unnamed
uha-web-banner-ad Togdheer News Network
logo
logo
head
dahab
<<< Click here to contact us or Send Email to: editor@togdheernews.com>>>
head
head

Gobolka Sanaag: Degaankii Tafiirta iyo Dhaqaalaha

 

“Dadka aan aqoonta u lahayn taariikhdoodii hore, halkay ku arooraan iyo dhaqankooda waa geed bilaa xidid ah.” Sidaa waxa yidhi Mr. Marcus Garvey oo ahaa u dhaqdhaqaaqe xorriyaadka dadka Madaw ee Ameerika, gaar ahaan Jamayka (Jamaica).

Hadalkaas qiimaha badan marka aad nuxurkiisa iyo macnahiisa si qoto dheer ugu dhaadhacdo waxa aad fahmaysaa qiimaha taariikhda hore u leedahay aadamaha, sababtoo ah waxa ay fahmayaan hab-nololeedkooda, tafiirtooda, dhaqankooda, waxayna ka badbaadayaan in si fudud loo burburiyo oo caqliga amma garaadka looga guumaysto.

Waa kii qoraaga weyn ee George Orwell laf ahaantiisu lahaa, “Habka ugu wanaagsan ee dad lagu burubriyaa waa inaad u diido amma ka hortagto fahankooda ku aadan taariikhdooda.” Laban hadal waa laba hadal oo is kaabaya, sababtoo ah waxay muujinayaan barashada taariikhdaada in aad ku noqonayso mid awood u leh fahanka qofka aad tahay.

Barashada degaankaaga waxay ku siinaysaa aqoon iyo xirfad dheeraad ah oo aad dheer tahay inta aan aqoon. Aqoontu maaha oo kaliya ta dugsiga lagu barto ee waa aqoon-korodhsiga nolosha maalinlaha ku barto. Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame “Hadraawi” waa kii ku lahaa maansadiisa ‘Baaq’

Adigoon cirka u bixin

Ama boodin leexada

Ama badaha waaweyn

Nafta aan ku biimayn

Baariis adoon tegin

Ama Boon ka sheekayn

Barashada dalkaagaa

Horta laga bogtaayoo

Beryo laysku hawlaa!

Goobaha raadadkii hore (asaarta) ee taariikhiga ah, gaar ahaan awoowayaasheen ka sii muuqdaan amma quruumihii dhulka inala degi jiray amma horteen degi jirayba (Archaeological Sites) waxa ay ka mid yihiin qanniimada qarankan u khaaska ah. Tusaale ahaan,  Laas-geel, Dhagax-guure, Karin-hagane, Dhagax-nebi-gallay, Xaadh, Jilib-Rixin  iyo Dhambalin oo dhammaantood ay ka muuqdaan raadad farshaxannimo leh oo ay sameeyeen dadkii asal ahaan dhulkan (Somaliland) degi jiray, waxa ay tilmaamayana jiritaanka iyo fac-weynida dhulkeena.

Waxa iyaguna jira magaalooyin u taagan faca ummaddeena oo noqon kara amma ahba goobo dalxiis oo dhaqaale, karaamo iyo xidhiidh dawli ah ba aynu ka dheefsan lahayn haddii ummad ahaan aynu ilaalin lahayn, dhisi lahayna, waxaanay badankoodu dhacaan magaalo xeebeedadeena, sida Saylac, Berbera, Maydh, Xiis iyo Laasqoray.

Waqti inagama tegin oo hadda waxa laga dhigi karaa goobo dunidu ku soo hirato, inkastoo haddii la ogaado faca goobahan taariikh badan oo dunida ah isbeddelayso; keeni kartana in goobo hadda fac-weyni sheegta in aynu ka da’weynaano, dalxiisayaashuna xaggeena ku soo jabaan, taasina ay abuurayso dagaal siyaasadeed iyo mid dhaqaaleba.

Dhammaadkii dagaalkii labaad ee adduunka, dalxiisku wuxuu noqday mid aad looga faa’iido, waxaannu ku fiday dhammaan daafayaasha adduunka, waxa uu si weyn u saameeyey, suurtagalna ka dhigay in laga horumaro dhinaca gaadiidka (Transportation) iyo tiknoolajiyada isgaadhsiineed (Telecommunication technology).

