unnamed
uha-web-banner-ad Togdheer News Network
logo
logo
head
dahab
<<< Click here to contact us or Send Email to: editor@togdheernews.com>>>
head
head

WARQAD FURAN !

KA ; MUWAADIN SOMALILANDERA Degan Burco
KU: MADAXWAYNAHA SOMALILAND Hargeysa
————————————————————————————-

“Maalin Bilan Jaalayaal”

Fariinta Hoos ku qorani kama iman Shisheeye , Cadaw , Qaran Dumis , Argagaxiso iwm , balse waxa ay ka timi JAALE GUULEED CAATO oo ah Muwaadin Dalkan u dhashay , kumana Hadlayso Af Qabiil , Qolo , Koox iyo Xisbi midnaba balse waxa ay Xambaarsan tahay Fariin Culus oo ka timi Dadwayne kala Duwan oo Calankan Sadex Midablaha ah ku hoos Dulman kuwaas oo Tabaya Doorkii ay Qaran ku lahaayeen , Tirsanayana Cadaalad Daro iyo Tacadiyaad kale oo tiro badan , Ujeedka Fariintani Maaha Calaacal , Is Ciil kaambi , Xodxodasho iwm balse waxa ay iska ridayaan Xujada korkooda Saaran oo ah in ay ku Xasuusiyaan Tabashadooda Ma aha kuwa Doonaya xaq daro sida Kooto , Laaluush , Maal , Shaqo , Qandaraas iwm balse waxa ay U Tafaxaydan yihiin Helitaanka Xaqii ay Dalkan ku lahaayeen Maadama Tacab badani ka galay Gooni isu Taaga JSL Cida ay Eegayaan Cadaaldna ka sugayaan Maaaha Wasiir , Agaasime , Badhasaab , Maayir, iyo Gudoomiye Xisbi midnaba Balse waa Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, waana sidan Fariintu :

