu mar uun sidii Qaadka ku hinqan doono .

Ducaale markan u jiqilaysay Qayiladii ,shaeekada laba laba iyo sadax sadaxba loo wadaag,shaaha Bigayska iyo koobabka yaryar ee loogu talagay lays dhaafsay ,amintu waa habeenimo,wakhti kastaba ha la fadhiistee saacadu waxa ay noqotay mid ordaysa.

Xiligii loogu talagalay in ninkastaaba uu Buulkisii ku caraabo ayaa la gaadhay,Ducaale waa kaligii ,waxa kaliya ee markaasi weheliyaa waa mirqaankii iyo raadkii uu kaga tagay,Jabuuti markan lama hadal hayo, Shahadada mirqaankana hadii sacadaasi gudaheed la waydiin lahaa Ducaale cida uu siinaayo walee in aanu laba-lugodiyeen waxa uu odhan lahaa KA NOQO JABUUTI,MIRQAAN WAA KAN HADDA.

Waa halkii reer Burcee malaha Ducaale QAADKII AYAA WAX U TARAY,Ducaale hal mar ayuu dhaqaaqay isaga oo raba in uu markaasi Jikada ama Madbakha in uu wax kasoo qaato,markii uu Kijadii gudaha u galay Ducaale ayaa waxa uu jidhkiisa ka dareemay Qabaw aanu markaasi meel uu ka yimi aanu ogayn;qabawgaasi oo intiisa badan ka haya Xundhurta wixi ka heeseeya ;waar ibtilo badanaa.

Ilayan Mirqaan waa miyir doorsoone,Ducaale isaga oo isla hadlaaya ,kuyee “waa maxay qabawgan aanan waligay arag ee maanta Kijinka aan kula kulmay xagee layga soo raacay,miyaan miyir doorsoomay ,miyaan xanuunsanayaa ,waa sidee xaalku “Ducaale markan waxa uu u dhaqaaqay dhanka Daqada uu Kijinku leeyahay si uu u hubiyo bal in ay furan yihiin iyo in kale daqadahii, ha sheegin meelkastaaba waa ay albaaban tahay.

Ducaale sacadaasi hadii la waydiin lahaa sababtii iyo ujeedadii uu Kijinka usoo galay iyo waxa uu ka rabay kama warami karo, waayo xaalad kale ayaa ku furan oo waatan Eerkudhishino qabaw iyo Talaagado hoosta loo galiyay .

Islanimadu waa shay qaaliyee Ducaale markan xasuusay in ay wax ka qaldan yihiin kadibna shaydaanka iska naar ,isaga oo hareerta eegaaya,diidaayana in la maqlo dhawaaqa iyo hadalka uu shaydaanka iskaga naaraayo waxa uu yidhi “Acuudu bilaahi mina shaydaan i rajiim” carabka ku adkee si aanu qiraa’ada iyo kalmadan shaydaan xijaabku aanay uga qaldamin ilayn waatan oo lasoo weerarye.

Ducaale hadii uu Shaydaankasta naaray xaalku wali waa sidii,qabawgoo iyo dhaxantii jidkiisa qaybo ka mida haysay waa ay soo siyadaysaa,wax uu sameeyo ma yaqaano,sheekadu shaydaan-naar ku dhamaan wayday ,malaha in uu Suuratul Baqra dabada qabsado ayuunbaa u hadhay balse taas wakhti uma hayo ,waayo waa looga daran yahay oo Qaboojiye bilaa lacaga ayaa jidhkiisa qayba ka mida ka baxaaya ;kuwaasi oo hadii ay sii siyadaan aan la garanayn wax ay isu badali doonaan.

Akhristayaal aan idin xasuusyo,Ducaale marka uu xaalku sidaa ku yahay waxa uu dhex jooga waa gurigiisii,waxaana kula nool Xaaskisii iyo dhamaan caruurtii uu dhalay oo leh kuwo waa wayn iyo kuwo yaryarba.

Ducaale oo mashquul ku ah Qabawgan iyo qadh-qadhyadan jidkiisa qayb ka mida lagaga riday , garanna la si uu wax u sameeyo,ayaa markaliya waxa uu ogaaday in jidhkiisa qaybta uu qabawga ka dareemayaaba aanay xidhnayn ama aanay saarnaynba wax maro layidhaa,Ducaale bal-adba sheeg goor ugu danbaysay Macawistiisii ,Surwaalkii waa QAWANAAN MUDH IYO GACAN AH marka laga bilaabo Xundhurta illaa Lugaha hoose ,Ilahaw ceeb astur.

Ducaale waxa uu taatabasho kala daalay jidhkisii hoose si uu u hubiyo in uu qaawan yahay in ay run tahay iyo inkale ,balse arag markan in gacantiisa iyo meesha uu taabanaayo aanay jirin wax maro ah oo u dhaxeeyaa Masarna Allah ha ka yeelee,xaalku waa siddi-muldhukh.

Ducaale markan arag in qabawgu meesha uu ka imanaayay ay tahay qawanaanta aanu war ka hayn ee ka jirta qaybo jidhkiisa ka mida,balse su’aasha meesha ku jirtaa waxa ay tahay,Ducaale wakhti intee leeg ayuu sidan ahaa ?isaga ayaynu waydiin.

Markii uu Ducaale garawsaday in jidhkiisa qayb ka mida aanay jirin wax maro ah oo saarani ,male iyo muranna uu ka saaray in uu yahay mid qaawan oo Xundhurta wixii ka hooseeya aan xataa Nigisna lagu ogayn ,ayaa waxa uu markan bilaabay sidii uu isu asturi lahaa.

