unnamed
uha-web-banner-ad Togdheer News Network
logo
logo
head
dahab
<<< Click here to contact us or Send Email to: editor@togdheernews.com>>>
head
head

Maxay kaadhka ku qaataan maba ay qadayne. Q1aad Qalinkii Cabdi Caawiye

 

Waxaan aad ula yaabay waxa ka socda goobaha kaadh qaadashada hargeysa oo aan cidiba hor taagnayn iyo gaawadhi microphone saaranyahay oo ku dhawaaqaya walaalayaal kaadhka qaata.

Waxay la noqotay wax aad u qariiba siyaasiyiintii musharixiintii xibiyada ka sharaxnaa iyo dadkii indheer garadka ahaa hadaba hadalku wuxuu yahay maxaa Walden?

Waxba ma qaldanee shacabkii waxay u bislaadeen oo ay yaqiinsadeen in aanay waxba usoo sidin oo ay iskaga joogaan bacadka iyo kuyuuqa dheer ee bilaa midho dhalka ah. Waayo bal waxaad u fiirsataa doorashooyinkii aynu soo galanay iyo wixii midho inooga soo go’ay.

1.2005 Doorashooyinkii wakiilada.

Waxay taagnayeen cadceed waxayna faylal dheer u taagnaayeen inay helaan musharax soo baxa oo masiirka iyo noloshooda xeer iyo qawaaniin fiican u dajiya lakin markii ay soo baxeen maxay noqdeen?

Waxay bulshadu ka faaiiday musuq maasuq iyo kal-fadhi aan caadi ahayn oo lacag lagu qaato

Iyo iska hadle beenaale ah.

  1. Doorashooyinkii madax-tooyada 2010.

1000 hadaanu hayn kulmiyaanu nahay.

Beeshu way haraado hormood uma maqnee.

hooyooyinkii oo dahabkoodii u iibiyey iyo muwaadiniin hantidoodii ma guurtada ahayd ugu deeqday si ay u helaan hogaamiye iyo xisbi cadaalad iyo horumar keena.

Maxay ka faa’iideen ?

Waxa ay ka faa’iideen hantida guud oo la cunno iyo qabyaalada oo shaadhka laga saaray lagana dhigay nin reer hebela oo soconaaya.

Waxa kale oo ay ka faa’iideen sixirbarar iyo koobkii shaaha ahaa iyo basraacii oo noqday 2000 shilin.

  1. Doorashooyinkii golaha Deegaanka 2012.

 

Maxay ka faa’iideen?

Waxay ka faa’iideen tuug,  khamriile, iyo hantidii-guud oo ay sii cuneen.

Wadooyinkii oo kuwii horaaba wax nabnabi jiree kuwan godadbay sii qodeen.

Haddaba maxaa ay ku  Ku qaataan kaadhka  xabadii liin dhanaanta ahayd waxay maraysaa 1000 shilin somaliland hadaba bal maxay ugu xusul duubtaa inay kaadh qaadato ama doorashaba ku hawaysataa.

La soco ………….

Qalinkii Cabdi Caawiye

Shaywaal12@gmail.com

Tell +252634115877

Latest News

  • Daawo : Daawo: Ururka Suxufiyiinta SOLJA Oo Soo Bandhitay Wargeysyadii Dalka Ka Soo Bixi JIray Sagaashameeyadii
  • Daawo: Mashruuc Lagaga Gaashaamanayo Abaaraha Soo Noqnoqda Ayaa Laga Furay Burco
  • Daawo : Qaar Ka Mid Ah Madaxdhaqameedka Iyo Waxgaradka Oo Baaq Nabadeed U Diray Bulsshada Deegaanka Dararwey
  • Daawo: Badhasaab Ku Xigeenka Gobolka Sanaag Oo Ka Warbixiyay Xaaladda Degaanka Dararweyne
  • Daawo : Muddaharaad Balaadhan oo Ka dhacay Degmada Wadaamago ee Gobolka Saraar

Latest Articles

  • Haddii Calafku Kugu Dhaco u Badalo Midho Macaan…”Sheeko Gaaban:- Saddexdii Beerwale.
  • Baaq Nabadeed ,Colaada Ceelawayn…Aqoonyahan Ahmed jaamac saalax
  • Jaalliyadda ku dhaqan dalka Netherlands waxay tacsi tiiranyo leh u dirayaan
  • Waa Maanso la magac baxday KU-TUNTUUNSO,waxaa tiriyey Abwaan YuusuF Roobleh Xirsi (Sandoon)
  • Maxay kaadhka ku qaataan maba ay qadayne. Q1aad Qalinkii Cabdi Caawiye

head


All Rights Reserved | Copyright © 2005-2016 : Togdheer News Network | Powered by Horn Digital