unnamed
uha-web-banner-ad Togdheer News Network
logo
logo
head
dahab
<<< Click here to contact us or Send Email to: editor@togdheernews.com>>>
head
head

Kobcinta Garaadka Da’yarta: Dhallinyaro Noocee ah ayeynu Qaranka la Rabnaa? W/Q: Ibraahim Khadar Siciid

Kobcinta Garaadka Da’yarta: Dhallinyaro Noocee ah ayeynu Qaranka la Rabnaa?

 

 

Hordhac

Qormadan waxa ay koobsan doontaa hannaanka ugu habboon ee bulsho ugu horumarto xoogga ay haysato oo ah da’ yarteeda. Waxa ay fallanqayn ku samaynaysa aragtiyaha kala duwan ee aqoonyahanka dunidu u arkeen in ay ku habboon tahay kobcinta garaadka ubadka si ay u noqdaan kuwo horumar gaadhsiiya noloshooda iyo bulshada ay ku dhex nool yihiin. Waxa ay soo saari doonta dood abbaareed taabanaysa korinta ubadka.

Sidoo kale waxay bedka soo dhigi doonta meelo u baahnaan doona in daraasado dheeraad ay ka sameeyaan aqoonyahanka danaynaaya ubadka iyo bay’addu saamaynta ay isku leeyihiin iyo waliba ahmiyada ay hal-abuurnimadu u leedahay da’yarta loo carbinayo hoggaan qabashada.

Maadaama, bulsho waliba ay leedahay caqiido, waxa qoraalku uu awoodda saarayaa hannaanka islaamku u dhigo in ubadka loo koriyo, loogana dhigo mid bulshadiisa anfaca oo horumar hal-abuurnimo ku dhisan yahay gaadhsiiya.

Dhaqanka soo jireenka ah iyo caadooyinku waxa ay qayb muhiim ah ka yihiin hab-nololedka bulshada. Soomaalidu waxay leedahay dhaqan reer-guuraanimo oo ku dhisan nolol aad u adag, sidaa darteed waxa aynu qormada ku eegi doonaa sida caado-dhaqameedkeenu saamayn ugu lahayd/leedahay garaad-kobcinta iyo mustaqbalka ubadkeena.

Dhaqanka Soomaalidu ma u qaabaysan yahay inuu soo saaro ubadka aynu rabno?

Ilmo kasta waxa uu la kobcaa amma uu leeyahay hibo, awood  gudeed oo aan dusha ka muuqan (Invissible power) iyo waxyaabo uu daneeyo amma uu jecel yahay qabashadooda, go’aamiyana mustaqbalkiisu sida uu noqon doono, haddii wax ka leexiya oo jid kale u tukhaantukhiya aanay ka hor iman.

Qoomiyadda Soomaalida oo ah bulsho asal ahaan xadaaradeedu ku dhisan tahay nolosha reer-guuraanimada amma xoolo-dhaqatada (Beeruhu waayadii dambe ee dawladnimada ayey xoogaysteen); hab-nololeedkeedu waxa uu u qaabaysan yahay in waayeelku taliyo oo go’aan ka gaadho, gaar ahaan raggu ay reerka hoggaamiyaan.

Ubadka waxa lagu barbaariyaa in ay xishoodaan.  Waalidkood ka dambeeyaan. Talada loo soo jeediyo qaataan oo aanay marnaba ka hor iman. Waxa ubadka la tusi jiray nolol adag oo u baahan in qofku halgan adag u galo inuu cimilada timaad iyo hawsha taal dhabarka u rito, isagoo waliba ku qasban inuu amarka waalidkii qaato oo aanu jidka loo jeexay dhinacna uga leexan.

Waxa aad arrimahan ka garan kartaa xikmadda Soomaalidu iska dhaxasho amma maahmaaha sida “Nin yar intuu laan ka boodu, tallana ka booda,” macnaheedu waa in qofka da’da yar talladiisu ay kala dhiman tahay oon marnaba lagu guuri karin.

Waxa kaloo biyo-kama-dhibcaan ah in suugaanta sida jiiftada amma gabaygu ay ka mid yihiin waxyaabaha dhiirigeliya amma niyad-jebiya jiilka yaryar, waliba marka manhajka waxbarashada loogu daro way ka xoog badan tahay marka fagaareyaasha laga mariyo amma buugaagta kale lagu qoro.