Waxa kaloo uu kor u qaaday xidhiidhada caalamiga ah (International relationship). Dalka goobo dalxiis oo loo booqasho tago leh waxa uu helaa kumanaan booqdayaal ah oo dunida daafaheeda ka yimaad madax, tijaar, aqoonyahan iyo shucuubo kale oo kala gedisan.

Sidoo kale, dalxiisku waa mid ka mid ah ilaha ugu xoogga badan ee laga helo awoodda dhaqaalaha, bulsho, dhaqan iyo siyaasadeed dunida aynu maanta joogno (Timothy, D. J., & Boyd, S. W. (2006).

Afrika waa Qaaradda ay aadka u soo korayso goobaha dalxiiska loo tagaa, sababtoo ah sannadkii 1990 waxa qaarada iman jiray 14.7 bilyan dalxiisayaal ah, halka annadkii 2000-kii ay gaadheen 26 Milyan dalxiisayaal ah, waxayna 2014 dalxiisayaashu gaadheen 56 Milyan ilaa hadda oo 2017 tiradaas laban-laab iyo in ka badan ba way noqdeen dadka dalxiisayaasha ay ee qaaradda ku soo qulqulaaya, sida lagu sheegay warbixin uu soo saaray ururka Midawga Dalxiiska Caalamka ee UNWTO (World Tourism Organization).

Waxa dalxiis la helaa marka la xafido taariikhda aad leedahay ee abaarta u ah abtirsiintaada amma halka aad ka soo jeedo, sababtoo ah taariikhdaas waxa ay sees u noqonaysaa jiritaankaaga dhabta ah iyo in lagu soo hirto si wax looga ogaado.

Gobolka Sanaag: Ganacsi iyo Taariikh

Gobolka Sanaag waa gobol aad u ballaadhan oo xuduud la leh Gobolka Togdheer, Gobolka Sool iyo Maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntland.  Waxa ku lammaan ballaca uu leeyahay xeeb aad u dheer oo gobolku xuduud ahaan ku teedsan.

Waxa aan maqli jiray oo aan in badan dhegaygu ku soo duushay maahmaahda tidhaahda ‘Niman dhul marin dhaayo la.’ Qof ahaan waayadii hore maahmaahdaasi way igu cindanayd, balse Alle mahaddii Saylac ilaa Maydh inta u dhaxaysa badankooda waan arkay.

Buuggaagta iyo dadka waaweyn ba waxaan ka balafsan jiray in Gobolka Sanaag ay ku duugan tahay taariikh aad u fac weyn, sida dhagaxaan la qoray oo quruumo hore fartooda ku xardheen, goobo ay degi jireen iyo xabaalaho qarniyo ka hor lagu aasay awoowayaasheen. Waxa kaloo taariikh igu soo gaadhi jiray in ay jiraan magaalooyin aasmay oo dad hore hoy u ahaa.

Degaammada ugu badan ee magacyadooda aan maqli jiray waxay ahaayeen; Gudmo Biyo-cas, Xiis, Maydh, Xaylan, Qa’ableh, Qombo’ul iyo Ceelaayo. Allaw mar uun kugu sin baan lahaa.

Xigasho idinla doonan maayo oo waxaan idiinka warrami wixii aan gobolka Sanaag ku soo arkay safarkaygii degaan barasho.

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex iyo Sarkaal kale oo Wasaaradda Caddaaladda ah oo safarkayga igu weheliyey midkaayana Ceerigaabo wixii ka baaleeya xog kamanaan haysan marka laga reebo buurta Daallo.

Waxa aan u xidhxidhanay safar dheer oo ku dhawaad qaatay 2,400 km (Hargeysa-Maydh/Xiis). Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex iyo Sarkaal Wasaaradda Caddaaladda ka tirsan ee safarkaa igu weheliyey waxa aannu Hargeysa ka baxnay maalinimadii labaad ee Iida (26 June, 2017).  Intii marinkayagu ahaa waxa ciidda iyo camaadhka ka ahaa khayraad dihin oo u baahan in laga faa’iidaysto, caqliga saliimka ahna uu qamuunyoonayo marka uu arko waxa aynu ka gaajaysanahay.

Gobolka Saaxil, gaar ahaan magaalada Berbera duleedkeed waxa ku teedsan buuro ifka ay uga soo baxday nimcada ganacsi waa haddii laga faa’iidaystee, sababtoo ah qof kasta oo sii mara wuxuu arkaa sibidhka iyo rinjiga iskood u dareeray marka ay qoyaan amma kulaylku dhalaaliyo.

