unnamed
uha-web-banner-ad Togdheer News Network
logo
logo
head
dahab
<<< Click here to contact us or Send Email to: editor@togdheernews.com>>>
head
head

Aqoon korodhsi Caano xoolad Misaa nooc bay u kala baxaan Caanaha xooluhu

Marka hore intaa xooluhu
Irmaan yihin labbo derajo bay maran
Oo la kala dhaho ( dhallay iyo dhaqayo
1) Dhallay waa marka xooluhu dhalan
Ee canahooduna cusub yihin ama macan yihin ama dhasho ku cusub tahay
ee canahooduna
Cusub yihin ( ereyga cusub canaha looma isticimaalo lakin waxan u
isticimalaay si lo fahmo micnaha
liis baa la dhaha canaha cusub Ama fresh afka qalad
2 dhaqayo waa marka xooluhu sii gudhayan
Ama canahu kasii yarayaan
1)Canaha ogu horeya ee xoolaha marka ay
Dhalaan laga liso waxa la dhahaa
(Danbar ) waa marka neefku dhalo
Canaha ogu horeya ee laga liso
2 canaha oogu danbeeya ee neefka laga liso
Ee sabaaba in aan caano danbe loo donan
Neefkaas waxa la dhaha ( baq )
Micnaha baq waa caano xumaday asalkoodu
Lakin markaa neefku gudho ee caano xun dhiiqo Ama laga liso waxa loogu
yeedha caano baqa buu dhiiqay ee iska daaya wuu gudhay neefkàsi
Magacyada canaha iyo marxaladaha caanuhu
Maran
1) lis xoorleh) waa marka sidaa laga liso nèefka
2) Dhay ) waa caano cusub Ama fresh ah
3)May’dhanaan caano soo dhananaayaa Ama
Xooga yaalay tusaale 6 saacadod
4 gadhoodh) intaa badan geela godhaadh malaha badana gadhoodhku waa
adhiga
Waana caano dhanaan inta badan ciirta laga sameeyo
5) Karuur geel waa geela caanihiisa oo dhanaan
6) Jinaw waa geela caanihiisa oo aad uu sii dhanaanaday karuur sii
dhafay
7) Ciir ) waa caano la dhigay oo markaa ay
Dhanaanadeen la lulay subagna la sameyey
8) caaneeyo) ciirta marka subaga laga bixiyo
Subaggaas oo la dhaho burcad
Baa burcadka la shiilaa burcadkaas
Baa wuxu u kala baxaa subag saàfi
Ah iyo caano markaa canaha burcadka ka baxay baa la dhahaa caaneeyo
9) Labbeen) labbeento waxa weeye
Markaa canaha cabaar la dhigo tuusale
1 saac waxa dusha sare ka fuulaya canaha
Labbeen Ama xuub sare xuubkaas
Oo la dhaho Labbeen waana subagii
Canaha ku jiray oo dusha u soo baxay
Sidaa biyahuba maaxdu dusha usoo marto
Dhooqaduna hoosta u marto baa
Canaha subagu dusha usoo maraa
Dhananka ka hor
10) fromage waxa jiraa caano la fadhiisiyo
Oo Afaf qalad lagu dhaho fromage Ama cheese sidaa mozzarella cheese
Waa caano la fadhiyey oo aan inta badan somalidu samayn aqoon
Sida oogu fudud ee loo saameyo
Waxad karinaysaa caanaha waxad ku daraysaa qal Ama dareeraha dhanaan
ee cuntada lagu daro iyo waw yaabo yaryar oo kale kadibnaa caanihii
waxay u kala baxayaan biyo iyo caano fadhiya canaha bad miiraysaa waad
qaboojin wax shaandho ahna waad ku xidhaaysa talaagadana waad gelin
ama qabaajisada sida way ku noqon caano kayd ah oo inbadan oli karo
raadhida iyo wixi la mid ah bà la marsadaa
Akhristee maxad ku daray
Maxadse igu khilaafsantahay
Waa intaa aan ka aqoono
By ismailms qorsheel

Latest News

  • Xukukamada DF Oo Ka Hadashay Deeqdii Dawlada Maraykanku Siinjirtay Malatariga Somaliya
  • Muadaharaad Rabshado Wata Oo Ka Dhacay Magaalada Boorama
  • Kulan Lagu Soo Bandhigayay Taariikhda Qadiimiga Magaalada Qudus Oo Lagu Qabtay Hargaysa
  • Ugu Yaraan Ilaa 60-Qof oo Somali ah lagu Dilay Maamulka Degaanka Oramada
  • Kulankii u Horeeyay Ee Gollaha Wasiirada Xukuumada Muuse Biixi Iyo Nuxurkii Lagaga Hadlay

Latest Articles

  • Maxaa Cashar laga Baran Karaa Tartankii Doorashada Madaxtooyada 2017 ??.. By: Cali Xaruuri
  • Qormo Kooban Oo Hugotusaale u ah Madaxweynaha La Doortay Mustafe Adam kibaaro@gmail.com
  • FARRIIN KU SOCOTA MADAXWEYNAHA LA DOORTAY W/Q. Maxammad Saleebaan Cumar
  • Madaxweyne Muusow laba uun Yeel Waad Guulaysane Qalinkii Cabdi Cawiye
  • Booska hebel baan ku socdaa ???? By:Barkhad-ladiif M. Cumar

head


All Rights Reserved | Copyright © 2005-2016 : Togdheer News Network | Powered by Horn Digital