unnamed
uha-web-banner-ad Togdheer News Network
logo
logo
head
dahab
<<< Click here to contact us or Send Email to: editor@togdheernews.com>>>
head
head

Sheeko Kale: Ii Ducee Cabdisalaam Yaasiin

Nin baa muddo badan doonayay in uu magac yeesho, madax noqdo, oo maal yeesho. Muddo markuu dammacii dabajoogay, da’na uu noqday, ayaa islaantiisii maalin ku tidhi, “Ee wax ma kuu sheegaa?” “Haddii ay kaa qabsatay in aad madaxnimo iyo maal hesho, asaanad ilaa immika waxba hayn, aan islaan faalisa kuu geeyo bal in ay sheegto in wax ku leexsanyihiin.”

“Ee yaahee! Walaahi talo! Marnaba xagaa kama eegin.” Ayuu celiyay odaygii. “Waxan ku idhi, bal soo ballami islaantaa aan u tagnee.”

Islaantii faalisada ahayd ayay u tageen madaxdoon iyo islaantiisii. Faalkii ayaa loo rogay. Faalisadii waxay u bushaarayssay in uu Madaxweyne noqonayo, maalna yeelanayo, iyaga oo farxsan ayay kuus lacag ah siiyeen oo ka tageen faalisadii.

Madaxdoon faalkii baa u baxay oo Madaxweyne ayuu noqday. Dal iyo duunyoba wuu hantiyay; maal iyo magacna wuu yeeshay. Da’ iyo taws baas ayaa soo gudagashay.

Intii aanu xilka wareejin ayuu u tegay islaantii faalisada ahayd. Wuxuu ku yidhi, “Haddii geeriyi ku dayso, gabow baan ku daynayn; waad i aragtaa oo xaggii loo badnaa ayaan u socdaaye, ee ii ducee.”

“Anigu wax baan deberaa, ma duceeyo,” ayey ku tidhi faalisadii, “hadaadse aad duco dooni iyo in dambigaaga la dhaafo oo dabka Naar ka badbaado, wadaadkii Aw Dilaal ee durbaanka tunta, duubi kuus ah u geeyoo, dalo ii yar baneeyoo, ii ducee ku dheh sheekha!!!”

 

Latest News

  • Daawo: Bandhiga Buugaagta Caalamiga Ah Oo Laga Daahfuray Magaalda Hargeysa
  • Daawo : Saddexda Xisbi Qaran Oo Baaq Nabadeed U Diray Bulshada Degmada Ceelafweyn
  • Daawo: Hargeysa Xisbiga Ucid Oo Mahadnaq U Diray Gudiyada Doorashooyink iyo Anshax Wanaaga
  • Daawo: Duqa Magaalada Boorama Oo Dhagax Dhogay Laba Waddo
  • Daawo: Masuuliyiin Ka Xidhnaa Xisbiga Waddani ee Gobolka Togdheer Oo Xorriyadoodii Dib u Helay

Latest Articles

  • Waa Maanso la magac baxday KU-TUNTUUNSO,waxaa tiriyey Abwaan YuusuF Roobleh Xirsi (Sandoon)
  • Maxay kaadhka ku qaataan maba ay qadayne. Q1aad Qalinkii Cabdi Caawiye
  • Gobolka Sanaag: Degaankii Tafiirta iyo Dhaqaalaha
  • Showgii Qarni iyo Sahra Axmed Jaamac
  • Ajnabigii Muwaadinka Ka Waddanisanaadaay!

head


All Rights Reserved | Copyright © 2005-2016 : Togdheer News Network | Powered by Horn Digital