unnamed
uha-web-banner-ad Togdheer News Network
logo
logo
head
dahab
<<< Click here to contact us or Send Email to: editor@togdheernews.com>>>
head
head

SU’AAL DADWEYNOOW?

SU’AAL DADWEYNOOW?
Ii sheega haday jirto.
Tan iyo markii Somaliland gooni isu taaga ku dhawaaqday 27 sano ka hor, ma jiraan hal SCHOOL dawladeed sare (public secondary school) laga dhisay magaalooyinka Hargeisa, Burco, Berbera, Boorame, Laascaanood iyo meel kale toona??
Magaalada Hargeisa tusaale usoo qaado, School ka dawladeed ee secondary ah ee ugu xiga koonfur Waa Maxamud Axmed Cali, school ka Waqooyi ugu xigaa Waa Gacan Libaax schoolka galbeed ugu xigaana Waa Farax Omar. In tuba waxay ku yaaliin badhtamaha magaalada waxaana la dhisay waqtigii Siyaad Barre.

Madaxweyne Muse Biixi wuxuu leeyay guryo khasriyo ah oo badan.
Hadaad reer Hargeisa tahay marka lagu tilmaamayo u fiirso waxaad maqli Fooqa Muse Biixi ka soo laabo iyo wadada Muse Biixi soo raac.
Ninkani McDonald’s uma shaqo tegin goodhina muu furan sidii dalka loo qabsaday.
Balse wuxuu leeyay dhismeyaal dominant ah dhulka uu ku fadhiyo baaxadiisa kaliya markaad eegto.
Dadkan taloow yaa kala xaqsiin doona?

Sidoo kale wuxuu ka qayb qaatay ‭madaxweynheenu boobkii hantida qaranka, beena maaha e Waa run markhaati ma doon ah.

Wuxuu haystaa Guri kale oo weyn oo ku yaal shacabka oo dhulkii dawlada ah.

Haba tirinin dhulka iyo beeraha kale ee uu ka qaatay ka qaatayaashii hore ee qaar ka qaatayeen wada qaatayaashii hore ee dawladihii Siyaad Barre.

Wuxuu madaxweynuhu ku jiraa Qasriga Madaxtooyada oo hoy iyo xafiisba u ahaa 4 madaxweyne oo Somaliland soo maray.

Laakiin mudane Muse Biixi Waa ku cidhiidhi intaas oo guri ahiba waxaanu sheegay inuu u baahanyay meel uu cagaha ku kala fidiyo oo ka weyn ka waasacsan ka bilicsan ka khayaalisan inuu madaxtooyo ka dhigto.
Waxa la igu yidhi uma soo guurin madaxtooyada oo Ma degana e wuu usoo shaqo tagaa.

Dee muxuu ka degaa madaxtooyada guryihiisaa ka qurux badan uu khaaska u leeyahay e.
Wuxuu caqligiisu siiyay dadka dhibaataysan ama hoy la’aantu hayso adiga waxba kaama geline cashuurta dalka ka dhiso guri aad marka hore ugu yeedho madaxtooyada cusub, dhulkana ka qaad nin tolkaa ah oo awelba aad is hayseen hadhowna ha ka guurin oo yaa kaa saari kara?
Waayo wasiirkii Diinta iyo Awfaaqtuba wasaaradii diinta iyo awqaafta ayuu guri ka dhex dhistay.
Siilaanyo Villa Siilaanyo baabu ku qortay, Aar ma moodaa inuu Qatar kasoo xoogsaday, Maxamud Xaashi waakan Afaafkii State House ka degay ciidana hor dhigay, Saleebaan Gaal isna fooq buu saaray kiisii, Rayaale, Axmed Yusuf Yassin iwm. Booli Qaran looma kala hadhin.

So our leaders are not setting us a good example.

Aan usoo noqdo, dhismayaasha Cusub ee madaxtooyada, Parliament ka iyo golaha guurtida.

Horta sadexduba waxay ku fadhiyaan bogcado u muuqday inay lacag badan goynayaan. Imagine Xarunta Parliament ka oo Shopping Mall ah, imagine Madaxtooyada oo 5 Star Hotel, Big supermarket iyo Fuel Station ah, imagine xarunta Golaha Guurtida oo fancy Restaurant laga furo oo Hilib Geel xaniida sidii kuwii Carabta ee neefka dhan lagu moofayn jiray ah.

Waxay noqon lahayd the ultimate showcase lagu sharciyayn lahaa iska yeelashada iska qaadashada iska boobka iyo booliquutanimada.
Waa talaabooyin lagu han jebinaayo dulmi diidka, Waa hindise lagu baraq jebinaayo damiirka umada,Waa damac iyo hiigsi qaawan oo calooshiisa la ciyaarnimo ah.

Hitler baa laga hayay markuu qabsaday the Sudetenland oo ahayd meeshii ugu horaysay ee uu qabsado wuxuu yidhi “dadka dhulka Aabe [Germany] waxay u baahanyiin dhul ay ku neefsadaan”
Ku neefsadaan waxaad u qaadanaysaa yacni ku dhuusaan miyaa?

Hindisaha Muse Biixi uu ku dhisaayo Madaxtooyo cusub waxay iila mid tahay taa Hitler ku qabsaday The Sudetenland today Czech Republic. Iyadoo aanay jirin Hal School oo secondary ah oo loo dhisay dhalinyarada.

