unnamed
uha-web-banner-ad Togdheer News Network
logo
logo
head
dahab
<<< Click here to contact us or Send Email to: editor@togdheernews.com>>>
head
head

Diintu Dawo ma Tahay? Cabdixakiim Maxamuud Maxamed (Ubaxle)

 

Diintu Dawo ma Tahay?
Laga yaabaa weydiintan in aad igu diiddo. Laga yaabaa in aad jidhka is gelisay su’ aashu sida ay u taallo darteed. Laga yaabaa in aad tidhi Qur’aanku weedha xanuun iyo dawo (shifaa) labaatan jeer in ka badan ayuu xusay. Laga yaabaa in aad waxaan soo wado sugi kari la’dahay qoraalkan aad hadda akhriyeysana dhibsatay. Inta aanan ku daalin bal weydiimaha aan sii yara badiyo. Diintu dawo ma leedahay? Xanuunnadee ayaa lagu daweeyaa? Yaa ku daweeya? Yaa ku dawooba? Qaabkee loogu daweeyaa? Dad lagu daweeyey oo ku dawoobay ma jiraan?
Waxaa soo weydiima ahi waxa ay ka dhax guuxaysaa qalbiyada dad badan. Nasiib wanaag waxa dhooban goob walba dhiganeyaal amma kutub warcelin waafi ah innaga siinaysa weydiimahaa. Culimada Islaamku Carab iyo Cajamba waxay kaga warceliyeen weydiin walba maqaallo kumannaan dhaafaya iyo kutub boqollaal kor maray. Waa badoo ka bixi maynnee, bal aan in yar ka war bixinno, kuna koobnaanno labada weydiimood ee hore (diintu dawo ma tahay? Iyo xanuunnadee ayaa lagu daweeyaa?).
Inline image 1
Inta aynaan cid kale wax weydiin, warbixinna ka doonin, bal aan eegno Alle sarreeya waxa uu ka yidhi weydiimahaa.
1. “ Waxa Qur’aanka aan soo dajinnay xaggiisa ka ahaaday daweyn iyo naxariis dadka mu’miniinta ah.” Isra, 17:82
2. “ Waxa idiin timid waano iyo dawo waxa qalbiyada ku jira, taasoo ka timid xagga Rabbigiin.” Yuunis, 8:57
3. “ Ku dheh ku wii Alle rumeeyey Qur’aanku waxa uu idiin yahay hanuun iyo dawo.” Fusilat, 41:44
Aayadahan iyo qaar kale oo aynaan soo qaadan oo dhammaantood isku macno dhadhaw waxa ay inna tusinayaan in Qur’aanku dawo yahay.
Innaga oon fogaanba waxa halkaa innooga soo baxay jawaabta Qur’aanku dawo ma yahay amma haddii aan si kale u dhigno Diintu dawo ma tahay.
Inyar aan dul istaagno sharraxaadda amma tafsiirka aayadahan, qooraansannana waxa ay culimada qaar ka yidhaahdeen.
Aayadda 82 ee suuratul Isra imaamu Qurdubi marka uu macnaynayo waxa uu yidhi:
“Culimadu wey isku khilaafeen daweynta Qur’aanka, laba hadal ayaana ku jira.
Hadalka hore: Qur’aanku waxa uu dawo u yahay qalbiyada isaga oo ka nadiifinaya mugdiga ( jaahlinimada) meeshana ka saaraya shakiga. Waxa uu qalbiga ka faydaa aqoon darrida isaga oo tusinaya mucjisooyinka iyo arrimaha caddaynaya Alle.
Hadalka labaad: Qur’aanku waxa uu daweeyaa cudurrada ku dhaca jidhka marka lagu tufo qofka xanuunsanaya Allena magan gelyo lagu weydiisto.”
(Jaamicul Axkaamil Qur’aan: Tafsiirul Qurdubi)
Aan soo qaadanno Maxamed Al Shinqiidi waxa uu ka yidhi isla aayaddaa.
“Qur’aanku waxa uu koobsanayaa dawada cudurrada ku dhaca qalbiga sida munaafaqnimada iyo wixii la mid ah. Sidoo kale waxa uu dawo u yahay cudurrada ku dhaca jidh.”
(Adwaa’ul Bayaan fii Iidaaxil Qur’aan bil Qur’aan: Maxamed al Shinqiidi)
Labada sheekhba waxa ay caddayn amma daliil u haystaan in Qur’aanku dawo u yahay xanuunnada jidhka ku dhaca xadiiskan:
Abii Saciid Alkhudri Alle raalli ha ka ahaadee wuxu yidhi, “Waxa u baxay safar koox ka tirsan asxaabtii Nebiga NNKH illaa ay soo degeen xaafad ka mid ah xaafadihii Carabta. Marti gelin ayey weydiisteen laakiin wey diideen in ay marti geliyaan. Kadib, odaygii xaafadda ayey abeeso qaniintay. Wax walba oo ay ku daweyn karayeen wey sameeyeen, laakiin kumay guulaysan. Badhka ka mid ah ayaa yidhi, haddii aad u tagtaan kooxdaa halkaa soo degtay ( waa asxaabtiiye) waxa laga yaabaa in aad badhkood ka soo heshaan wax dawo noqda. Wey u tageen. Waxay ku yidheen ragoow, odaygii xaafadda ayaa la qaniinay. Wax walba waan samaynnay, laakiin waxb u may tarin. Midkiin ma hayaa wax dawo noqda? Badh ka mid ah asxaabtii ayaa yidhi, Alle ayaan ku dhaarannee waan haynaa. Laakiin Alle ayaan ku dhaarannee marti gelin ayaan idin weydiisannay oo waad diiddeen in aad na marti gelisaan. Idiin Qur’aan saari maynno illaayood noo samaysaan mushqaayad mooyaane. Wey wanaajiyeen oo waxay u sheegeen in ay siin doonaan goosan adhi ah. Wuu tegay ( waa asxaabigiiye) wuxu ku tufay kuna akhriyey Faatixada. Waxaabad moodda in dabar laga furay ( waa odaygii abeesadu qaniintay ee Qur’aanka lagu akhriyaye). Asxaabigii wuu iska tegay isaga oo wax qalbiga ku haya. Dadkii xaafadda ee odayga Qur’aanka loogu akhriyey ayaa yidhi, u oofiya mushqaayaddii aad kula heshiiseen. Wey siiyeen. Asxaabtii badh ka mid ah ayaa yidhi innoo qaybiya adhiga. Asxaabigii odayga soo Qur’aan saaray ayaa yidhi, ha samaynina ( ha qaybinnina) illaa yoon Nebigii NNKH ula tagno oo aan uga warranno, oo aan aragno waxa uu inna amro mooyaane. Nebiga NNKH ayey u tageen. Wey uga warrameen. Wuxu ku yidhi, maxaad ka taqaannaan, waa ruqiya e! Ka dibna waxa uu ku yidhi, waad garateen ama waad la hesheen. Qaybiya oo anigana igu dara intuu Nebigu NNKH yara qoslay. ”
( Bukhaari 2276, Muslim 2201)
Halkaa maxaa innooga soo baxay? Waxa innooga soo baxay:
1. In Qur’aanku dawo yahay sida aan aayadihii horena ku soo aragnay.
2. In Qur’aanka amma Diintu keliya ayna daweyn xanuunnada qalbiga ku dhaca sida munaafaqnimada iyo shakiga, laakiin ay daweyso xanuunnada kale sida qaniinyada.
Sidoo kale waxa jira axaadiis kutub dhowr ah ku timid daraja ahaanna culimadu ay xasan gaadhsiiyaan oo iyana sheegaysa qaniinyada hangarallaha/daba qallooca/geel kaga cabaadista in Nebigu NNKH ku daweeyey suuradaha Qulhuwallaha, iyo mucawadateenka ( Qulacuudu birabbinnaas, Qulacuudu birabbil falaq).
Dhinac kale haddii aan eegno waxa jira axaadiis kale oo isku macno dhow oo odhanaysa Qur’aanku dawo uma aha illaa isha iyo xumadda mooyaane. Kan aan tusaale u soo qaadanno.
Cimraan binu Xusayn waxa uu Nebiga NNKH ka wariyey in uu Nebigu NNKH yidhi, “ Qur’aan saarid amma Qur’aan ku tufid ma jirto marka laga reebo xanuunnada isha iyo xummadda mooyaane.”
(Abuu Daa’uud 3884, Tirmidi 2057)
In yar aan ku nasanno sida xadiiskan oo Sheekh Albaani ku saxeexiyey al Mishkaat bogga 4557 iyo kuwii ka horreeyey ay culimadu isku saareen amma ay isku waafajiyeen.
Waxa uu yidhi Sheekh Cabdil Muxsin al Cabbaad oo ay la qabaan culima kale oo badani, “ Qur’aan saarku/ruqiyadu kuma koobna isha iyo xummadda e waxa kale oo lagu daweyn karaa xanuunnada kale. Laakiin isha iyo xummaddu waxa ay noqonaysaa ta ugu mudan ee lagu daweyn karo Qur’aanka.”
(Sharraxu Sunanu abii Daa’uud 16/437)
Halkaasna waxa innooga soo baxay in Qur’aanka iyo Diintaba lagu daweyn karo dhammaan noocyada xanuunnada Aadmaha asiiba, laakiin si gaar loogu adeegsan karo isha iyo wixii la mid ah.
Cabdixakiim Maxamuud Maxamed (Ubaxle)

