unnamed
uha-web-banner-ad Togdheer News Network
logo
logo
head
dahab
<<< Click here to contact us or Send Email to: editor@togdheernews.com>>>
head
head

Macdanta iyo khayraadka ku duugan Gobolka Daadmadheedh

                                                                                                                                                                        

      

Gobolka Daadmadheedh  waxa  ceegaaga khayraad  aad  u fara badan oo kala noocnooc ah oo ku jira gobolka  iyo nawaaxigiisaba. Ka dib  markii sahamin  fara badan oo is daba joog ah   lagu sameeyey  illaa iyo  xilligii  gumaystihii Ingiriisku dalka uu  joogay. Waxa la ogaaday in khayraad badani ku duuganyahay gobolka waxaana ka mid ah khayraadkaas macdanta noocyadeeda isugu jira kuwo  dareera ah iyo kuwo aan dareera ahyn sida saliida  ceedhin, batroolka iyo gaaska dabiiciga ah(crude oil)iyo dhagxaanta  qaaliga ah (Precious stone) sida :-

  1. Shiddaal (Crude oil)
  2. Diamond = dheeman oo ah nooca ugu  adag  uguna qaalisan  dhagxaanta  aadna ugu badan gobolka  sida la xaqiijiyey .
  3. Emerald = imirool oo ah nooca labaad  ee  iyana ugu adag   uguna qaalisan   macdanaha  dhagxaanta ah,iyaduna  waa ay ku jirtaa gobolka.
  4. Blue piral = buluu–birral iyana waa  macdan  qaali ah oo aad  u wanaagsan xaga tayada iyo adkaantaba.
  5. Aqua-marine = akuwa-marin oo ah nooc macdanta ka mid ah waxaana laga helaa meelo badan oo gobolka ka mid ah, ayaduna  waa macdan aad  u wanaagsan  xaga adkaanta iyo qiimahaba.
  6. Waxaa iyana ku jira oo laga helayaa Gobolka  macdanaha  loo yaqaano (Hydro-bouxites= haydo-boksites )waana macdanaha  ay ku badan tahay birtu sida  ironta,calciumta,phosphotes iyo macdano kale .
  7. Waxaa kale oo iyana gobolka laga helaa  macdanaha  la yidhaado (copper, maarta, silver) qalinka, ferro (xadiidka ) I.W. M .
  8. Opel (obel) , granite = garanayt.
  9. Quartisite ( kuwaartis) potash= botaash
  10. (cobalt = kobalt ( mica = mika ) (Gypsum= gibsom,(limeston ama )dhagax nuuradeed.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Muuqaalka noocyada dhagxaanta qaaliga ah ee kala duwan

 

Macdanahani iyo qaar fara badan oo aynaan halkan ku soo koobi karinba si fudud ayaa loogala  soo  bixi karaa  nawaaxiga gobolka  daadmadheedh.  Haddaba   ma’aha in laga  faa’iidaysan waayo  khayraadka dabiiciga ah  ee ku kaydsan caradeena  hooyo, haddii  loo   baahdo  in lasoo saaro khayraadkaas  waa  in si macquul ah loo  maamuli karaa.

 

 

 

 

 

 

 

Khariirad  tilmaamaysa shidaalka Oodweyne ku jira (Oodweyne Block)

Laʹsoco  qormooyinka ku xiga

Maxamed  Muuse Cimi

Qoraa iyo  Suxufi madax banaan Bariise_77@hotmail.com

Tel: 0634149171

 

 

Latest News

  • DaawoXisbiga WADDANI Oo Eedaymo Culus U Jeediyay Ciidamada Booliska Somaliland Iyo Jawaabta Ciidanka.
  • “Sicir Bararka Waxa Ka Mid Ah Dawladan 70-ka Wasiir Ah, Intaas Oo La Taliye Iyo Ninka Xilka Laga Qaaday Ee Mushaharkiisii Wali Qaata”..Xil Kijandhe
  • Daawo:Xarun Cusub Oo Loo Dhisayo Ciidamada Ilaalada Madaxtooyada Somaliland Oo La Dhagax Dhigay
  • Hoggaamiyaha Al-Qacida Ayman Al Zawahiri oo Farriin U Diray Kooxaha Ku Dagaalamaya Dalka Suuriya.
  • Daawo:Shirkadaha Korontada Hargeysa Oo Mar Kale Ku Celiyay Inay Wasaaradda Macdanta Iyo Tamartu Doonayso Inay Laydhka Kooto Ugu Xidho Shirkad Gaar Ah.

Latest Articles

  • Guddiga Qandaraasyada Qaranka, Hanti Dhawraha Guud iyo Guddiga Musuqmaasuqu ha iscasilaan (Q. 2aad)
  • Dr. Moxamd Cisman Fadal iyo xaaskiisa Zeinab Yusuf X. Adan Waxay Tacsi U Dirayaan..
  • Qisso cajiib ah : Beenta aad caruurtada bartaa dib ayay kuugu soo noqotaa adiga..WQ/Khadar Ibrahim Aar
  • Ambassador Gaaruf Muu Abbaarin Xaqiiqada Iyo Waxa Keenay Sarrif Bararka: W/Q Cabdiraxmaan Cadami
  • DULIN ABAAREED…WQ Cabdijibaar Aaden Gaas

head


All Rights Reserved | Copyright © 2005-2016 : Togdheer News Network | Powered by Horn Digital