unnamed
uha-web-banner-ad Togdheer News Network
logo
logo
head
dahab
<<< Click here to contact us or Send Email to: editor@togdheernews.com>>>
head
head

XUSUUS-QOR IYO XIISAHA TAARIIKHDA DAARASALAAM June 9th, 2017 W.Q: Yahye Xanas

Maqaalkan waxaan ku eegi doonaa xusuusqor kooban oo ku saabsan safar gaaban oo dhawaan ku aaday magaalada Daarasalaam ee Waddanka Tansaaniya, Taariikh kooban oo dhinacyo kala gedisan taabanaysa sida: Afka, Dhaqanka, Diinta, Dhaqaalaha, siyaasada iyo saxaafada Waddanka Tansaaniya gaar ahaan magaaladda Dar salaam.

Waxay ahayd maalintii labaad ee bisha barakaysan ee Ramadaan oo ku beegnayd 28 May 2017, maalin Axad ah oo jewiga magaalada Hargeysa roobanaa.Waxaan u xidh-xidhay si aan ugu baqoolo magaalada Daar al Salaam ee waddanka Tansaaniya si aan uga qayb-galo shir looga hadalayay horumarinta saxaafada Afrika. Kaddib saacad iyo badh markaan Hargeysa kasoo duulnay waxaan kasoo degay madaarka Bole international Airport ee wadanka Itoobiya kaas oo aan muddo ku dhow shan saac ku ahaa hakad (transit) si aan ugu sugo diyaaradii i geyn lahayd Daarasalaam. Haddaba, waxa xusid mudan in aniga oo soomanaa maalintaas oo aan afurin aan 7:30 pm(Habeenimo) kasoo degnay diyaarada taas oo hal-tufaax ah iy caagad yar oo taako ah oo biyo ku jiraan aan u cunay afur ahaan. Waxa intaas raaca in muddada aan diyaaradda sugayo oo dhammayd shan saac gebi ahaanba la ii diiday in aan ka baxo xayndaabka laga duulo ee diyaarada (Terminalka) taas oo igu sii siyaadisay gaajo, safrad iyo saaxiib ku dhaafiya oo seerahaba joogin!.  Kaddib, guuxa diyaaradaha iyo xoonka musaafiriinta ee is-daba jooga waxaa Alle ii saamaxay inaan nabad-qab cagta ku saaro diyaaradii I geynlahayd magaalda Daarasaam, waxaanan hawada galnay 12:10 pm (habeenimo), Abaaro saddex saac ka bacdi markaan hawada miranay waxaa soo iftiintay Laydhadhka iyo iftiinka Daarasalaam, kaasi oo diyaaradu cago-dhigatay 3:30 am(Aroornimo) Julius Nyerere International Airport, maalin Isniin ah 29/5/2017. Sidaa darted intaa markaan kaga nimaadno sifaynta socdaalka koobnaa ee aan usoo galay magaaldan qadiimiga ah kana mid ah magaalooyinga ugu guunsan Afrika waxaan si kooban oo sar ka xaadis ah diirada ku saari doonaa Magaalada Tansaaniya:

Daarasalaam:sida aad magaca ka dheehan kartid waxay ay ka samaysantahay labba eray oo carabi ah Daar(Hoy/guri) iyo Salaam(Nabad). Waa magaalo madaxdii hore ee dalka Tansaaniya in ku dhow muddo 22 sanno ka dib waxaa loo wareejiyay caasimada dalka Tansaaniya magaalada Dodoma (Daduuma) sannadii 1996 waxayna  453 kilometre galbeed ka xigtaa Daarasalaam. Sababaha ka dambeeyay isku bedelka caasimadahan ayaa loo tiriyaa dhismaha taariikheed ee wadanka Tansaaniya oo ka yimiday isku biirida ama midowga labo waddan oo kala ahaa Sansibaar iyo Taankaniika kuwaas oo heshiisyo siyaasadeed oo ay galaan ku xusay in caasimada laga wareejiyao Daarasalaam loona wareejiya badhtamaha waddanka oo ku beegan Dodama.

Daarasalaam waa magaalada ugu dadka badan Tansaaniya, kana mid ah magaalooyinka ugu waaweyn bariga Afrika, magaalada saddexaad ee ugu koritaan ama korodhka badan aduunka   iyo magaalo ku caanbaxday ganacsiga oo dhacda badda hindiya. Wallow aanay ahayn caasimada haatan ee dalka Tansaaniya, haddana waa hoyga hogaamisa xadaarada sida dhaqanka, saqaafada, bar-kulanka dalxiisayaasha,isha-dhaqaalaha, ganacsiga, is-dhaafsiga lacagaha iyo suuqyada lagu lagu kala iibsado badeecadaha kala duwan.

