unnamed
uha-web-banner-ad Togdheer News Network
logo
logo
head
dahab
<<< Click here to contact us or Send Email to: editor@togdheernews.com>>>
head
head

GORFEYNTII SILSILAD MAANSEEDDA MIIMLEY. Qaybtii 3aad…Qalinkii Cabdinaasir Axmed Abraham

Sisilad maanseeddii Guba iyo Sisilad maanseedda Miimley waxa ay iska shabbahaan sogor-doh la’aanta ama sarbeeb la’aanta. Hasa yeeshee, Guba waxa ay cudurdaar ku helaysaa wakhtigaa, ay ku soo beegantay, qabiilku wuxuu ku jiray halka maanta Qaranku ku jiro. Haddii maansadii Mudduci ee ay ku bilaabmatay Miimley aan hore idiinkula wadaagay, bal haddana aan idin la wadaago maansadii Guba. 
Cali Dhuux Aadan wuxu yidhi: 
Doqonkii Ogaadeen ahaa doolo laga qaad, 
Loo diid Dannoodiyo hadduu degi lahaa Ciid,
Niman baa dalkoodii xukuma labadii daarood,
Darratoole iyo Faafanoo wada duraabaya,
Deegaanta haradii ku taal daaqi mahayaan…
Wax ba yaan sii wadine, waxa aan uga gollahaa in aan muujiyo xidhiidhka ka dhexeeya labada silsiladdood ee Guba iyo Miimley oo labada ba aad meerisyada ugu horreeya ku garan karto ula jeedkooda.
Maadaama, maanso-yahannadii silsiladda ka qayb qaatay badankoodu soo hambalyeeyeen gorfeyntayda silsilad maanseedda Miimley, waxa igu dhalatay in aanan waxba sii raad-gurin gol-daloolooyinka silsiladda. Waxa aan se daymadaydii bidixda ee silsiladda Miimley ku soo af-meerayaa.Bogaadintayda Silsiladda Miimley wax yar aan xagga dambe marsadee, aan soo horreysiiyo qoraal kooban oo ku saabsan taariikhdii silsiladihii geyiga ka hir-galay.
TAARIIKH KOOBAN OO KU SAABSAN SILSILADII GEYIGA KA CURTAY.
“Ciwaankan sare waxa leh Yuusuf Cabdalle Shaacir, sida aan hoos ku xusay waxa aan ka soo xigtay buugga “Diiwaanka Silsiladda Siinley” ee uu qoray “Shaacir” Waxa aan se uga golleeyahay in aan fahan guud ka helno, taariikhda silsiladaha geyiga ka curtay. “ Cabdinaasir Axmed Abraham.
“Maansadaa wadaagga ku dhisani waxay mararka qaarkood noqon jirtay dood suugaaneed oo la isku xifaaleeyo, la isuguna baano. Marar kale na waxay noqon jirtay taxane mawduuci ah oo la isugu aftahammo dhigto iyo dhoolla-tus la isugu awood sheegto. Taxaneyaasha caynkaa ah ayaa waayadan danbe loo yaqaannaa Silsilad-maanseed.
1. HALAC-DHEERE: Silsiladda ku caan baxday ‘Halac-dheere’ meelaha qaarkoodna looga yaqaanno ‘Haabay’ waxaa la qiyaasaa in ay curatay intii u dhexaysay 1911 ilaa 1920. Waxay ka bilaabantay deegaanka Hobyo, laakiin waxa ay isaga dabqaadday Hobyo illaa Doolloiyo deegaanno kale oo ay ku faaftay.
Silsiladda ‘Halac-dheere’ oo halcelinteedu daarnayd xifaalayn, jareexo iyo mart-isoor, waxaa ibo-furay Cali Sharmaarke oo ka mid ahaa odayaasha deegaanka Hobyo waxaana ku kulmay gabayaagii waaweynaa ee xilligaa jiray qaarkood kuwaas oo aynu ka xusikarno Sayid Maxamed Cabdille Xasan, Cali-Dhuux Aadan, Qammaan Bulxan Yuusuf iyo maansoyahannadii kale ee xiligaa noolaa.
2. GUBA: Curashada Silsiladda ‘Guba’ waxaa lagu male weyn yahay in ay ahayd hilaaddii 1923. Wakhtigaas oo ku beegnaa wax yar uun kadib jabkii ciidamadii Daraawiishta. Walow ay taariikhdu weriso in magaca ‘Guba’ uu ka horreeyay gabayadan hadda loo yaqaanno.
Silsiladda ‘Guba’ oo ay ku hirdameen gabyaagii calansideyaasha u ahaa maansoyahannadii wakhtigaas sida Salaan Carabey, Qammaan Bulxan, Ismaaciil Mire, Maxamed Fiin iyo gabyaa kale oo haldoorah. Waxaa ballaysimay Cali-Dhuux Aadan oo isaga laftiisu ka mid ahaa afyahannadii ugu tunka weynaa hal-abuurradii foolaadka ahaa casrigaas. Waxa aanay ka aloosantay balliga loo yaqaanno “Dannood.”
Guba waxay ahayd taxane maanseed xagtin iyo xajiin badan, waxa aanay ku socotay weji qabiil oo anafo iyo aabi badani ka muuqdo, taasina waxay si toos ah uga turjumaysay waayihii, duruufihii iyo hab-nololeedkii xilliyadaa dadku ku dhaqnaa oo sababay in gabayaaga ka qayb-galay uu noqdo qareen iyo afhayeen ka turjumaya noloshaas beelaysan.
3. SILSILADDA XAYDHA: Taxanaha maanseed ee ku magac-baxay Silsiladda Xaydhu, ku-sinnaan 1941 ayaa ay ka aloosantay Burco iyo hawdkeeda, waxaana curashadiisii sabab u ahaa wadar safar ahaa oo ardaa ahaan is xigta, balse waxaa afsaarta ka rogay Xirsi Caamir oo subag loo diray iyo dhaliishii ba’nayd ee kaga timid Weerar Cali Geelle oo ku eedeeyay in aanu wax habboon keenin. Kaftan qoonsimaad iyo garsoor ayaa lagu tilmaamaa in ay ku saabsanayd, laakiin mededaalo jidka iyo jidaasha la isku dhaafiyaana kama ay madhnayn. Iyada qudheeda waxaa isu hal celiyey maansoyahanndii xiligaa jiray qaarkood sida Xirsi Caamir, Weerar Cali Geelle, Maxamed Nuur Abokor “Huube”, Diiriye Aw Guuleed, Aar Xanduleiyo gabyaa kale oo waaweyn.” 
Xigasho: Yuusuf Cismaan Cabdille “Shaacir” Sagal-jet-Hargeysa-Soomaalilaan. Diiwaanka silsiladda Siinley.Bogga 13-15.
SILSILADDA DEELLEY: Waxa ay ka curatay Muqdisho, goor ku aaddan 10.12.1979. Silsiladdani waxa ay socotay shan bilood iyadoo gaadhay meel kasta oo bulsho Soomaaliyeed ku nolayd; dalka iyo debidda ba. Sida laga garan karo magaceeda, qaafiyaddeedu waa “Deel” waana jiifto qurux badan oo ku marriiman sarbeeb iyo murti aad u qurux badan.