Wixii ka horreeyey 2004 inta laga gaadhayo waqtigii Dawladdii Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Soomaaliya ee Siyaad Barre hoggaaminayey talinaysay, waxa manhajka waxbarashada ku jiray, khaasatan buugga Suugaanta Dugsiyada Aasaasiga ah buug ardayga fasalka toddobaad loo dhigo si uu wax uga ogaado doorka Suugaanta. Casharka koowaad ee buuggan waxa uu ahaa gabayga la yidhaa “Al-Madar”[1] oo uu tiriyey Allaah u naxariistee Xaaji Cabdi Cabdullaahi Muuse. Gabaygan oo xifaalo ah, waxa uu abwaanku si xafiiltan ah ula hadlayey da’yarta waxbaratay oo uu ku qancinayey in dadkii waayeelka ah kartida waxqabad leeyihiin, balse nasiib-darro dunida ka sii dhammaanayaan.

Duqeydii dhammaatay tollow, dirirka yaa eegi?

Dab-shidkii hadduu galo ayaa, dhuxulihii daadin?

Ayaa daaha laantii ku xidhi, qudhac intuu diiro?

Degmo tuhun ma guurtee ayaa, sahanka loo dooran?

Reerkoo yagleel degay ayaa, guri u soo deyri?

Hangoolkiyo degsaarkii ayaa, gudin u soo daabi?

Haddii geellu deyr dhalo ayaa, doobiga u qaadan?

Dugaagiyo qaniinkiyo ayaa, daabka ka ilaalin?

“Almadar” dug ma reebtee tolow, dumarka yaa guursan?

Tolow yaa dadkoodii wax siin, gacal ma doonaane?

Tolow deynka yaa bixin gashiga, kama dambeeyaane?

Tolow yaa u daalacan kitaab, diinna cid u sheegi?

Anuunbaa iska daalee naftaba, uma dadaalane.

Gabaygan nuxurkiisu waa in da’yartu aanay hoggaaminta awood u lahayn-iskaba daa hoggaamine aanay isku day samayn- waxa uu abwaanku awoodda hoggaamineed u celinayaa dadka waayeelka ah. Kama uu walaacsanayn dadka waayeelka ah ee uu u arkayey in ay geyiga Soomaalida gabaabsi ka sii noqonayaan, balse wuxuu welwelkiisu daaranaa in aanay u muuqan rajo ah da’yar tallo iyo hoggaamin lagu aamini karo.

Macnahaygu maaha in suugaanta qiimaha badan ee abwaanka aan dhaliilayo, laakiin haddii amintan hadda taagan la eegno gabaygan, kana nimaadno helaadii waqtiga la joogay, bal qiyaas marka ugu horraysa ee ilmaha fasalka toddobaad ah lagu bilaabo gabayga waxa uu aaminayo? Maskaxdiisu hore ma u soconaysaa, mise wuxuu dib u eegayaa waqtigii la soo dhaafay? Way caddahay waxa uu iska dhaadhicinayaa in aanu karti hoggaamineed oo la mid ah tii awoowayaashii lahayn, maadaama ay wax-garadkii (Elites) sidaa ku dardaar-weriyeen.

Waqtigaan dugsiga dhexe ku jiray (2003), gaar ahaan fasalka 7aad waxa maalintii ugu horraysayba la ii dhigay gabayga ‘Almadar’, waliba waxaan xasuustaa oo macallinkii ii dhigayey ku nuux nuuxsaday in da’da waqtigan jirta ay waxma tarayaal yihiin. Waxa uu ku eegay aragti togan, waqtigaas ma uu eegin hadalkiisaas saamaynta uu yeelan karo iyo inuu sababi karo in wiil/gabadh jeclayd in ay hormood noqoto ay ka niyad-jabaan hamigooda iyo himilada u soo hiraysay.

Geesta kale, ilmaha marka uu weynaado waxa noloshiisa qaabayn jiray go’aannada uu waalidkii ka dhaxlo iyo hannaanka uu aabbihii ka arko. Tusaale ahaan, haddii aabbihii ku tobabaro inuu qoyska hoggaamiyo si marka uu dhinto hoggaanka iyo talada reerka uu ula wareego, waxa uu ilmahaas noqdaa mid hoggaaminta u tarbiyeysan, haddii qoyska uu ka soo jeedo ahaa qoys aabbaha hoggaamiya dagaalyahan yahayna waxa uu noqdaa dagaalyahankaas, sababtoo ah waxa uu noqon lahaaba waxa majaro-habaabiya go’aamada dusha lagaga keenay ee aan marnaba aan u ogolaan inuu wuxuu doonayo ilmuhu noqdo.