Bal-qabsoo mirqaanka awadii wali Ducaale waa uu dayaysan yahay,maskaxdiisana kumay soo dhicin meeshan aad joogtaa waa gurigaagii,cabsidii iyo xishoodkii uu ku labahnaa mirqaanku ayuu wali la baaxaa degayaa.

Goobtan uu ku jiraa waa Kijinkii cuntada lagu karinaayay ,sidaan hore idin kusoo sheegay,Kijinkuna malaha ama caado uma aha in laga helo maryo iyo dhar uu Ducaale iminka isku asturi karo,guriga intisii kale waxaa laga yabaa in uu yahay mid laga seexday,hadana iyada oo sidaasi ah Ducaale waxa uu mirqaanku tusay in aanu Kijinka dhinacna uga bixi karin ilaa uu helo wax uu cawradiisa ku qariyo.

Ducaale jidh ahaan waa nin runtii la odhan karo Somalida waa ragga ugu dhaadheer,hadana iyada oo ay sidaasi tahay ayuu Kijinkii kadaloobaa oo uu jiif-cabee ku jiraa ,mar danbe ayaa waxa uu meel aan ka durug sanayn ku arkay Galka lagu dahaadho kuraasta ,soo jiiday kadibna jidhkisa intii ka banaanayd is yidhi ku qari adaaba sheegaaya waayo waa nin laba Midira.

Qofku haduu mirqaamo ilayn waa maan la,aane ,Ducaale waxa uu u eekaaday sidii nin ku gadoon san goob dagaal ,markii uu arkay in Galkan Kuraasta la galayaa aanu jidhkiisa qayb ka midabna aanu asturayn, Ducaale markan talo ayuu keenay,waxoogaa garaad iyo maskax aanu ka madhnayn Mirqaankii ayaa kusoo maaxay,waxa uu ku tashaday in sidii Tuug wax xadaaya in uu markan dhabaro walibana uu Gurguurto ,isaga oo hareeraha iska eegaaya sanqadh kasta oo baxdana ka didaaya ayuu gurgurad iyo jiif cabbee waxa uu kaga soo baxay qolkii uu saacadaha ku xabisnaa ee Kijinka.

Balse waxa ay sheekadu qosol iyo xalad intan ka badan ay yeelan lahayd, iyada oo Ducaale oo gabaara-gurdaynaaya Kijinka gudahiisa Karbaashkii yaraa ee korkiisa saraana uu ka dhacay ay kusoo tosaal Caruurtii iyo Hoyadood ,ay arkaana odaygii reerka oo caawa jiif-cabbee ugu jira waxaan la garanayn;balse xaajiga Ilahay waa dhaafiyay fadeexadaasi.

Ducaale iyo Qaad habeenkaasi wixii kala qabsaday waa tariikh lama ilaawaan ah,Ducaale iyo xabsigii Kijinka kaga dhacay oo ay dheer tahay ilawshiiyaha wixii uu u galay waxa ay noqotay arin Ducaale iyo saxiibadii ay ku sheekaystaan.

Hadaba su’aasha iswaydiinta lihi waxa ay tahay,Ducaale wakaas inoo soo gudbiyay habeenkaasi wixii ku dhacay iyo dhibatadii ka qabsatay mirqaanka,balse saxiibadiisii kale ayaa la rabaa in iyaga laftoodo ay soo gudbiyaan isla xiligaasi iyo mirqaankaasi maalintaasi wixii ay la kulmeen.

Dhacdadani waxa ay ku muujinaysaa in uu Qaadku yahay maandooriye balse Somalidu si ay maankaasi doorsoomay aanay carabka ugu balaadhin ayaa waxa ay ula baxiin wax ay u yaqanaan MIRQAAN,Mirqaana waa uun qof maanku doorsoomay .

Akhriste goorma ayay kuugu darnayd hadii aad ka mid tahay kuwa iyagu wali Qayila ,inkastoo aan filaayo in sida ugu dhakhsaha badan aad isaga dayndoontaan.

Qisadan Nuxurkeeda waxaa iiga sheekeeyay ,Garaad Mubaarik Cabdiraxmaan Yusuf .

WQ/Khadar Ibrahim Aar

khadar-aar.blogspot.com

facbook.khadaraar@hotmail.com

khadaraar101@gmail.com

Twitter @khadar_aar

Wabilaahi tawfiiq.

 

Latest News

  • Daawo: Maareeyaha Shirkada Daabacada Sagal Jet Iyo Warbixin Xiiso Badan.
  • Qisadii Raahibkii khamriga cabay iyo danbiyadii uu ku dhacday – Qisooyin uu nabi Maxamed (CSW) ka sheekeeyay
  • Safiirka Jabuuti Ee Somaliland OoKa Hadlay Xuska Maalinta Qaranimda Dalkiisa
  • Laba Mujaahid Oo Taallooyin looga Dhisay Tuulooyinka Awbarkhadle Iyo Dhubato
  • Faahfaahin Qaraxii Magaalada Muqdisho

Latest Articles

  • Shakhsiyadda Dhabta Ah Ee Wiilka Loo Cimaamaday Dhaxal-Sugaha Boqortooyada Sucuudiga Iyo Awoodda Uu Ku Leeyahay Talada Dalkaasi WQ: Maxamed M. Yuusuf (Ilkacase)
  • Sakaatul fidriga oo waxa ay qayb wayn ka noqon kartaa ka soo kabashada dhibaatada abaaraha!Dr. Cabdiqani Xuseen (Beder)
  • Markuu Hoggaanku Asqoobo, Bulshaduna Way Wajaqdaa.
  • Isbedelka Bariga dhexe iyo Isbedelka Soomaaliland
  • Daahfurka Akadamiga Fanka iyo Cilmiga: 2014kii mise 2017ka? Qormada Kowaad

head


All Rights Reserved | Copyright © 2005-2016 : Togdheer News Network | Powered by Horn Digital