Haddii la tix-geliyo arrimaha ay ku saabsan tahay, dhambaalka ay xambaarsan tahay iyo quruxdeeda ba. Deelley waa suugaan dhaxal-gal ah oo siyaabo kala duwan u cabbiraysa xilli kaalin weyn kaga jira taxanaha taariikhda ummadda Soomaalida Sidaa dartee…
Diwaankani wuxu ka kooban yahay 67 maanso oo ay tiriyeen 49 qof. 48 nin iyo gabadh. Taariikhda suugaanta Soomaalida waa silsiladdii ugu tirada badnayd.” 
Xigasho: Axmed Faarax Idaajaa iyo Ibraahim Cawad Khaali, Daalley, L’Harmattan Italia, 2001”
Intaas waxa aan ku dhaafayaa qoraalladii aan soo akhriyay soona xigtay ee ku saabsanaa Taariikhdii koobnayd ee Silsiladaha geyga ka curtay. Waxa aan ka dhowrsaday in aan qoraallo badan oo aan soo akhriyay halkan idinkula wadaago; sababtuna waxa weeyaan in aan qoraalkaygu aad u sii dheeraan, oo akhriskiisa aad dhibsataan. Waxa aan ku rajo-weynahay in Maanso-yahannada silsiladda Miimley ku jiraa ay wax ka dheefi doonaan akhriska qoraalkan kooban, wax badanna uga bixi doonaan qaabyaalka silsiladaha. Doodda ah silsilad maxaa shuruud u ah ama maxaa silsiladnimada maanso maxaa jabin kara, waxa aan u arkay in aan goortan fahankeedu dhoweyn.
BOGAADINTAYDA SILSILADDA MIIMLEY
Qof ahaan waxa aan bogaadinayaa guud ahaan wax kasta oo la-hal-maala xorriyadda hadalka. Hambalyadayda aan ku bilaabo maanso-yahannada dheddig ee tixaxaha aad ka u mugga weyn kaga qayb-qaatay silsiladda; In muddo ah ba waan tabayay in la helo maanso-yahanno soo tabiya waayaha iyo dareenka runta ah ee dhaqan-dhaqaale iyadoo lagu eegayo indho-haween. 
Maanso-yahannada da’da yar ee tixihahoodii ugu horreeyay kaga qayb qaatay Miimley, si gaar ah ayaan u dhiiri-gelinayaa, waxa aana intaa ii dheer duco aan ugu ducaynayo in Rabbi ka dhigo kuwa hibooyinkooda Rabbi ku galladay “Xaqa ugu hiiliya” 
Maanso-yahannada dawladda dhalliilay, marka aan daahirka xukunno waxa ay ahaayeen kuwa xaqa u hiilinaya. Musuqmaasuqa in lala dagaallamo, waxa laga qoro, wax na laga laga yidhaa tix iyo tiraabba. Sida aan kor ku xusayna hab- maamuuska iyo asluubta hadalka oo kaliya in la faajiyo oo wixii dhalliil ahna in si qurux badan loo gudbiya ayaa jeclaan lahaa, maadaama tix tahay oo hadhayso.
Meerisyada iyo tuducyada aan u guuxay ee Miimley waxa ka mid ah: 
“Macaariifta badanee,
Magaca ii taqaanniyo,
Intaan muuqa kamarada, 
Miidhiya ku kulanniyo,
Inta heestan maqashiyo,
Muslimiinta oo idil,
Meel kastooydin joogtaan,
Salaan baydin mudantiin,
Malaha waabay daahdoo,
Muddaa layga sugayoon,
Ka maqnaa garoonkee,
Anna maanta iga qora,
Miimleyda wuxu yidhi:
Meecaad Galbeediyo,
Toddob muruqa laga furay, 
Dal-maseeye Karan da’ay,
Dhulku helay masruufkii,
Uu MACBUUDKU siin jiray, 
Caleemaha magooliyo,
Dhirta qaar ba waa midab,
Mudhacaanta gaabani,
Gaydhaha Maraagiyo,
Madheedh uma ekaatee,
Sow geed ba midhihii.
Hiddihiisu ma ahayn? “Maansada Minhaaj. Ibraahim Axmed Xasan “Sangal”
“Gobannimo ma magac baa?
Ma maqaal gon-daalaa?

