unnamed
uha-web-banner-ad Togdheer News Network
logo
logo
head
dahab
<<< Click here to contact us or Send Email to: editor@togdheernews.com>>>
head
head

Maansada Cusub ee Lagu Wanqalay ASTURAAD.Cabdirisaaq X.Maxamuud Yuusif (baarlibaax)

anigoo ah HAL-ABUUR dhalinyaro ah lana yidhaahdo Cabdirisaaq
x.Maxamuud Yuusuf(BAAR-LIBAAX) waxan halkan ku soo gudbinayaa MAANSO
aan ugu wan qalay ASTURAAD.
iyadoo guud ahaan dhalinyaradeennu ku suganyihiin marxalad aan la sii
eegan karin inamo iyo hablaba sida loo dhawan iyo diin badhxaayo cid u
soo jeedda oo u hiilinaysaana aanay u soo muuqan.
iyadoo maansadii wiilashuna aya ku daba jirto Waxaan maansadana kula
hadlayaa dhammaan HABLAHA soomaaliyeed oo dhab ahaan ay i damaqday
sida caarkeennii indho sarcaadka iyo laaca loogu indho daraandariyey
iyadoo geed dheer iyo mid gaabanba loogu joogo lug iyo farasna lagu
baadi goobayo sidii xijaabkooda iyo hagoogtooda ay diintoodu ku
sharaftay meesha looga saari lahaa taasina ay la macno tahay iyadoo
quruxdooda,maamuuskoodaiyo miisaankoodaba loo quudhi la’yahay oo
lagala dagaalamayo horumar if iyo aakhiroba.
flimo ujeeddo leh iyo waxay ku sheegaan xijaabka casriga ah ayaana
loogu soo gabbanayaa oo maanta hableheennii waxa ay u dhow yihiin inay
usii xuub siibtaan una xagliyaan duulkaas booraanta shishadeeda uga
gacan haadinaya
mas’uuliyaddana waxa iska leh madaxda ummada mid dhaqan,mid diineed
iyo mid siyaasadeedba hadday da’yarta dayacaa ku eegtaanna waxa hurti
la’ ah in iyagana ALLE dayici doono.
maansadii waxay tidhi:-
adoo sheegta islaam
ashahaadda qiraaya.
ardaagii addin raadka.
Agtiis aad ka bilawday
adoon meella ka aadin.
abtirsiintana ku gaadha.
ehelkii nebigeeniyo.
asaxaabti rasuulkiyo.
abu daalib dhashiisa.
maxaad aayar walaalo.
asturnaanta u diiday?
maad ilaahay ka yaabtid.?
Adoo sheegta islaam.
ashahaadda qiraaya.
ku barbaaray asluub.
quruxna aan il la’ayn.
oofna aanad u liidan.
asaagaana u toosan.
gayaankaaguna eegga.
ka dhawyay agahaaga.
weliba uu ku arkaayo.
maxaad aad yar walaalo.
asturnaanta u diidday.?
maad ilaahay ka yaabtid.?
Adoo sheegta islaam.
Ashahaadda qiraaya
aabahaa iyo hooyo.
asluubtay ku bareen..
tacabkoodi idlaa.
Inaad saa ka ahaato.
waa ayaan darro wayne.
waalidkii ijtihaaday.
niyadooda asqowday
waa abaal dhigadkaa
adaanay ku sugtaaye.
maad ilaahay ka yaabtid!
Adoo sheegta islaam.
ashahaadda qiraaya.
Ilaahayna ku doortay.
ayaantaad ifka joogto.
is ekeynta mid gaal ah!
haddaad eego tidhaahdo.
hadhow baad anfariir!
Amakaag iyo yaabba!
aakhirowgu tagtaaye.
Ajashaada naftaada
hoyadkeediyo iilka
haddii aanad ammaan.
eebbahaa ka helaynin.!
Ololkeeda cadaabta
Adigoo og inkaarta
Iyo aaya xumaanta
Laysku aabudhi doono
Ku adkaysiga leexsan
Iyo laaca if beenka
Joogistaada adduun
Haday gaaga ahaato
bal maxaad istafiidday.
maad ilaahay ka yaabri.!
Adoo sheegta islaam.
ashahaadda qiraaya.
dhaqankaaga adkeeya.
abtirkaynu lahayniyo.
hiddihii ku aroora
afrikaan u horreeya.
hooyadaa asli deeqa.
Aahabaa oday nuur
Inankiinna maqlaaya.
aradkaagana jooga.
aqoontaaduna buuxdo.
oo ammaan u ledaaya.
U badheedhka xumaan
Aad arkayso lurkeeda
Ambadkeeda hallawga
Ma qiil baa u bannaan
Maad ilaahay ka yaabtid
MOBILE:-0634664630
MOBILE:-0659129121
E-MAIL:-baarlibax@outlook.com
G-MAIL:-abulibaax@gmail.xom
FACEBOOK:- baarlibaax aflahaar dhegey
SKAYPE:- baarlibaax
INSTOGRAM:-baarlibaax

Latest News

  • Gudoomiye Cirro Oo La Kulmay Madaxa Baarlamaanadda Aduunka
  • Qoraa Boobe Yuusuf Ducaale Oo Ka Hadlay Taariikhda Marxuumad Faadumo Axmed Dhimbiil
  • Dalka Itoobiya Oo Shaaciyay In Dadweynaha Qaaradda Afrika Fiise La’aan Ku Soo Gali Karaan…
  • Baydhabo:-Gudida Fatahaadaha Kooonfur Galbeed Oo La Magacaabay
  • Madaxweynaha Somaliland Oo Ka Hadlay Dagaalka Tuko-Raq Iyo Waxyeeladii Dufaanta

Latest Articles

  • SOMALILAND MA WAXBAA U DHIMAN MISE WAXBAA KA SI’ AH. W.Q Liibaan Shaadiro Qaybtii Labaad
  • TAARIIKHDA DAWLADA SUCUUDIGA IYO QAABKII LOO AAS-AASAY WAX KA BARO. Qormadii 22` aad .
  • Xasuustayda Weedho Kooban Oo AHN.Maxamed Nuur Giriig Ka Yidhi Sahra Axmed Jaamac: Q.2aad…
  • Muxuu yahay qorsha-hawleedka hayada Duulista iyo Madaarada Jamhuuriyada Somaliland??
  • Taariikh Nololeedkiisii: Godka Lagu JanneeHoygiisi Buu Cali Ibraahim Maxamed (Cali Sanyare) Tagee Duco Ku Sii Hooya.

head


All Rights Reserved | Copyright © 2005-2016 : Togdheer News Network | Powered by Horn Digital