Waa laba ahmiyad u leh dhismayaasha, dalal badan oo adduunka ahna dhaqaalahoodu ku tiirsan yahay, sida Itoobiya oo hadda la sheego in sibidhkeedii gabaabsi yahay iyo dalka Cummaan oo sibidhka ugu wanaagsan tayo ahaan laga soo dhoofiyo, balse saddexda dal ee sibidhka ugu badan hadda soo saara waa Shiinaha, Hindiya iyo Maraykanka oo sannadkii soo saara inta u dhaxaysa 80.36 milyan oo tan ilaa 2,482.42 milyan oo tan.

Inkastoo, hadda ganacsato muwaadiniin ah sibidhka u baxday oo mustaqbalka horumar ka samayn doonaan, haddana rijniga halkaas wadhan laf ahaantiisu wuxuu u baahan yahay munaafacaadsi iyo cid gudaha iyo dibadaba u iibgeysa oo dalka dhaqaale uga soo saarta.

Safarkaygu wuxuu hakadkiisa koowaad ku beegnaa Ceerigaabo, sidaa darteed gaadhigu biriigga ma uu qaban wax aan ka ahayn inta aannu wax ka cunayno oo tuknayno, laakiin waxa aan is tusay bilyaneer ah oo ka faa’iideeyey bidhka iyo rinjigaa, kana mid noqday bilyaneerada shirkadahoodu soo saaraan sibidhka iyo rinjiga. Waxa riyo-maalmeedkaas iga toosiyey hantaaqada baabuurka.

Waqtiga xoolaha nool la daajinayo ee ay aadka u badan yihiin amma la arko badnidooda waa subaxnimada iyo galabnimada, sidaa darteed bilihii May iyo June labadaba waxaan kala maray waqtigaas banka Saraar amma Ban-cadaha u dhaxeeya Gar-adag iyo degaanka Ceel-afweyn oo lagu yaqaanay in ay joogaan xoolo aad u badan amma dadka degaankaas markii aan warraystay ninka ugu yar lahaa afar tiro adhi ah (400 neef), balse abaartii ba’nayd ee dalka ka dhacday waxay sahayatay xoolihii tirada badnaa ee isha dhaqaale u ahaa Somaliland.

Warbixinaha hay’adaha Qarammada Midoobay soo saareen waxay tilmaameen in xoolaha Somaliland 18 milyan dhammaayeen, balse wax ka badan 10 milyan abaarta ku baxeen.

Inkastoo roobab fiican da’een, dhulkuna cagaar ahaa, haddana ma jirin xoolihii daaqi lahaa, dadkuna waxa ay ku soo dhawaadeen tuulooyinka oo ay ka dhisteen buul-qaxoonti si ay uga ag dhawadaan biyaha iyo hay’adaha oo xoogga quutal-daruuri ah siiya. Dadku waxay u baahan yihiin xoolayn si ay u soo noqdaan xoolihii, umana baahna hunguri iyo wax aan naftooda waxba u tarayn…. La soco qaybo kale…

 

Latest News

  • Barmaamij Ku Saabsan Doorka Muslimiinta Marykanka Ku Nool Iyo Arimo Kale
  • Ka Digista Fidnada – Sh Cabdilaahi Barbaraawi
  • Siyaasi Dhoola yare Oo Ka Hadlay Hadallo Ka Soo Yeedhay Taliyayaasha Ciidamada
  • Beelihii Ku Diriray Degaanka Ceelafweyn Oo Kala Qaatay Diyaddii Dadkii Ay Kala Dileen
  • Siyaasiyiin Iyo Odayaal Fariin Culus u Diray Guddiga Doorashooyinka Iyo Xukuumada

Latest Articles

  • Codbixiyeyaal Kala Fog. WQ: Cabdishakuur Xaaji Muxumed (Heersare).
  • Yaa ka danbeeyay Baaqii dhagaraysnaa ee Balfour? Taageerayaashii iyo asaasayaashii waddanka yuhuuda. Maxamed Ibrahim Saleban
  • Samaale ma wuxuu noqday ninkii daadka ka reebay ninka ay colka yihiin?..WQ Suxufi Maxamed Siciid (Xarrago)
  • Cugasho:Maanso Cusub Oo Tiriyay..Ismaaciil Qorsheel.
  • Toban Qodob oo ku saabsan Columbia iyo One Young World 2017;

head


All Rights Reserved | Copyright © 2005-2016 : Togdheer News Network | Powered by Horn Digital