Ma is moore-duug baa?
Ma ma-guurtaadii, 
Toban qoys u moos baa?
Musuq iyo ma tuugaa? 
Ma hankaaga maydhoo, 
Hibashada maciinsaa?
Ma hagaasi maankoo, 
Garashada maxbuus baa? Maansada Mudduci. Xasan Daahir Ismaaciil “Weedhsame”
“In-dhoweyd mariiqiyo, 
Meereyaasha dunidiyo,
Malluugta iyo samadaan, 
Ku mashquulsanaayoo,
Madhanta iyo ururkiyo, 
Godka saxalku maro iyo,
Mareegaha xiddigihiyo, 
Afagaallo muuqdaan,
Xilligay muquurtaan,
Maankaygu tabayoo,
Dabaylaha maraagiyo,
Maygaaga jabiyee, 
Yaaraha la moodee,
Ma-hiigaanka saadshaan,
La mashaawiraayoo,
Midabbada darruurtaan, 
Miqiyaas ku wadaayoo,
Maan-gad iyo kaliil,
Maskaxdayda gubaysoo…” Maansada Maandeeq. Cali Kayse Kabadhe.
“Aan maragga furo oon,
Isu kiin macneeyee, 
Hooyo maagtay baan ahay, 
Miciin weyday baan ahay,
Muruq-maal dhallaankiyo,
Maxasteeda korisoo,
Suuqa meerta baan ahay,
Ma haleelo heesiyo,
Suugaan midhkeedee,
Muunidaan gudaayoon,
Raadiyaa masruufkii,
Maatidu cunaysoo,
Milicdaan wareegaa, 
Milix iyo xabuubiyo 
Waxaan iibiyaa muus,
Kaaryoonaa miciiniyo,
Moodhar iiga dhigannoon,
Ku riixaa mataanaha…” Maansada Hooyo-maagtay. Layla-sagal Cali.
Dhammaad

Latest News

  • Daawo: Bandhiga Buugaagta Caalamiga Ah Oo Laga Daahfuray Magaalda Hargeysa
  • Daawo : Saddexda Xisbi Qaran Oo Baaq Nabadeed U Diray Bulshada Degmada Ceelafweyn
  • Daawo: Hargeysa Xisbiga Ucid Oo Mahadnaq U Diray Gudiyada Doorashooyink iyo Anshax Wanaaga
  • Daawo: Duqa Magaalada Boorama Oo Dhagax Dhogay Laba Waddo
  • Daawo: Masuuliyiin Ka Xidhnaa Xisbiga Waddani ee Gobolka Togdheer Oo Xorriyadoodii Dib u Helay

Latest Articles

  • Waa Maanso la magac baxday KU-TUNTUUNSO,waxaa tiriyey Abwaan YuusuF Roobleh Xirsi (Sandoon)
  • Maxay kaadhka ku qaataan maba ay qadayne. Q1aad Qalinkii Cabdi Caawiye
  • Gobolka Sanaag: Degaankii Tafiirta iyo Dhaqaalaha
  • Showgii Qarni iyo Sahra Axmed Jaamac
  • Ajnabigii Muwaadinka Ka Waddanisanaadaay!

head


All Rights Reserved | Copyright © 2005-2016 : Togdheer News Network | Powered by Horn Digital