kadib Musuqmaasuq , Eex , Qaraabo Kiil iyo Tacadiyaad Tiro badan oo Bulshada Reer Somaliland ay u geysteen Xukuumadii kaa horaysay ee uu Hogaaminayay Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)oo ahaa Shakhsigii aad ka dhaxashay Labada Xil ee aad qabatay intii Qarankani Taaba Qaaday waxa Wadanka ka dhacday Doorashadii Madaxtooyada Somaliland oo ay ka qayb qaaten Sadex Xisbi Qaran oo kala ah Ucid , Kulmiye iyo Wadani , waxaana Komishanku Sheegeen in Doorashadaas uu ku guulaystay xisbiga Kulmiye oo waqtigaas aad ka sharaxnayd kuna soo baxay 55% , Khilaaf iyo kala Fogaansho badan oo ay Natiijadaasi ku Abuurtay Bulshada Reer Somaliland oo ilaa Xiligii Xukuumadii Axmed Siilaanyo ku jiray Qoqob iyo kala Sarayn sida aad ka war qabtay balse Tanaasul ka yimi dhanka Dhigaagii kula tartamayay Madaxwaynaha Somaliland Maanta waa Adiga, Tanaasulkaas kadib waxaad Xilka Madaxwaynanimada la Wareegtay 14-12-2017 waxaanad Golahaagii Wasiirada ee u horeeyay soo Magacwday Laba Maalmood kadib iyadoo aanad ku Jaangooyn Saami qaybsigii saxda ahaa ee la rajaynayay waxaanad badi Xilalkaas u magacwday Dad u badan Ehelkaaga iyo kuwo hore uga tirsanaan jiray Maamul Xukuumadeedkii kaa horeeyay oo Eedo Musuqmaasuq Dul Hoganayaan waxaad kala jartay Qaarkoodna aad Baabiisay Wasaarado iyo Hay’ado kala Duwan oo aan kala Go’ayn Faa’ido badana u lahaa Dalka si aad Xilal ugu Abuurto dadkii Kula soo Shaqeeyay Xiligii Olalaha waxaana taasi ay Sababtay in ay Meesha ka baxdo Wada lahaanshihii Qarankan oo Tacab badani galay jiritaankiisa , sidoo kale Bilowgii Xil la Wareegistaada waxa Wadanka ka dhacay Dagaalo dhexmaray Beelo Wada Dega Deegaanada G.Sanaag , Shaqaaqadaas oo Sababtay Dhimashada ku Dhawaad Boqol Qof iyo Dhaawaca Tiro kale oo badan , Dhacdadaas oo Mudo Dami wayday siina Huraysay waxa ka qayb qaatay Wasiiro , Taliyayaal Ciidan , Cuqaal , Boqoro kuwaas oo dhamaantood Dagaalkaas kaga qayb qaatay Maal iyo Bixinta Hub kala Duwan iyo Gaadiid , Maalmo Beelaha lagu kala dhexjiray kadib waxa dib u soo Cusboonaatay Shaqaaqadaas waxaana Guud ahaan Xukuumadaadu ka gaabsatay Soo af jarka Xajadaas , waxaanay sababtay in Saraakiil sarsare oo ka Tirsan Ciidamada Milatarigu ay Goostaan waxaana Sarakiishaas goostay ee Jabhada Cusub ku dhawaaqay u horeeyay Sarkaal Sare Kornayl Siciid Cawil Caare waxaana ugu danbeeyay Koox Saraakiil iyo Ciidamo ay Wataan oo uu hogaaminayo Kornayl Gamaal Baaxad kuwaas oo ka biyo diiday ka gaabinta Xukuumada ee Xaaladaha Taagan iyo Cadaalad Darada sii badanaysa waxaanay Saldhig Milatari ka samaysteen Degmada Qardho ee Maamulka Puntland waxaanay halkaas ay ku diyaarsadeen Ciidamo ay u dhamaystiran yihiin Saanadoodii kuwaas oo hadii ay Dagaalamaan khalkhal gelin kara Nabad gelyada iyo Xasiloonida Dalka .

si taa la mida Mudadii aad xilka haysay waxa Dagaal Xoogani dhexmaray Ciidamada Somaliland iyo Ciidamada Maamulka Puntland Fadhiisinkooda Tukaraq , iyadoo Ujeedka Ciidamada Somaliland u Dagaalamayeen lagu sheegay in ay Xoraynayaan Deegaanka Tukaraq , Arintaas oo ah waxba kama jiraan iyadoo Ujeedku ahaa in Xukuumadu ay Indhaha Bulshada ka jeediso Caqabado Gudaha dalka ka jira oo ay tahli kari wayday Xalkooda .

sidoo kale waxa Hoos u dhacay Fashilmayna Xidhiidhkii Somaliland la lahayd Wadamada Jaarka iyo Kuwo Caalamka ka tirsan oo la sheego in ay ina Taabacsan yihiin waxaana Xidhiidhka Arimaha Dibadu ku soo uruuray Wadanka Imaraatka Carabta oo keliya ,oo ay ka soo jeedaan Maamulka Shirkada Dp World ee la Wareegtay Dekeda Berbera , sidoo kale waxa soo laba kacleeyay ilaa hadana taagan Sixir Barar Xadhkaha Goostay waxaana Gudi aad u saartay ay sheegeen in Xalka keliya ee Sixir Bararku uu yahay in la joojiyo in lacag Boqol Doolar ka yar laysugu diro Adeegyada Zaad iyo E-Dahab oo ahaa kuwii loogu Isticmaalka badnaa Gudaha Dalka , go’aankaas ayaan Noqon Xalkii Sixir Bararka ee Bulshadu oonka u qabtay waxaana taasi sababtay in Joojinta Adeegyadaasi ay Abuurto Sixir Barar hor leh , Madaama aanay jirin Qorshe kale oo lagu Dagaalamo Sixir Bararka Joojinta Adeegyadan mooyee .