Latest News

  • Daawo: Diyaaradaha Dagaalka Maraykanka Ayaa Duqayn ku Laayay Todoba Qoys Oo Ka Soo Wada Jeeda Hal Qoys
  • Daawo:Bandhiga Suugaanta Abwaan Xasan Ganey oo lagu Qabtay Magaalada Hargeysa
  • Daawo:Xafladda Furitaanka Sannad Dugsiyeedka Dugsiga Cabdalla NUuri ee Magalada Burco
  • Daawo:Madaxweynaha Somaliland Oo Safar Ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabka
  • Daawo:Taageerayaashii Siyaasi C rashiid Xasan Oo Soo Dhaweeyay Go’aankii Uu Kaga Baxay Xisbiga Waddani

Latest Articles

  • Gabay cusub oo la magac-baxay Hoga-tusaale
  • Waa maxay sababta horjoogayaasha Al-shabaab dawladu Rooga-Cas ugu dhigtaa,dhalinyartana Tiirka Toogashada lootagaa?W/Q: Khadar Ibrahim Aar.
  • Shirkadaha Dahabshiil Group waxay tacsi tiiraanya badan u dirayaan Xasan Cabdi Cawed
  • Waxaan Godobteedu Hadhin, Gar Aad Leeduu Og-yahay, Nin Kaaga Masuugay Gole ( daacad Alle Yaqaan)!!
  • Fadeexado Dul Hoganaya Maamulka Gobolka Daadmadheed

head


All Rights Reserved | Copyright © 2005-2016 : Togdheer News Network | Powered by Horn Digital