unnamed
uha-web-banner-ad Togdheer News Network
logo
logo
head
dahab
<<< Click here to contact us or Send Email to: editor@togdheernews.com>>>
head
head

“ Haddaanu Mar Ciirnay Madhan Mayno,Oo Macbuudka Rabbaa Na Maarayn” Caaqil Mursal Doonyo

Caaqil Mursal Cabdi Cali ayaa Baaq Xaalad Adag oo Degdeg Ah Waxaa uu u Diray Shacabka Somaliland,Beesha uu ka Soo Jeedo iyo Qurbajoogta u Dhalatay deegaamada Bariga Burco Kaasi Oo u Aadan Deegaanka uu Kasoo Jeedo Oo Galay Xaaladii ugu darnayd Abid ee Abaaraha Taasi oo Sababtay Dhimashada Dad Noolaa oo ay Aafaysay Abaaraha Kuwaasi oo macaluul iyo Biyo La’aan ugu Nafwaayay Halkaasi
Caaqilka ayaa Ka Dhawaajiyay Inay Dadka Dhintay Marka laga tago ay Noloshu Gabaabsi ku Tahay Intii Hadhay Isagoo Wax Laga Xumaado ku Tilmaamay In Garoomo Lagu Ciyaaro Ay Baarlamaanka Somaliland Ansixiyaan Halka Dadkii Soo Doortay Ay Gaajo u Dhimanayaan
Caaqil Mursal Cabdi Cali(Dooyo) Waxaa uu Yidhi isagoo Arimahaasi ka hadlaya
“ Waxaan ugu Baaqayaa inay Si Degdeg ah Isku Casilaan Xildhibaanadii kasoo baxay Bariga Burco oo Dhamaa 17 Xubnood Marka Laga Tago intii Dhimatay kuwaasi oo Codkoodu Noqday Shimbirtii Oodweyne Hodhodho,Sidoo kale waxaan la Hadlayaa Madaxda dhaqanka Deegaamada Bariga Saaxil,Galbeedka Sanaag,Bariga Burco iyo galbeedka Sool inay Ka kulmaan Xaaladaha Dadkoodu Galay Taasi oo Aan Cidina u Maqnayn Ceelna u Qodnay Marka loo eego Aafada Abaaraha Dabiiciga ah ee Soo Foodsaartay Deegaankooda
Waxaan Leeyahay Waxaa Dhamaan Xaaraan Ka Ah Kulankaas aan usoo Jeediyay Inay Isugu Yimaadaan Madaxda Dhaqanka Deegaankaasi Dhamaanba Nimanka Siyaasiyiinta Sheegta ee Kasoo jeeda Deegaanka Mucaarid iyo Muxaafidba Kuwaasi oo Aan Odhan Karo Waxayba ku faraxsan Yihiin Dhimashada Dadkeena iyo Halaaga Duunyadeena
Waxaa la Yaableh Umada Reer Somaliland ee la leeyahay waxay wada leeyihiin Dhaqan iyo Dhiig ee Qaarna Loo Ansixinayo Malaayiin Doolar oo Garoomo Ah Markay Laamiyadii iyo Dhismayaashii Guryuhu Dhamaadeen loo Ansixinayo Garoomo Ay ku Dhereg Dhacsadaan Qaarna Ku Bakhtiyeen Dhulka Habardugaagu ku Dhinto kuwaasi oo la Rabay Codkooda Iminkana Laguba Fadhiyo
Waxaan Aaminsanahay In Asxaabta Somaliland ay Dhamaantood ka Maarmeen Codkooda Afartaas Deegaan ee aan kor kusoo Sheegay,Waxse Galabta Sheeko leh oo Mucjiso igu Noqotay Beesha ku Xisaabtamaysa Inay Deegaankaas Cod ka hesho ee Hadana Wasaaradahooda ,Salaadiintooda,Waxgaradkooda,Siyaasiyiintooda iyo Barlamaankoodu Kala Tacaalayaan Wax kasta oo Dadkaas aan soo Sheegay Loogu Gurman Lahaa Waxaan aad u Xusayaa Wasiirka Maaliyada iyo Barlamaanka Xubnaha Beesheeda ugu Jira ay Ansixiyeen Dhaqaalihii Gurmadka loogu talogalay Inay Garoomo ku Dhistaan,Sidoo kalena Riigag Qotaan kuwaasi oo isku Jirjira Shan kiilomitir Mana ihi nin Xisbi iyo Mucaarid u Hadlaya amase Cidi Dabada ka riixayso balse Waxaan Ka Hadlayaa Xaalada dhabta ah
Waxaan ugu baaqayaa Xukuumada maanta loo kordhiyay lixda Bilood ee Welibana Lagu Dilayo Dadkeeda iyo Dalkeeda Inay si Degdeg ah Isku casisho Sidoo Kalena Dawladaha Soo Socda ee Labada Dhinacba kasoo Baxa Tay Ahaataba inaanay Deegaankaasi Ka Fili Doonin wax Rajo Ah
Waxa Aadan Yeesif Galay Way Gu Dheertahaye
Samanihii Gudoonka U Lahaa Caabuq Galay
Waxaan Maanta Leeyahay Marka loo eego xaalada Taagan ee Dadkaygii Haysta TOGDHEER BAA CALAACALAY MARKUU TEBAY CIDIISII Waayo Kuwii Meesha u Joogay Ee Talada Dadku Bideen Hargaysa ayay Mooye Ka Wada Noqdeen Waxaanse u Malaynayaa In La Falay
Bendar Guuray Baadiye Camiran Boosh La Furi Waayay
Birgeydh Cararay Biig Daba Orday iyo Booje Hadhi Wayday
Buluush Kibirtay Baaniyaal Ilbaxay Bohon Lasoo Doortay
Bekal Naaxay Baydari Engagay Boholo Loo Jeexay
Nin Bahdii Ilaaway Oo Hadana Beelo Kale Raacay
Wax Ka Dhigan Siyaasiyiinta Beesha Bariga Burco ee Maanta Joogta Mucaarid iyo Muxaafidba

Latest News

  • Xisbiga UCID oo Ku Hawlan Xulashada Siyaasigii Noqon Lahaa Musharaxa Madaxweyne Ku Xigeenka Xisbiga.
  • “Dawllad-Yahay Fashilantay ee Jilicsani, Ma Maantay Gaadhay In Dadkeenii….?”Sh.Adam-Siira
  • Ramadaan Fursad Aad Malaayiin Xasanaad Ka Heli Karto
  • Dawladda Itoobiya Oo Xukun Ku Riday Afhayeen Xisbi Mucaarad Ah
  • Somaliland: Madaxweyne-ku-xigeenka oo ku Dooday in aan Laga Maarmi Karin Bangiyada ku Shaqeeya Nidaanka Ribada

Latest Articles

  • Ramadan Kareem to all relatives, friends and loved ones across the world. Fasting helps clear up the mind and strengthen the body and the spirit.
  • Sixir bararka iyo dhaqaalaha somaliland…. WQ: Muuse Cabdi
  • Shaqo la’aan Mise Shaqaale la’aan? Shaqo Abuur !Adam Nokia
  • Maxaynu Ka Baranay Sanadkan 18ka May /Qalinki suxufi madax banan cabdiraxmaan maxamed xidig
  • Tacsi Ku Socota Cabdallah Mohamed Farah ( Jirde) iyo dhamaan reer Mohamed Farah meel ay joogaanba…..

head


All Rights Reserved | Copyright © 2005-2016 : Togdheer News Network | Powered by Horn Digital