unnamed
uha-web-banner-ad Togdheer News Network
logo
logo
head
dahab
<<< Click here to contact us or Send Email to: editor@togdheernews.com>>>
head
head

Xaggee Ayey Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ka Shabbahdaa Dawladaha Shuuciga ah? Qallinka Cabdiraxmaan Cadami

 

Dawladaha shuucigu ma ogolaadan jiritaanka ururrada rayidka ah, kuwa shaqaalaha, ururrada mihnadlayaasha, kuwa siyaasadda iyaga soo hadal qaadkoodaba dambi ah. Sidaas oo kale, waxa mamnuuc ah in la fasaxo noocyada warbaahinta madaxabannaan. Dalalkaa waxa ka jiri kara warbaahinta dawladda oo qudha, dhegayso ama ha dhegaysan, daawo ama ha daawan, akhriso ama ha akhrisan.

Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo maanta si badheedh ah uma burin karto qodobka 23aad ee dastoorka farqaddiisa 3aad oo muwaadiniinta xaq u siinaya in ay isku abaabuli karaan ururo siyaasadeed, bulsheed, xirfadeed IWM, laakiin, waxay la timmi xeelado iyo tabo kala duwan oo lagu curyaaminayo ama lagu aamusiinayo urur kasta oo laga uriyo inuu mucaarad ku yahay xukuumadda ama ku noqon karo.

Waxay si gaar ah isha ugu hayaan saxaafadda iyo ururada warbaahinta metela. Haddaba, tabaha xukuumaddu u adeegsato dagaalka ka dhanka ah ururrada waxa ka mid ah in ruqsadaha loo diido, kuwii hore loo siiyayna lagala noqdo ama xarumahooda la xidho, kuwo kalena waxay la kulmaan hanjabaado iyo tacadiyo kale, qaarkood waxa laga mara xagga dhaqaalaha, waxa lagu aamusiiyaa lacago laaluush ah iyo ballanqaadyo kale.

Ururrada rayidka ah kuwa ugu waaweyn sida; SONYO, SONSAF, SOLJA, NAGAAD IWM iyaga laaluushkooda waxa la gaadhsiiyay in kharashaad badan looga qoondeeyo miisaaniyadda Qaranka, sida wasaaraddaha oo kale; isla markaa xukuumaddu waxay u ololaysaa ama sii ansixisaa xubnaha ururku dooran doono, sidaas daraadeed uma shaqayn karaan si madaxbannaan, balse waxa la odhan karaa waa hay’addo yaryar oo ku soo biiray hay’addihii kale ee dawladda. Si kastaba ha ahaatee dagaalkii iyo dulmigii ugu xumaa waxa la kulmay labada urur ee shaqaalaha iyo macallimiinta.

Ururka Shaqaalaha: Ururka shaqaalaha waxa la aasaasay wakhtigii Madaxweynihii hore ee Md. Daahir Riyaale Kaahin, hase ahaatee xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo waxay ku qaaday dagaal dhinacyo badan si aanu ururku u hano qaadin, tusaale ahaan waxa la cabsi geliyay xubnihii shaqaalaha dawladda si aanay u bixin qaadhaankii (Subscriptions) ururku ku hawlgali lahaa. Xafiiska Hay’adda ILO iyo hay’addo kale oo u igman dhiirigelinta iyo xoojinta shaqaalaha ee dhinacyada dhaqaalaha iyo tababaradu waxay ka gaabsadeen taageerada ururka shaqaalaha Somaliland, iyaga oo ka baqaya in dhibaato uga timaad xukuumadda. Ururku wali wuu jira, waxase saaran cuno qabatayn aanu ka hawlgali karayn.

Ururka Macallimiinta: Dhawr jeer oo la isku dayay in la sameeyo ama la soo nooleeyo ururkii macallimiinta waxa is hor taagay xukuumadda, xataa waxa ku adkaatay in ay shir iskugu yimaaddaan, xubnihii soo jeediyay ama qabanqaabinayay waxa lagu wargeliyay in aanay xukuumaddani maqli karin urur macallimiintu yeelato.

Xukuumadda madaxweyne Siilaanyo lama wadaagto oo kaliya saska ay ka qabto ururada iyo xorriyatul-qawlka, balse waxay ka shabbahdaa nacaybka iyo u dulqaad yarida in dhalliilaheeda la sheego; waxa kaloo ay uga eeg tahay faanka, guul-wadaynta, ammaanta madaxweynaha iyo dacaayado qaawan oo been-abuur ah (Black Propaganda).

Dawladdeenu sidii dawladihii shuuciga wax kasta oo ay ku fashilanto waxay iskaga leexisaa cid kale iyo cadaw aan muuqan, marnaba ma qaadato masuuliyadda wixii ka xumaaday. Madaxdeenu madaxda dalalka shuuciga ah waxay uga eeg yihiin shicibka oo bakhtiyaya inay ku nool yihiin nolol qaali ah oo raaxo badan.

Gabogabo: Saxaafadda madaxabannaan, ururada rayidka ah oo xooggani waxay astaan u yihiin dhammaystirka dimuqraadiyadda, waxa lagu tilmaamaa in ay yihiin tiir ka mid ah tiirarka iyo halbeegga dimuqraadiyadda wanaagsan.

Cabdiraxmaan Cadami

Abdirahmanadami22@gmail.com

 

 

Latest News

  • “Arrintani Waxay Ahayd Go’aan Madaxweynuhu Uu Soo Saaray, Isagoo Ka Duulaya Ummaddan iyo Qarankan Uu Odayga U Yahay In Fursadaha Shaqo Loo Qaybiyo”. Wasiirka Madaxtooyada
  • Guddoomiye Maxamed Aadan Tarabbi Oo Chicago Booqday
  • Daawo: Gobollada Saaxil Iyo Awdal oo La Soo Gabagabeeyay Waji Labaad Ee Qaadashada Kaadhka Codbixinta
  • Hay,adda Xuquuqal Insaanka Somaliland Ayaa Walaac Ka Muujiyay Xadhiga Masuuliyiin Ka Tirsan Xisbiga Wadani
  • Xukuumada Oo Ka Hadashay Odayaal Iyo Waxgarad Lagu Xidhxidhay Magaalada Laascaanood

Latest Articles

  • Tacsi Ku Socota Cabdallah Mohamed Farah ( Jirde) iyo dhamaan reer Mohamed Farah meel ay joogaanba…..
  • Hambalyo iyo bogaadin…
  • Taariikh Nololeedkii Mujaahid Maxamed Roobleh Faarax (Guraaye) Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale
  • Tacsi Ku Socda Marxuun Ibraahin Macalin Qaasim Oo Ku Geeriyooday Cariga UK.
  • UMMADDIYYO WADAADDADAN CASRIGA EEEDDAN KALA GAAADHDHAY. Abwaan: ibraahim-rashiid Cismaan Guure (aboor).

head


All Rights Reserved | Copyright © 2005-2016 : Togdheer News Network | Powered by Horn Digital