Mudadii aad Xilka haysay waxa Xabsiyada Wadanka Buuxiyay Maxaabiis Xoriyadoodii si Khaldan looga qaaday oo Badankoodu loo xidhay Afkaar Siyaasi ah Dadkaas oo u badan dad aan la dhacsanayn Nidaamka Siyaasiga ah ee Xukuumadaada Ra’yigoodana ku Cabiray Telefishanada iyo Baraha Bulshada isugu Jirana Salaadiin , Wariyayaal; Cuqaal iyo Dad kale oo Tiro badan , waxaana taasi Abuurtay sii kala Fogaansho Hor leh oo ka dhex taagan Bulshada iyo Xukuumada oo Mudo Bilo ah wada joogay , si taa lamida Mudadii aad Xilka haysay waxa la Kordhiyay Cashuuraha Gadiidka iyo Hantida kale ee Dekeda Berbera laga soo dejiyo waxaana Xukuumadaadu Bedeshay Taarikada Gadiidka kuwo hore iyo kuwo danbeba , waxaana taasi Daaha ka qaaday in Xukuumadu martay Jidkii Xukuumadii kaa horaysay ee ahaa “aan Macaashee Muwaadin Gaajood”
sidoo kale Mudadii aad Xilka haysay waxa Wadanka soo galay Shiidaal Wasakhaysan oo Naafeeyay Gaadiid kala Duwan oo qaarkood Masaariif iyo Quutal Daruuri looga soo saari jiray kuwo waayay Xaqii ay Wadankan ku lahaayeen , mana jirto wax Mag dhaw ah oo la siiyay Dhibanayaashaas

sidoo kale Mudadii aad Xilka haysay wax kor u kacay Badashada Goobo Bulshadu isugu timaado oo lagu sameeyo Falal lidi iyo Waxyeelo ku ah Diinta iyo Dhaqankeena Suuban , kuwaas oo ay Maalgaliyaan dadyaw Ajaaniba oo aan ilaa hada la garan Ujeedka ay Wadanka u joogaan , si taa lamida Maalmo ka hor waxa la Ansixiyay Xeer lagu sheegay in uu u doodayo Arimaha Kufsiga iyo Tacadiyaadka Haweenka , Xeerkaas oo Gebi ahaan lidi ku ah Diinta iyo Dhaqanka Suuban , Xadgudub iyo Faro Gelin Khaldana ku Sameeyay Quraanka iyo Sharciga Eebe u Dejiyay Aadamaha .

si taa lamida Mudadii aad xilka haysay waxa hoos u dhacay Tayada Waxbarashada ee Dugsiyada Dawliga ah iyo kuwa Gaarka loo leeyahay , Jaamacadaha oo dhamaantood noqday goobo ganacsi oo aan lahayn Sharci Xadeeya Kaantaroolana Heerka Awoodooda iyo Tayadooda waxaana tani Cadayn u tahay in Xukuumadu aanay wax Ajande ah oo cad ka lahayn Tayada iyo Aqoonta Waxbrashada .

Ugu danbayn iyadoo ay jiraan Khaladaad badan oo aanan Gudaha Qormadaydan ku Xusin waxaan Soo jeedinayaa :

● In aad dib u Eegis ku Samayso is Waafajisano Saami Qaybsiga Bulshada iyo Tirada Xilalka Dalka , dibna aad isugu celiso Wasaaradihii aad kala jartay qaarkoodna aad burburisay .

● in aad la Xisaabtanto Shakhsi kasta oo Denbi ka galay Umaddan Isticmaalayna Awood aanu lahayn

● in aad Wada Hadal iyo Xal la Furto Jabhadaha Samaysmay madaama Gudaha Dalka ay Caqabado badani jiraan , tanina Horseedi karto Dhibaatooyin Xalkoodu Adkaan karo

● in aad Xoojiso Xidhiidhka Arimaha Dibeda ee Dalka lana jaan qaadid Is Bedelada Gayiga Afrika iyo Caalamka ka socda .