Tiradda dadka ku nool daarasaam waxa lagu qiyaasaa 4,364,541( afar milyan saddexboqol iyo afar iyo lixdan kun, shan boqol iyo kow iyo afartan) taas oo ka badanaysa tirade ku noo la qiyaaso eek u nool guud ahaanba Jamhuuriyada Soomalilaan! Halka tiradda guud ee dadka ku nool waddanka Tansaaniya dhantahay  53.47 milyan sida uu Bangiga adduunku warbixin kuso saaray sannadkii 2015.

Afka,: waxaa magaaladan Daar al salaam lagaga hadlaa luuqada Sawaaxiliga, waana magaalada koobaad ee ugu badan ku hadalka luuqaddan dunidda.Luuqada labbaadna waa Ingiriisidda.

Diinta iyo Dhaqanka:  Guud ahaan dalka Tansaaniya waxaa asal ahaan ay shicibku iskugu jiraan Muslimiin iyo Gaalo kasoo kala jeeda labadii waddan ee hore usoo xusnay ahaana Sansibaar oo muslimiin asal u lahayd iyo taankaniika oo qawmiyada aan muslinka ahayn degaan u lahayd. Tusaale ahaan magaalada Daarasalaam dadka kunool waa ay is le’eg yihiin marka laqiyaaso muslimiinta iyo dadyowga aan muslinka ahaynba. Sidaa darteed, dhaqanka aad ka arkayso bulshadda waa mid badh-xan oo isku-dhexjir ah una badan mid reer galbeedaysan.

Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Lacagaha: Haddii aynu eegno dhinaca ganacsida Daarasalaam waa magaalo ganacsiyeed  iyo magaalo xeebeed ay iskaga gooshaan badeecado kala duwan oo ku caanbaxday taasi oo saamaxday inay noqoto magaaladda ugu weyn uguna mashquulsan Tansaaniya iyada oo aanay ahayn caasimadda. Dhinaca kale, waddanka Tansaaniya waa waddamada ugu dhaqaalaha liita adduunka marka la eego heerka dakhliga soo gelaya shaqsi kasta sannadkii (Per capita Income) ,laakiinse waxay ku guulaysatay in Tansaaniya noqoto waddanka koritaankiisa dhaqaaluhu si xawli ah ugu socdo taasi oo ay sababtay ka faa’idaysiga khayraadka dabiiciga ah iyo dalxiisayaasha. Waxa xusid mudan in laf-dhabarta dhaqaalaha ee Tansaaniya uu yahay Beeraha taas oo ay kasoo xarooto (1/4) afar-dalool hal dalool oo dhaqaalaha waddanka. Waxaana laga helaa 85% badeecadaha ladhoofiyo oo Beeraha kasoo go’a, 80% oo ay beeruhu daboolaan shaqaalaysiinta dadka iyo in ay sidoo kale daboolaan 7% kharashka dawladda. Waxa kale oo iyadna meesha ku jirta waddanku lacago adag ka helo baanan ganacsiyeedka adduunka iyo baananka aan ganacsiga ahayn kadib markii wax ka baddel lagu sameeyay xeerarka iyo shuruucda lagula macaamilo baananka kuwaas oo maalgelin balaadhan u sahlay in laga sameeyo guud ahaan waddanka. Lacagta laga isticmaalo waddanka waa shilin Tansaani . (Warbixin: 2017 World Fact Book).

Siyaasadda iyo Saxaafadda: ugu horrayn, waxaa uu waddankan Tansaaniya dib ugala soo noqday xoriyaddiisa gumaystihi ingiriiska sannadii 1961. Oo hal sanno uun ka dambeysey xilliggi uu shacabka Soomalilaan xoriyaddiisa dib ugalasoo laabtay isla gumaystihii ingiriiska.Waxaa xilka iskaga dambeeyay ilaa 5 madaxweyne oo si talan-taaliya ugasoo kala jeeda qowmiyadaha Muslinka ah iyo dhigooda aan muslimka ahayn intii ay xorta ahayd.Waxaana ka jira ilaa 6 urur siyaasadeed oo ku loolama hogaanka dalka.Madaxweynaha haatan taladda dalka haya waxaa lagu magacaabaa John Magufuli oo xilka haya ilaa 2015kii.Haddii aynu eegno dhinaca saxaafadda, waxa jira waddanka Tansaaniya ugu xoog-badan Wargeysyada kala duwan oo ay dadka u ah isha ugu muhiimsan ee ay kala socdaan dhacdooyinka maalinlaha ah, wararka iyo is-bedelka siyaasadaha.Kaasi oo ay kala duwan yihiin Wargeysyaddu, siiba wargeyso ka faaloodda keliya dhaqaalaha iyo ganacsiga, arimaha bulshada sida Joornaal u khaas ah Beero-falashada.Waxaa iyaduna jirta ilaa in ku dhaw labaataneeyo muuqbaahiyayaal madaxbanaan iyo tiro badan oo mareego si xawli ah u kordhaya oo iyaguna ka mid ah haya’daha warbaahinta aadka loo xiiseeyo.Guud ahaan marka la fiiriyo xaaladda saxaafadda lana qiimeeyo Warbaahinta Tansaaniya waa mid badh-ahaan madaxbanaan oo aan toos uwada madaxbanaanayn sida Haya’dda Freedom House sheegtay. Waxaa iyaduna aan jirin ficilo loo qaadan karo faafreebid oo dawladdu samayso.

