unnamed
uha-web-banner-ad Togdheer News Network
logo
logo
head
dahab
<<< Click here to contact us or Send Email to: editor@togdheernews.com>>>
head
head

Maamul Xumo baahsan oo hadhaysay Gobolka Daadmadheedh iyo Badhasaabkii ugu liitay Badhasaabadii soo maray gobolka oo uu ku iloobay Madaxweynuhu.

Badhasaabka Gobolka Daadmadheedh wuxuu iibsaday gaadhigii badhasaabkii
uga horeeyay Xilka (Plate Number:- GT1347)
Mudane Madaxweyne bulshada ku dhaqan gobolka Daadmadheedh waxay is
waydiinayaan sababta aad ugu soo magacaabi wayday Maamul Gobol maadama
aad 12 kii gobol ee kale u soo dhistay maamulo cusub oo la jaanqaada
is badal ka siyaasadeed ee ka hirgalay qaranka.
Waxaan shaki ku jirin in Badhasaabka wakhti xaadirkan gobolkan ku
magacaabani yahay asal ma doorshe aan waxba ku soo kordhin gobolka
mudadii uu joogay, waana Badhasaab aad moodo in laga soo ka xeeyay
goobaha cilaaj yada ee dadka lagu dabiibo, dhanka aqoonta maamulka iyo
hogaaminta wuu ka mandhan yahay , taasina waxay sababtay in uu
Isuduwayaashii Wasaaradaha ee uu ku ahaa Badhasaabka uu maalin ba mid
xidho isagoo ka doonaya laaluush ama dad shacab ahiba ku soo diraan.
Badhasaabka Gobolka Daadmadheedh wax yeelo mooye waxtar kuma soo
kordhin gobolka loo soo magacaabay waxaanu kala go’doomiyay bulshadii
ku dhaqnayd gobolka iyo xukuumadii dhexe waxaanay taasi sababtay in
bulshadu niyad jab ka qaaday la shaqaynta xukuumada cusub maadama uu
badhasaabkii hogaamin lahaa la ambaday xilkii uu hayay.
Badhasaabkani wuxuu iibiyay oo suuqa Hargeysa ku dhex iibiyay
gaadhigii uu wadan jiray badhasaabkii uga horeeyay xilka ka dib markii
badhasaabkii hore xukuumadii madaxweyne siilaanyo u iibisay gaadhi
cusub isla mudo gaabana xilka badhasaabnimo loo soo magacaabay
badhasaab ka hada Axmed Diiriye oo bulshada Gobolka Daadmadheedh ku
dhaqana u bixiyeen BADHASAAB QARANDI, gaadhigaas oo plate numberkiisu
ahaa GT1437, ayuu badhasaabkan ma xishoodaha ahi intuu ka soo furtay
plate numberkii gaadhigaas ku dhejistay ka uu hada wato halka ay ahayd
in plate Number cusub lagu xidho gaadhiga cusub.
Haddaba waxa waajib ah in Wasaarada Gaadiidku gaadhigaas ka daba tagto
si aanu ka dambana maalmaha xilku ka dhamaado aanu u sii iibsan ileen
waa halkii Cigaal Shidaad ka yiri waxaan ka yaabaya in wadi Halaq
maray noqote.

 

ALLAA MAHADLE
Faarax Macalin Xasan

Latest News

  • Xukuumadda Somaliland Ayaa Sheegtay In Gollayaasha Sharci Dajinta Ee Muddo Dhaafka
  • Maayirka Ceerigaabo oo digniin u diray Haay’addo warar beena ka faafiyay gobolkaasi
  • Shirwaynaha qaran ee hanaanka dhab u heshisiinta qaranka oo muqdisho lagu soo xidhay.
  • Siyaasi Cabdilaahi jawaan Muxu ka yidhi in Ethopia dhex dhaxaadineyso Somaliland iyo Soomaaliya
  • Deg Deg Dawladda Soomaaliya oo Ka Hadashay Safarkii Madaxwaynaha Somaliland ee Itoobiya.

Latest Articles

  • Somaliland – Dhuumasho Dhabarku Muuqdaa waa Dhib iyo Hadimo
  • Ogaysiis: UN HABITAT
  • Miyyi Ilaa Madaxtooyo: Sheeko Dhex Martay Siilaanyo iyo Sheekh Shariif
  • SHEEKH SHARIIF Xujada cusub ee Nabad iyo Nolol W/Q: Jabriil Cabdullaahi Calasow
  • Maamul Xumo baahsan oo hadhaysay Gobolka Daadmadheedh iyo Badhasaabkii ugu liitay Badhasaabadii soo maray gobolka oo uu ku iloobay Madaxweynuhu.

head


All Rights Reserved | Copyright © 2005-2016 : Togdheer News Network | Powered by Horn Digital