Sidaas si la mid ah hablaha waxa lagu barbaarin jiray in ay hooyadeed noqoto. Waata xikmadu tidhaahda ‘Inanni waa hooyadeed.” Jidka loo jeexi jiray waxa uu ahaa jid hooyonimo lagu tababarayo, jidka kaliya ee loo jeexi jiray waxa uu ahaa in ay noqoto gaari amma qariyad xishood badan oo gabadhnimo/oorinimo ogol. Door kale oo bulsheed in ay qaadato looma ogolayn, marka ay weynaatana jidkaas mid aan ahayn way adkayd in ay u leexato, walina xaaladaas way jirta, walaw waqtigan haweenku goobaha waxbarashada aad ugu badan yihiin.

Xaaladaas iyadoo lagu jiro oo waalidnimadu ay go’aamiso mustaqbalka ubadka amma qofka masuulka ka ah jidka uu u dhigo, ayaa bulshada Soomaalida uu soo gaadhay hannaanka dawladnimada casriga ah (Democratic Government).  Inkastoo dawladnimadii lagu saleeyey hannaanka reernimada (4.5) oo hormood ka noqday in waayeelka uun talada loo dhiibo, xaataa da’yartii wax soo baratay waxa laga aaminsanaa in ay dhaqanno iyo wax aan la fahmayn wadaan amma aanay awood u lahayn in ay bulshada isu hayaan. Waa run oo ilmo aan yaraantiisa u carbisnayn hoggaaminta cid uu isu hayo daaye inta wada joogta ka cararaysa.

Dawladiihii kala duwanaa ee Soomaalidu yeelatay ee u kala dambeeyey maamulka intaba waxa dhallinyarada shiikhiyey oo mansabyada go’aamada waaweyn lagu gaadho hayey waayeel aragtiyahoodu ku dhisnayd “Aragti Dhaqameed” (Cultural Practice Ideology), go’aan kasta oo ay gaadhaana ku salayn jiray fikirka ah ‘Sidaasaa awoowyaasheen amma kuwii inaga horreeyey yeeli jireen baan yeelaynaa.” Waxa meesha ka baxday “Hadda waxan ayaa jira oo dunidu yeeshaa,” taasoo dan u noqon lahayd da’yarta jiilasheeda kala duwan, sababi lahaydna in dunida casriga ah (Technology/Digital age) lala jaanqaado.

W/Q: Ibraahim Khadar Siciid

 (ibraahimkhs@hotmail.com)

Hargeysa, Somaliland                  

 

Latest News

  • Daawo:Burco Dugsiga SMART Ayaa Abaalmarino Guddoonsiiyay Ardaydii Kaalmaha Hore Ka Galay Imtixaankii Shahaadiga
  • Daawo:Taageerayaal Cusub Oo Ku Biiray Xisbiga waddani ee magalada Burco
  • Daawo:Guddida Doorashooyinka Ayaa Kulan La Qaatay Warbaahinta Dalka
  • Daawo:Ururka Saxafiyiinta Somaliland Ee SOLJA Ayaa Tababar U Furay Weriyayaal Iyo Garsoorka
  • Daawo:Burco Musharraxa Xisbiga Waddani Ayaa Xafiisyadii Ugu Badnaa Ka Xadhiga Ka Jaray Ee G. Togdheer

Latest Articles

  • Oromada iyo Soomaalida Qaad wax ka weyn ayaa ka dhexeyaa!
  • Wal walka iyo kalsooni darada ka qabta garsoorka dalka.Cartan Maxamed Jamac
  • Baroortu Orgiga Ka Weyn: Doorashooyinka Somaliland: Axmed Maxamed Diiriye )(Toorno), ahmedmdiriye, Hargeysa
  • Maxakamad Siyaasadi Turuqday,Tallo Ha Way Diinin( Dr Daacad Alle Yaqaan)!
  • Af lagaado & Cay midna eedu kuma sama!

head


All Rights Reserved | Copyright © 2005-2016 : Togdheer News Network | Powered by Horn Digital