Ugu dambayntii, aniga oo intaas kusoo koobi doona maqaalkan oo aan ugu talo galay saaxiibaddii iyo dadyawgii kala duwanaa ee siyaabo kala duwan iiso weydiiyay bal inaan warbixin kasiiyo Magaaladdan Daarasalaam iyo dalka Tansaaniyaba iyo cidkasta oo doonaysa inay kobciso ogaalkooda ku aadan aduunka aynu kunoolahay.

Waxaan jeclaa inaan kaga baxo qodob cajiib ah oo ku xiiso gelin doona oo haddi aynu kaga dayano Waddankaasi aynu dhabadii horumarka hiigsan doono:

  1. Waddanka Tansaaniya sidii uu sheegay tagsiile aan sheeko-wadaagnay waxaa hore uga jiri jirtay in qabiilo loo kala fadhiyay taas oo sababtay is-dhexgal la’aantii bulshada iyo wax wada qabsigii. Si dhibtaas looga baxo oo shacabku mid u noqdo, Madaxweynihii ugu horeeyay ka bacdi xornimadda waxa uu ku talaabsaday go’aan mucjiso igu noqday adigana kugu noqon doona oo xal u noqday qabiilaysigii iyo kooxaysigii shicibka kala irdheeyay! Tolow muxuu sameeyay: Madaxweyahaasi waxa uu isku badhxay qabiiladii ka jiray isaga oo ujeedkiisu ahaa inuu simo dadka yareeyana farqiga u dhexeeya. Waayo waxaa ay qabiiladu ahaayeen qaarkood hantiilayaal, qaar tiro-badan, qaar laandheere ah iyo kuwo kale oo laga itaal roonyahay. Haddaba, arinkaas uu fuliyay madaxweynuhu waxa uu daawo ka noqday madmadow iyo kala daadsanaan dabar ku noqon lahayd hayaanka iyo horumarka qarankooda.

Guntii iyo gebo gabadii Iyaddo sidaas tahay, aqriste ma kula tahay isku badhxidda qabiilada soomalidu waxay soo dhaweyn midnimadda bulshada iyo in dawlad wadaag ah  la dhisto?

Mahadsanid,

W/Q: Yaxye Maxamed Cabdi (Xanas)

U doode arimaha Bulshada iyo Horuminta “Social and Development Activist”.

Latest News

  • Muqdisho Bannaanbax Loogu Baroordiiqado Dadkii Ku Waxyeeloobay Qaraxii Sabtidii ayuu ka soo qaybgalay madaxwayne farmaajo
  • Siyaasi Obsiiye ayaa soo dhaweeyay Kulankii madaxwaynuhu la qaatey Xisbiyada Qaranka Iyo Koomishanka
  • Xisbiga Kulmiye ayaa Munaasibad u saameeyay Mutadawaciinta Olalaha Kulmiye ee Degmooyinka Hargeysa
  • Daawo:Musharraxa Xisbiga Waddani Ayaa Gaadhi UMBULANCE Ah Ku Wareejiyay Degmada Huluul
  • Daawo:Xisbiga Waddani Ayaa Deeq Gaadhsiiyay Danyarta Ku Dhaqan Duleedka Jaamacadda Burco

Latest Articles

  • Wasiir Cali Marexaan Waxa ku Waajib ah,inuu Xaal Ka Bixiyo Arrintii Foosha Xumay
  • Muj Ahmed Mire oo tacsi u diraaya qoyskii iyo shicibka Somaliland ee uu ka baxay Marxuum C/raxmaan Maxamed Maxamuud Talyanle
  • Oromada Miyaa Laga Barakiciyay Somaliland Mise Dalkoodii Ayaa Lagu Ceshay?
  • Ma Dhabaa Inuu Muuse oo kaligii ah uu ka soo Dagay garoonka diyaarahada magaalada hargeysa +Cidna Soo dhaween Iyo Xogaha Duwaan W/Q faarax jaamac
  • Oromada iyo Soomaalida Qaad wax ka weyn ayaa ka dhexeyaa!

head


All Rights Reserved | Copyright © 2005-2016 : Togdheer News Network | Powered by Horn Digital