Coronavirus dabadii ninkii roon baa reerka u hadhi W/Q Sharmaar Waceys
Boosaskii Awood sheegashada Dunida iyo Maamulida Caalamka ayaa u eg kuwo noqon doona in la kala riixdo Coronavirus dabadii , inuu Shiinuhu hugaamiyana udhaw marka la eego diyaar garawga hor-dhaca ah iyo siduu gacana ugu qabtay awoodiisa dhaqaale , gacanta kalana ugu maareeyay musiibada COVID19 , iyo waliba siduu ugu xadhko tuurtay Dalalkii loo tartamaayay kala ceshigooda ,
Turkey ga laftiisu ma sahlana oo waxaaba la saadaalinayaa inuu Boos muhiim ah ka cidhiidhsado talada Dunida marka la eego xiniinyaha shidaya ee Hanka sare iyo Hugaamintu hagayso , iyo waliba illaa hada waxa uu qabsaday ee Cudud ciidan iyo Cuud dhaqaale intaba leh ee uu kaga yaabsaday Aduunka , sidaa haday noqoto waxaa hubaal ah in saaxiib-tinimada Dawlada Soomaaliya iyo Turkey-gu noqon doonto mid naajaxa oo loo sahantagay , tasoo ka dhigaysa inay Dawlada Farmaajo Dad hortiiba wax fahantay ,
Dhinaca kale Dawlado waawayn oo safka hore kaga jiray Awooda iyo Amar-kutaag laynta Dunida oo Ruushka iyo Maraykanku ay ka midyihiin ayaa markan u eg kuwo kasoo dhacaya salaankaas , waa marka la eego sida waagu ugu baryay iyo inaany illaa hada kasoo gagab goynin jugtii Coronavirus , lama garan karo inay noqon doonaan ” Libaax duqoobay daanyeerkaa ku ciyaara , iyo inay noqon doonaan Libaax duq ahi toban weere ka adag” waxaase hubaal ah inay goor danbe oo xeedho iyo fandhaal kala dhaceen salalli doonaan waxay u tartaba .
Sharmaarke Wacays