unnamed
uha-web-banner-ad Togdheer News Network
logo
logo
head
dahab
<<< Click here to contact us or Send Email to: editor@togdheernews.com>>>
head
head

Burco waxay u baahan tahay xoog dhalinyaro oo Ufadii Hargeysa oo kale ah !!!!W/Q xuseen laki

Dad badan oo reer Somaliland ah, oo aan ka mid ahay, waxaa anfariir geliyay warka ah in cisbitaalka 2 aad ee ugu weyn Somaliland, kuna yaala Caasimada labaad ee dalka waa Burco’e, taasoo hoy u ah ku dhawaad 650, 000 qof aanu Amblunce lahayn, weliba iyadoo lagu jiro xaalada isuma ciirsatada ah ee dunidu heedadowga la tahay ee COVED 19, tolow ma talo xumaa? Ma masuuliyad daraa? Ma Wadaniyad daraa? Ma dawlad xumaa? Ma shacab la’aan baa? Ma dhaqaale xumaa? Ma waxan oo dhan oo iskaashaday baa? Ma wax kalaa?

Waxaan Galay Google, bal si aan u ogaado qiimaha halka Amblunce, waayo, waxaan ka fekeray ma qiimihiisa ayaa sareeya oo ay xukuumadu goyn kari wayday? Waxaan Google I siiyay noocyo tiro badan oo Amblunce ah, oo qiimo kala duwan leh, waxaa ka mid ah Amblunce-ta hoos sawirkeedu ka muuqdo oo qiimaheedu yahay $ 43,500, waa qiimo basiid ah marka laga hadlayo umad leh dawlad baanu nahay, hal muwaadin ayaa ku deeqi kara, marka lagaba tago xukuumad iyo warkeeda, waxaa iga yaabiyay in hooyada Amblunce taas loo quudhi waayay, ee Burco ku nooli aanay cashuuri ku baaqan, oo ay cashuur bixiye taagane ah tahay, waa lagu jawr falay hooyadaas iyo ubadkeediiba, dhawaaqeediina meel dheer gaadhi waa, cid u hadashana ma haysato.

Xaqiiqdii, Burco ma laha salaadiin, Siyaasiyiin, xildhibaano (marka laga reebo masuulka la yidhaahdo xildhibaan Mubaarak Bidhi, oo aan in badan arkay isagoo dhawaaqaya), iyo aqoon yahan u hadla, haday sidan ku sii socotana way dumi doonaan iyada iyo dadkeeduba.

sidaas darteed, waxaan ku baraarujinayaa dhalinyarada Waxbaratay ee reer Burco inay u kacaan magaaladooda, uguna hiiliyaan si cilmi, caqli iyo masuuliyadiba ku jirto, waayo, waxaad tihiin xoogii iyo caqligii dihnaa ee Bulshada, Gacmaha is qabsada, midooba, noqdana Ufadii Burco, ma jirto cid kale oo aad isku halaysan oo u maqan magaaladiina iyo mustaqbalkiinaba, oo aan Alle ahayni, hana ilaawina in kheyrkiin dalal badan oo dunida ah wax ka bedeleen.

Waxaan kaloo u sheegi lahaa Qurbo joogta reer Burco in Burco tebayso doorkoodii, oo beryahan danbe u muuqda mid saqiiray.

Amaana Alla

Latest News

  • Warbixin Ku Saabsan Taariikhdii Iyo Noloshii Qaar Ka Mida Culimada Islaamka Oo Bilihii U Dambeeyay Geeriyoday
  • Kenya Oo Baadhaysa Maydka Safiir Dhintay Isaga Oo Lacag Kala Baxaya Baan Ku yaal Nayrobi
  • Warbixin: Saddexdii Madaxweyne Ee Somaliland Iyo Saddexdii Sanno Ee U Horeeyay
  • Hay’adduhu Waxa ay Abuuran baahida ” Wasiir Gafaadhi
  • Doodii Ugu Adkayd Ee Dhexmarta Musharaxiinta U Tartamaya Doorashada Maraykanka

Latest Articles

  • Cali Khaliif Galaydh Miyaanu Ahayn Muwaadin Somaliland u Dhashay?
  • Hadalkii Buuni Ee Jawaabta Maxamuud xaashi Waxa Uu Isoo xasuusiyay Silsiladii Guba. W/Q. Mustafe Axmed Maxamed Geeddi
  • Maxaa Ka Khaldan Injineerada Dhismaha Mise Qandaraasleyaasha Kham-khama? W/Q Cabdiraxmaan Cadami
  • Sheekh Maxamed oo baraarujiyey arrimaha qofka diintiisa islaamka ugu sugmayso.
  • HOGAANKU WUU TEGI DOONAAYE , HAL AYNU ISLA OGAANO !!! Muxamed Dhimbiil

head


All Rights Reserved | Copyright © 2005-2016 : Togdheer News Network | Powered by Horn Digital