unnamed
uha-web-banner-ad Togdheer News Network
logo
logo
head
dahab
<<< Click here to contact us or Send Email to: editor@togdheernews.com>>>
head
head

Fadeexado Dul Hoganaya Maamulka Gobolka Daadmadheed

Bilowgii Bishii August ayay ahayd markii Gudoomiyaha Gobolka Daadmadheedh gaadhi ciidan ah oo uu saaray Badhasaab Xigeenkiisa ka daba diray Haayada FAO oo gudanaysa hawlmaal meedkeeda shaqo ee hawlaha samafalka Binu,aadamnimada, taas oo markii dadweynaha baahan ee haayadani wax u qabanaysa ka gadoodeen in haayadii hawlaha samafalka u waday maamulkii ay wax ka sugayeen ciidan u diraan ayay dadweynaha ku dhaqan tuulada Mureec saluug badan ka muujiyeen, taas oo sababtay in masuuliyiintii haayadaasi ka badbaadan xadhigii ciidanka lagu amray ee sida cilmi iyo caqli la’aanta ah uga soo fulay xafiiska gobolka.

8/8/2017 Haayada CARE oo dad dan yar ah oo ku dhaw 700 qof ugu talo gashay inay siiso waxooga caawimo ah oo la soo xidhiidhay maamulka golaha deegaanka mashruucan oo ku hawlgalayey nidaam heer degmo ah oo loogu talo galay ilaa 5 magaalo oo ay  ku jirto caasimada gobolku ama magaalada madaxda Oodweyne gudaheeda, haddaba iyagoo golaha deegaanku ixtiraamaya sida uu tilmaamaya xeerka ismaamulka gobolada ee degmooyinka ee xeer 23, waxay gudi magaalooyinka u ogolaadeen in ay iyagu soo qoraan dadkooda waafaqaya Criteria da loo baahan yahay sidaan dusha kagala socdaan maamulka golaha deegaanku, haddaba waxa looma fadhido noqotay in Badhasaab kii dhamaan ee gobolku sidii awr duda uga soo dhaco dadkii laga qorayay magaalada gudaheeda oo ay gacanta ku hayeen degmadu ama dawlada hoosaba iyadoo laga wada dharagsanyahay in cida maamusha magaalada gudaheeda iyo guud ahaan degmadaba yihiin golaha deegaanka iyo maamulkooda. Farogelinta qayral sharciga ah oo gaadhay heer maamulka gobolku ku goodiyaan inay gubayaan waxoogaga yar ee dadka masaakiinta ah ee aanu maamulka u wadanahay ilaahay haayada yar ugu soo dhiibay, taas oo keeni karta kacdoon dadweyne oo faraha lagaga gubto, waayo masuula ma maamuli karo dad aanu u tudhayn.

11/08/2017 waxa dhacday in Badhasaab Ku/xigeenka gobolka oo ahaa K/Simaha Badhasaabka wakhtigaas uu haayada Unicef oo hawleheeda shaqo ee dhanka samafalka gudanaysay uu sidii caadad u ahayd maamulka gobolka jooga ee Layliga ahi gaadhi ciidan ah uga daba diray iyadoo waliba uu kormeerka ku wehelanaayay haayada Unicef Gudoomiyaha Golaha Deegaanku. Haayadaas oo iyana xadhigii lala damacsanaa kaga badbaaday gudoomiyaha degmda oo ka horjoogsaday ciidanku in ay xidhaan masuuliyiinta haayada.

Uugu dambayntii waxaan madaxtooyada iyo madaxda Wasaarada Arimaha Gudaha ugu baaqaya in ay Siminaar aqoonta maamulka iyo sharuucda dalka u dejisana loogu yeedho Gudoomiyaha Gobolka iyo Xigeenkiisa haddii kale arintani waxay sawir khaldan ka  bixindoonta dalka gaar ahaana gobolkan ay hada ku magacaaban yihiin.

ALLAA MAHADLE

Xildhibaan Ibraahim Maxamed Nuur

Gudoomiyaha Gudi Hoosaad ka Waaxda Arimaha Bulshada Ee Golaha Deegaanka Degmada Oodweyne

Latest News

  • Jabuuti:-Arday Ka Qalin Jabisay Dugsiyadda Sare 2017/2018
  • Xukuumada Oo lagu edeeyay Kulankii faysal iyo farmaajo
  • Munaasibad lagu taageerayay Musharax Farduus Muuse Oo Ka Dhacday Oodwayne
  • Abwaan Yuusuf Shaacir Oo Sheegay In Ergada Ceel-Afweyn aan Lagu Darin Abwaano
  • Masuul Ka Tirsan Xisbiga Kulmiye Oo Ka Hadlay Barnaamika Qaran-Kaab

Latest Articles

  • Hambalyo Ku Socota Arooska Guuled Yusuf X. Aadan iyo Fadumo Ibrahim Xuseen
  • Sanadkan dad nooceeya ayaynu dooranaa golaha deegaanka iyo Baarlamaankaba?W/Q: Khadar Ibrahim Aar.
  • Maxey ka Bilaabantey Colaadda Foosha xun ee u Dhexeysa Beelaha Walaalaha ah Deegaanka Ceel-Afweyn Maxaase Udaawo
  • MAALINTA CAALAMIGA AH EE QUDUS ( JUMCAHA UGU DANBEEYA RAMADAAN )
  • Waayahii daraad Jirey Maantuu ka daran yahay.

head


All Rights Reserved | Copyright © 2005-2016 : Togdheer News Network | Powered by Horn Digital