● In aad keento Xalka Dhabta ah ee Sixir Bararka , dibna Xoriyadooda Isticmaalka ugu celisid Adeegyada Zaad iyo E-Dahab oo iyagu aan
Saamayn ku yeelanayn kor u kaca Maciishada iyo Sarif Bararka .

● in aad Xabsiyada ka sii dayso Cid kasta oo u xidhan Afkaar Siyaasi ah ama Dulmi , madaama taasi Abuuri karto Khal Khal Nabad gelyo oo horleh .

● in aad Bulshada ka dhintid kana yaraysid Kordhinta Cashuuraha Adeegyada Bada soo mara iyo Kuwo Bariga , si uu u xoogaysto Xidhiidhka Bulshada iyo Dawladu .

● in aad wax ka qabato Kaantarooshana Tayo Darada Adeegyada Caafimaadka , Cuntada,Shiidaalka , Waxbarashada iwm oo dhamaantood maraya Heer aanay gaadhin ilaa Xiligii Wadanku Burbursanaa , Mag dhawna siisid dadkii uu gaadiidkooda waxyeeleeyay Shiidaalkii Wasakhaysnaa ee dalka soo galay .

● in aad ka shaqayso Ilaalinta Diinta iyo Dhaqanka Suuban , Xidhidna Goob kasta oo lagu Fidiyo Horseedi kartana Dhaqan Xumo iyo in Umada ay ku dhacdo Cadho Ilaahay , sidoo kalena aan Waafaqsanayn Xeerka Nabada
iyo Anshaxa ee Dalka .
● in aad Wadanka ka saarto dadka Ajaanibka ah ee Wadanka Macnaha Badan aan u lahayn , Faafinayana Dhaqan Xumooyin Hordhacoodu la
wada Arkay .
● in aad Joojiso guud ahaana Tirtirto Xeerka Kufsiga iyo TacadiyaadkaHaweenka

● in inta badan Waqtigaaga aad ku Bixiso la Tashiga Dadka Caqliga Saaxiibka ah madaama wada tashiga Diinteenu Amaantay , Joojisana Caadadii aad joogtaysay ee ahayd laysu Joojin Maayo

Dhugmo u yeelashada Fariintan iyo Kuwo la midka ah ayaa Dawo u ah Caqabado badan oo Maanta taagan , Akhirste wixii Talo iyo Tusaale ah ee Mawduucan ku saabsan Hoos ku reeb

Fikirkaagu waa Muhiim

QALINKII : JAALE GUULEED CAATO .

Latest News

  • Kulamadii Maanta iyo Kulanka Caawa ee Madaxwaynaha iyo,….
  • Wefti ka Socda Qoomiyadda Oromadda oo Soo Gaadhay Hargaysa.
  • Ra’iisal Wasaare Ku Xigeenka Somalia Oo Ka Hadlay Isbadalada Geeska Afrika Ka Socda
  • Ra’iisal Wasaaraha Somalia iyo Amiirka Dalka Qatar oo ku Kulmay Doha
  • Madaxwaynihii Hore ee Dalka Ethobia oo Geeriyooday

Latest Articles

  • Maamul Xumo baahsan oo hadhaysay Gobolka Daadmadheedh iyo Badhasaabkii ugu liitay Badhasaabadii soo maray gobolka oo uu ku iloobay Madaxweynuhu.
  • XAQ DARO XALKEEDU ADKAAN DOONO (XADHIGA AXMED CADIB)
  • WAARI MAYSIDE WAR HA KAA HADHO (WQL) Muhamed Dhimbiil
  • SU’AAL DADWEYNOOW?
  • WARQAD FURAN !

head


All Rights Reserved | Copyright © 2005-2016 : Togdheer News Network | Powered by Horn Digital