12 ka maalino Hargeisa usoo bax waxaad arkaysaa dadka ugu badan ee dariiqyada marayaa Waa caruur ciyaalo School ah. Markaad eegto tirada caruurta ah ee soo kacaysa waxaad is waydiinaysaa ma jiraa office of national statistics u qorsheeya dadkan waxa ay baahan doonaan beri ka maalin.
Demographics ku Waa waxyaalaha lagu qotomiyo qorshe qarameedka mudada dheer. Taasi laakiin Ma muuqato.

Nin yarina Waa nin ban soo ordaaya dhalinyaraduna way ku baraarugsanyiin in aan waxba loo hambayn oo sadkoodii lagu tagri falay.

Mar aan waydiiyay wiil yar oo dhalin yaro ah oo ka Mid ah dhalinyaradii bishan ka qalinjebisay jaamacadaha waxa u qorshaysan ka dib qalinjebintiisa ayaa hadal aan xeel dheeridiisa aad ula yaabay iigu jawaabay.
Wuxuu yidhi shaqo la’aani ma jirtee hogaan xumaa jirta, faqrina ma jiree hunguri xumo xagii madaxda ah baa jirta, hunguri xumona ha jirtee han yaraan qoomiyadeed baa jirta dhalinyaradu laakiin Ma hurudo.

Wuxuu iigu maahmaahay Waa maxay qeexida qumaysigu. Isagaa isu jawaabay wuxuu yidhi “ meel kaleba yaanan kaaga doonin e soo qaado geeraarkii Cabdillaahi Suldaan ku macnaynaayay wuxuu gumaysigu yahay ciduu doonoba ha noqdee”

Inagoo dhexda suunku
Sabarkeena qarqooray
Kii sadkeena cunaayay
Ee uu sarartiisa ka muuqday
Ee daaro loo sibidheeyiyo
Aayad saarta caruurtiyo
Sagaal boy iyo Kuugiyo
Weliba seeyid lahaa
Kii saabaanka u laabayoow
Sareeyow ma nusqaame
Aan siduu yahay eego e
Kaana siib kana saar.

Wuxuu intaa ku daray Cabdillaahi Suldaan aan siduu yahay eego ugama jeedin aan midabka calanka cusub eego laakiin wuxuu uga jeeday bal cakiska dukmigaa aan eego.

Waxaan waydiiyay wiilka, markaa miyaad tahriibaysaa?

Waxaanu ku jawaabay, “ Maya ma tahriibaayo waa dal la’aani ima hayso, Ma ihi caydh oo faqri Illaahay ii keenay ima hayo, waxaan ahay qani quruskiisii nin kale haysto, raganimaduna waxay ku faraysaa haday ugu miil cadoo haday ka maroorso tahay.”

Maxaad samaynaysaa baan ku idhi?
Kuye “inanyar oo madow oo tafeeno xun oo cidiyaha uskag ku leh oon soo quraacan baa goob fagaare ah ku dili doona mid ka mid ah kuwa hantida umada boobay. Isna wuu is dili doonaa wiilkaa yari hadii aan markiiba la dilin. Ka dib Waxaa kusoo noqon doonta dadka su’aal ah ninbaa nin dilay baa la yidhi ninkiina wuu is dilay baa la yidhi. Dadku iyana way ka markhaati kici oo mudlimiinta tirada yari ilayn way ogyiin dhibtay gaysteene iyagaa guryaha badan aad yar banayn”

Ina Ilay eeg. The history of mankind is littered with such examples.

Sidaa daraadeed cadaalada cida ugu wayn ee dani ugu jirtaa Waa kuwa maalinta ay talo faraha ka baxdo aanu jirayn guri qarin kara iyo hanti ay meel usii qaadan karaan.

Maxay ku danbeeyeen ragani:
Mucamar al Qadaffi, Sadam Hussien, Mohamed Ali Salah of Yemen,
Xusbi Mubarak, Ku dar Benito Mussolini, Hitler, Jesesco iyo Ina Ilay iyo qaar kaloo badan.

Sidaa daraadeed Nin yar oo cawlan baa umada geesi u noqon kara oo daalinka kaga xarago qaadan kara goob fagaare ah.
Markaa miyaanay fududayn oo aanay sahlanayn in dulmiga lala dagaalami karaa.

Waa halkii Weedhsame e Qasrigaagu kugu filan

Latest News

  • Somaliland oo ka digtay dhuxusha loo iib geeyo Puntland
  • Erdogan: “Codadkii Laga Hayey dilka Khashoggi wuxuu cabsi galiyay sirdoonka Sacuudiga,”
  • Hay’adda barakacayaasha oo kulan u qabatay qoxoontiga yemen
  • Agaasimaha baanka dhaxe ee Somaliland ayaa ka warbixiyey Safar uu ugu Maqnaa Jabuuti.
  • Dayaca iyo Burburka ka muuqda Goobti Madax-banaanida S/land Lagaga dhawaaqay

Latest Articles

  • Maamul Xumo baahsan oo hadhaysay Gobolka Daadmadheedh iyo Badhasaabkii ugu liitay Badhasaabadii soo maray gobolka oo uu ku iloobay Madaxweynuhu.
  • XAQ DARO XALKEEDU ADKAAN DOONO (XADHIGA AXMED CADIB)
  • WAARI MAYSIDE WAR HA KAA HADHO (WQL) Muhamed Dhimbiil
  • SU’AAL DADWEYNOOW?
  • WARQAD FURAN !

head


All Rights Reserved | Copyright © 2005-2016 : Togdheer News Network | Powered by Horn Digital